Spain Marca Sport " Andres Iniesta wixiisa waa Waali, Sirtiisa ma qarsan karo, Hadii uu ka tago kooxda Fc Barcelona xagee ayuu aadi doonaa?,, (Faalo Yaab badan, Iniesta oo lagu cadeeyey inuu yahay Xiddig Maskiin ah oo aan aqoon sida loo Qarsado Sirta hoose ee Laacibiinta Caalamka)
Jaraaidka Marca waa Wargeeyska 2-aad ee loogu aqriska badan yahay dalka Spain marka laga soo tago Jaraaidka El Mundo. Marca waa Jaraaid fac weeyn waxaana la aas aasay 21 Bishii Dezembar sanadkii 1938-kii.
Jaraaidka Marca Sport wuxuu inta badan soo bandhigaa Ceebaha Ciyaartooyda iyo Qaladaadka ay galaan waxaana Maalin kasta iibsata Daily Dad kor u dhaafay 287.947 -Qof. Sanadkii 2010-Marca wuxuu kaalinta 1-aad ka galay dhanka Jaraaiska Sportiga ee loogu jecel yahay dalka Spain >> (Marca ist die Sport-Tageszeitung mit der höchsten Auflage in Spanien. Im Jahr 2010 betrug die durchschnittliche täglich verkaufte Auflage 274.581 Exemplare) <<
War bixin Cusub oo uu Marca-Sport ka diyaariyey Xiddiga Qaranka Spain iyo kooxda Fc Barcelona Andres Iniesta Lujan ayaa wexeey noqotay mid Xaqiiqo ah marka laga fiiriyo dhinacyo badan iyo Cadeeymaha lagu helay Laacib Iniesta oo dhanka Qadka dhexe aad ugu wanaagsan weliba qofkii ay isku fara saaraan booskiisa maalin cad kaga taga bartii ay iskaga hor yimaadeen. (Jaraaidka ayaa waxa uu leeyahay sidan ) "
Andres Iniesta Lujan Laacib Caan ah oo Cudurkiisa Qarsan waayey !!
Gaarigiisa wuxuu ku Buufiyey Midabka kooxda Fc Barcelona, Gurigiisa wuxuu ka dhigay Guud ahaan Kalarka Fc Barcelona. Isaga iyo Xaaskiisa wexeey ku Labistaan dhar Midab ahaan laga sameeyey Maaliyada Fc Barcelona. Qolkiisa Jiifka Sariirta ilaa Barkinta waa Midabka Fc Barcelona. Xiliga ay Garoomada ku dhex jiraan isaga iyo kooxdiisa ama kulan muhiim ah ay badiyaan isma Qariyo ee wuxuu isku soo qalabeeyaa ama soo qaataa Calan u qaas ah oo laga soo sameeyey Midabka kooxda Fc Barcelona,,
Andres Iniesta Lujan waa Xiddig Maskiin ah oo aan aqoon sida loo qarsado Sirta hose ee u qaaska ah Laacibiinta Caalamka. Xiddigaha Dunida ugu caansan mid kaste koox Qaas ah ayuu hoosta ka jecel yahay balse waxaa adag si lagu ogaado Sirtiisa maadaama ay taas wax u dhibi karto magaca uu ku leeyahay Musjtamaca taageera ee dhanka Qaranka uu u Ciyaaro.
Dhaqamada uu caadeeystay Andres Iniesta Lujan ma jecla kamana helin ficilkaas Taageerayaasha Qaranka Reer Spain kuwooda taageera kooxaha Real Madrid, Espanyol Barcelona iyo Fc Valencia . Xiddigaha ugu Xariifsan ee Caalamka marka ay ka fariistaan Ciyaaraha caalamiga ah ama Wadan kale u wareegaan ayeey shaaciyaan kana qaadaan Daboolka kooxda ay Taageeraan amaba jecel yihiin.
Xiddigaha Caqliga badan ee banaanka soo dhigay kooxaha ay jecel yihiin ama uu Dhiigooda ka sameeysmay waxaa lagu gartaa wexeey soo xaadiraan inta badan Kulamada adag ama fiinaalaha ah marka ay dheelayaan kooxaha ay Taageeraan.
Laacibiintaas waxaa ka mid ah David Beckham oo Man Utd isku dhiibay, Didier Claude Deschamps oo Juventus isku kooleeyey,Alan Shearer oo Newcastle ag degay,Franco Baresi oo Gaoonka kooxda Ac Milan aan laga dhex weeyn iyo Thierry Daniel Henry oo marar badan sheegay inuu yahay Taageere qarsoon oo The Gunners ah (Fc Arsenal ).
Jaraaidka Marca Sport ayaa ugu dambeeytii waxa uu leeyahay hadii ay kooxda Fc Barcelona iska iibiso Laacib Andres Iniesta Lujan ama Binji galiso maxaa dhici doona? Ma qaadan doonaa Calanka iyo Midabka Fc Barcelona mise bartaas ayuu iskaga tuuri doonaa?
Xiddigaha ugu caansan kooxda Fc Barcelona inta badan iskuma Kooleeyaan Midabka Naadigaas waxaana lagu sheegay ineey yihiin Laacibiin Xariifiin ah oo ku fakaraya ineey beri kamaalin ka tagi karaan Fc Barcelona.
Laacibiintaas is Qariska dhameeysay ee aan la ogaan karin cida ay sida tooska ah hoos uga taageeraan ayaa waxaa lagu kala sheegay Leo Messi,Xavi Hernandez, Pique & Puyol.