Qamriga Fodka waa Qamri qaab daran oo Qofkii cabaa eey Jihada ka dhunto ka dibna Jaaifo iyo caay kula dhaqaaqo cid alle iyo cidii ka soo hor baxdo xitaa Waalidkiis ama Ehelkiisa. Qamrigaan Fodkaha ah waxaa sameeyey oo sidii Biyaha camal u caba Dadweeynaha dalka Ruushka iyo Dadweeyne kale oo ku nool qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub.k
Dadweeynaha ku nool Dunida ee caba ama uu Dhiigooda u bartay cabista Vodkaha marka eey cabaan inta badan kama soo baxaan Guryahooda ama meelaha Maqaayadaha ah ee loogu tala galay in lagu cabo ama lagu caweeyo maxaa yeelay waxaa maqan oo meel dheer ka aado Maskaxdoodii iyo Miyirkii eey wax ku Koontarooli lahaayeen.
Qamriga Vodkaha waxaa ku jiro sida la cadeeyey Sarqaan daran oo Qofka Caqligiisa ka dhiga inta uu Sarqaasan yahay sidii ilmo Saqiir ah oo kale wuxuuna Qofka xiligaas Vodkaha cabsan ka bixi waayaa Qosol aan jirin iyo Qeeylo badan oo dadka meel fog maraya eey dareemaan in ruux cabsan uu meesha ku sugan yahay.
Qisada ugu yaabka badan ee aan la yaabay ayaa waxeey tahay Shirkada iska leh Qamriga Fodka oo soo saartay Nuuc Dhalooyin cusub ah oo ka sameeysan Midabka Cagaarka, Gaduudka, Jaalaha, Cadaanka iyo Buluuga kuwaas oo eey ku sheegtay ineey yihiin Vodka nuuc cusub oo casri ah. (Alloow nin aan wax ogeeyn ha cadaabin)
Shirkadaan ayaa wexeey xayeeysiinta Qamrigaan Qaabka daran sii daba dhigtay Magac English ahaan aad u wanaagsan waana (Absolut). Inta badan Soomaalida ku nool Qurbaha ayaa marka eey ka adeeganayaan Dukaamada Casriga ah ee waa weeyn waxaa Indhahooda eey qabtaan Midabka cusub ee xayeeysiinta dhalooyinka Qamriga Absolut Vodka.
Waa wax iska caadi ah in qofba uu wato dhaqan kale oo u gaar ah balse Soomaali ahaan erayga (Absolut, Axsan) waxa uu ku wanaagsanaan lahaa sidan : Absolut Cabitaan Cambe & Qare ah ama Absolut Vimto & Seeytuun mushakal ah !!