WORLD SPORT NEWS : Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic oo markii 6-aad gacanta ku dhigay Abaalmartinta Xiddiga Sanadka ee dalka Sweden,* Angel Di Maria oo Real Madrid & Qarankiisa Argentina ka dhaawacmay,* Luciano Moggi oo 5 sano iyo 4 bilood oo Xarig ah loo jaray & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
*** Xiddiga Qaranka Sweden iyo kooxda Ac Milan ee horyaalka Talyaaniga Zlatan Ibrahimovic ayaa markii 6-aad waxa uu ku guuleeystay Kubada Dahabka ah ee aalaabaa la siiyo Laacibka Sanadka ee dalka Sweden. Xaflada abaalmarinta oo ka dhacday Caasimada dalka Sweden ee Stockholm waxaa Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic kula tartamaayey Laacibiin caan ah.
Zlatan Ibrahimovic hada waa 30 jir waana Ciyaaryahan asal ahaan ka soo jeeda dalka Bosnia balse ku soo koray Wadan Sweden wuxuuna horay ugu soo ciyaaray kooxaha kala ah Malmö FF , Ajax Amsterdam, Juventus, Inter Milan , Fc Barcelona iyo hada oo uu afka hore ka caawiyo Kooxda Rossaneri ee Ac Milan.
*** Xiddiga Qaranka Argentina iyo kooxda Boqorada reer Yurub ee Real Madrid Angel Di Maria ayaa waxa uu ka dhaawacmay Muruqa Bawdada wuxuuna Garoomada maqnaan doonaa Ciyaaryahankan mudo hal Bil ka badan.
Angel Di Maria wuxuu ku dhaawacmay kulankii Real Madrid Vs Osasuna (7-1) waxaana la sheegay in uu si toos ah uga maqnaan doono Qarankiisa Argentina Isreeb reebka World Cup 2014 oo lagu wado in maalinta Jimcaha ah eey Argentina fooda is daraan Qaranka Bolivia halka Maalinta Talaadada ah ee isbuuca dambe Argentina eey is arki doonaan Qaranka Colombia.
*** Maamulihii hore ee kooxda Juventus Luciano Moggi iyo Aqiyaar kale oo lagu eedeyey ineey wax is daba mariyeen ayaa Maxkamad ku taala dalka Talyaaniga wexeey ku xukuntay Xabsi.
Luciano Moggi oo lagu heeysto Fadeexadii hareereeysay Horyaalka Talyaaniga Sanadkii 2006 waxaa loo jaray Xabsi lagu sheegay 5 sano iyo 4 bilood .
Paolo Bergamo oo ka mid ahaa Maamulkii Alabiitarayaasha ee Fareexadaan ka qeeyb qaatay waxaa isna loo jaray 3 sano iyo 8 Bilood halka Saaxiibkiis Pierluigi Pairetto oo xiligaas wada shaqeenayeen Alabiitarahaan ayaa isna waxaa la laqsiiyey 16-Bilood.
Masuuliyiintii hore ee SS Lazio Claudio Lotito iyo kooxda Fiorentina Andrea & Diego Della Valle ayaa min 15 Bilood oo xarig ah loo jaray halka ugu dambeytnii Maneger-kii hore ee kooxda AC Milan Mr.Leonardo Meani isna 1 sano oo Xarig ah lagu ganaaxay.
Kooxda kubada cagta ee Fc Arsenal wexeey isku dooneeysaa ineey isku mar la soo wareegto labo Laacib oo u kala ciyaara Kooxaha B.Dortmund iyo Galadbach iyo weliba Qaranka dalka Germany waxaana Xiddigahaan lagu kala magacaabaa Mark Reus iyo Kevin Grosskreus. Xiddiga da´da yar ee lagu magacaabo Mark Reus waxaa kooxda Fc Arsenal suuqa kula jirto ama beeca ku heeysato kooxda Juventus ee horyaalka Talyaaniga. Fc Arsenal wexeey sidoo kale aad u dooneeysaa Ciyaaryahan Javi Garcia oo u safta kooxda Benfica ee horyaalka Portugal.
*** Kooxda Fc Bayern Munchen wexeey booskiisa xiratay Laacib dhoor bilood ka hor looga diiday kooxda Fc Arsenal 40 Milyan oo Euro waana Xiddiga u safta kooxda B.Dortmund iyo Qaranka Germany Mario Götze.
*** Kooxda Manchester City ee Horyaalka England wexeey si toos ah uga baxday hamigii iyo beecii eey ku dooneeysay Xiddiga kooxda Napoli ee Horyaalka Talyaaniga waa Ciyaaryahan Lavezzi.
Man City oo Xiddigaan rabtay ineey ku buuxiso booska Quuqle Carlos Tevez oo la ganaaxay ayaa waxaa la sheegay Macalin Mancini inuu soo wato mid ka mid ah Xiddigaha da´da yar ee Qaranka Italy. (?)
War Gelin ku socoto bahda ku xiran www.xiriiriye.com , Goor dhaw waxaa soo bixi doona oo hawada ku soo jira 10 Ciyaartooy oo Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta caan ka ah kuwaas oo 5 ka mid ah eey Magacyadood Caay xun yihiin halka Shanta kale Magacyadooda eey Amaan wanaagsan yihiin.
Dhalinta Soomaaliyeed ee Sportiga xiiseeysa Ciyaaraha weey iska daawadaan laakiin ma oga oo lama socdaan in Xiddigaha caanka ah qaar magacyadooda eey amaan tahay halka qaar kale Magacyadooda eey caay qaab daran ka tahay oo weliba laga xishoodo marka lagu dhawaaqo. (Coming Soon) !!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka