Kooxda Manchester United oo 18 Daqiiqo gudaheed 3 Gool looga dhaliyey iyo Kooxaha Real Madrid,Bayer Munchen iyo Inter Milan oo guulo muhiim ah gaaray (Halkaan ka Daawo Faaqidaada The Uefa Champions League ) !
Koobka horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League oo la ciyaaray kulankiisii 2-aad waxaa ku sigatay in Gurigeeda Old Trafford Cagaha looga tumo Kooxda Kubada cagta ee Manchester United (Red Devils).
Man Utd oo marti galisay kooxda heeysata Horyaalka dalka Switzerland ee Fc Basel wexeey ku kala bexeen 3-3 oo ManU si dirqi ah ku fakatay. Goolasha waxaa ku hormartay Shayaadiinta Cas Cas Man Utd waxaana u kala saxiixay Daqiiqadihii (16-aad iyo 17-aad) Mucjisada cusub ee 20-jirka ah laguna magacaabo Danny Welbeck .
Manchester United oo eey ka maqnaayeen Weeraryahanada eey ku dhaarato ee kala ah Wayne Rooney iyo Javier Hernandez waxaa dhacday in Ciyaarta qeeybteedii 2-aad la isku kuuso ka dibna laga xareeyo mudo 18-Daqiiqo Gudahood ah 3-gool oo Xiriir ahaa.
Goolasha Fc Basel oo Man Utd ku kacsatay ka dib markii eey ka faaideeystay Dul duleel iyo Qaladaad eey sameeyeen Shayaadiinta Cas Cas ayaa waxaa u kala dhaliyey Fabian Frei (Daqiiqadii 58-aad) iyo Alexander Frei (Daqiiqadii 60-aad iyo Rigoore Daqiiqadii 76-aad) .
Ciyaarta oo 2-3 mareeyso waqtigana uu dhamaaday ayaa waxaa goolkii bareejada Man Utd u saxiixay Ciyaaryahan Ashley Young oo Paass aad u qurux badan ka helay Laacib Luis Nani Daqiiqadii 90-aad.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=CT0sakQXnwA .
Isla Guruubkaan (C) waxaa wada ciyaaray kooxda Otelul Galati oo heeysata horyaalka dalka Romania iyo kooxda reer Portugal ee Benfica. Kulankaan waxaa 0-1 ku soo badisay kooxda Benfica wexeeyna Guruubkaan kooxaha u kala hogaaminayaan sidan :
Basel & Benfica min 4-Dhibcood ,Man Utd 2-Dhibcood iyo Otelul Galati oo aan wax dhibic ah wadan lagana badiyey 2 jeer.
*** Kulankii adkaa ee dhexmaray kooxaha Laacibiinta badan soo aruursaday ee Fc Bayern Munchen Vs Manchester City oo ku wada jira guruubka (A) waxaa Hilfaha loo qaaday loogana badiyey 2-0 kooxda Manchester City.
Ciyaartaan oo si weeyn Caalamka looga daawanayey waxaa Iskoor cusub jabiyey Goolhayaha cusub ee Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen waa Manuel Neuer . Goolhaye Manuel Neuer Kulamadii ugu dambeeyey ee uu Goosha u qabtay Fc Bayern Munchen 928-Daqiiqo wax gool ah lagama dhalin Horyaalka Germany iyo Koobka Champions League.
Garoonka kooxda Bayer Munchen ee Allianz Arena waxaa soo xaadirtay 66.000 oo Taageerayaal ah. Tv-ga Canal Plus intii eeysan Ciyaarta bilaaban waxa uu kulankaan ugu magacdaray Mario Gomez Vs Sergio Aguero.
Weeraryahanadaan kala ah Mario Gomez iyo Sergio Aguero ayaa wexeey isku mid ka noqdeen dhanka Gooldhalinta Horyaaladooda.
Xiddigahaan oo mid kaste uu horyaalka Dalkiisa saftay 6-kulan wexeey soo wada dhaliyeen min 8-Gool laa kiin Ciyaartii Caawa waxaa la quusiyey Sergio Aguero maadaama Fc Bayern Munchen oo Man City ku tuntay 2-0 uu goolasha u wada saxiixay Mario Gomez (Daqiiqadihii 38-aad iyo 45-aad) .Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=dx7mKRrvZsM
Isla Guruubkaan (A) waxaa guul muhiim ah gaartay kooxda Napoli oo 2-0 ku garaacday Villarreal oo ka timid dhanka La Liga ee horyaalka Spain . Goolasha waxaa kooxda Napoli u kala saxiixay Weeraryahanka Qaranka Slovakia Marek Hamsik Daqiiqadii 14-aad iyo goolka 2-aad oo Rigoore ahaa waxaa Napoli u saxiixay Xiddiga reer Uruguay Edinson Cavani Daqiiqadii 17-aad.
Waa markii ugu horeeysay oo eey kooxda Napoli 21-sano ka dib mar kale Koobka Champions League ku ciyaaraan Gurigooda San-Paolo-Stadium. Guruubkaan (A) waxaa 6-Dhobcood oo nadiif ah ku hogaamineeyso kooxda Fc Bayern Munchen,Napoli oo ku soo xigto 4-Dhibcood ayeey leedahay ,Man City 1-dhib ayeey wadataa iyo Villarreal oo ugu hooseeyso wax dhibic ah ma helin .
*** Guruubka (B) kooxda Inter Milan oo Isbuucii la soo dhaafay keensatay Macalin Claudio Ranieri wexeey Garoonka Luschniki-Stadium ee magaalada moscow 2-3 ku soo garaacday kooxda ZSKA Moscow. Inter oo uu ka maqnaa Ciyaar-suubiyahooda qadka dhexe Wesley Sneijder waxaa goolasha u kala saxiixay Giampaolo Pazzini ,Lucio iyo Goolka Guusha oo uu Daqiiqadii (79-aad) u dhaliyey Ciyaaryahan Mauro Zarate oo xiligaas badal ku soo galay.
Kooxda Nerazzurri ee Inter Milan wexeey celin waayeen oo Laf dhuun gashay ku noqday xiddiga reer Brazil Vagner Love.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta http://www.youtube.com/watch?v=1llkgPdNlCo .
Guruubkaan (B) waxaa kaloo wada ciyaaray Kooxda Trapzon oo aan weligeed imaan koobka Champions League balse ku timid Nasiib markii kooxda Fenerbahce Musumaasuq dartiis looga reebay Koobka Champions League 2011/2012.
kooxaha Trabzonspor Vs Lille wexeey ku kala bexeen 1-1. Guruubkaan waxaa 4-Dhibcood leh kooxda Trapzon, Inter Milan 3-dhibcood ayeey leedahay ,Lille wexeey leedahay 2-Dhibcood ZSKA Moscow iyana wexeey sidataa 1-dhibic oo kaliyah.
*** Guruubka (D) waxaa si Sharaf leh ku hogaamineeyso kooxda Real Madrid oo Ajax Amsterdam 3-0 faraqa u galisay.
Goolasha Real Madrid waxaa u kala saxiixay Cristiano Ronaldo (Daqiiqadii 25-aad), Ricardo Kaka (Daqiiqadii 41-aad) iyo Karim Benzema (Daqiiqadii 49-aad) Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=xOCfTOU5OGQ .
Guruubkaan (D) waxaa sidoo kale guul gaartay kooxda Olympique Lyon oo 2-0 ku suul daartay kooxda heeysata Horyaalka Croatia waa Dinamo Zagreb. Guruubkaan ayaa wexeey dhibcaha u kala heeystaan sidan : Real Madrid 6-Dhibcood ,Lyon (4-dhibcood), Ajax (1-dhibic) iyo Dinamo Zagreb oo aan meesha waxba ku heeysan (0).
KULAMADA THE UEFA CHAMPIONS LEAGUE CAAWA WEXEEY KOOXAHA XARASH ISKUGU HAYAAN QAABKAAN:
Valencia Vs Fc Chelsea, Bayer Leverkusen Vs Racing Genk, Fc Arsenal Vs Olympiakos Piraeus, Marseille Vs Borussia Dortmund,
Zenit St. Petersburg Vs Fc Porto, Shakhtar Donetsk Vs APOEL Nicosia, Ac Milan Vs Viktoria Plzen iyo BATE Borisov Vs Fc Barcelona.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com