Garoonka Fc Barcelona anoo Asturan ayaan tagaa marka uu Wiilkeeyga Ciyaaraayo mana arag cid wax iga sheegtay,, Sidaas waxaa tiri Habiba oo ah Hooyada dhashay Xiddiga Fc Barcelona & Qaranka Holland Ibrahim Afellay !!
Habiibo waa Hooyada dhashay Xiddiga Qaranka Holland iyo kooxda kubada Cagta ee Fc Barcelona Ibrahim Afellay .Haweeneeydaan oo u warameeysay Tv-ga Foxsport wexeey sheegtay in Xiliyada uu Ciyaaraha leeyahay Wiilkeeda ineey inta badan iska Xaadiriso Garoonka weeyn ee kooxda Fc Barcelona (Camp Nou).
Garoonka Fc Barcelona oo qaada Taageerayaasha ugu badan kooxaha Qaarada Yurub 98.000 oo Taageere waxaa la dhisay 24-kii Bishii Sebtembar sanadadkii 1957-kii.
Hooyada dhashay Laacib Ibrahim Afellay oo inta badan uu Garoonka u soo raaco Wiil eey isku Hooyo yihiin Ciyaaryahan Ibrahim Afellay kaas oo lagu magacaabo Ali Ablichten ayaa Habiiba waxa eey tiri mar la weeydiiyey Amaanka Garoonkaas oo inta badan buuxo sidan :
" Wiilkeeyga Ibrahim marka uu kulamo adag Ciyaaraayo waan soo xaadiraa Garoonka kooxda Fc Barcelona aniga oo sideeyda u Asturan mana arag Cid aan kala kulmay wax qash qashaad ah,,
Qooyskaan ayaa asal ahaan waxa eey ka soo jeedaan dalka Maracco balse waxa uu Ciyaaryahan Ibrahim Afellay ku dhashay 2. Bishii April Sanadkii 1986-ka Magaalada Utrecht ee dalka Holland.
Ibrahim Afellay waxaa uu u soo Ciyaaray kooxda PSV Eindhoven ee horyaalka dalka Holland Sanadihii 2004 ilaa 2010 wuxuuna mudadaas 129 kulan oo uu dheelay u dhaliyey PSV Eindhoven 35-gool. 4-tii bishii Febraayo Sanadkii 2004 ayuu kulankiisii ugu horeeyey u saftay PSV Eindhoven wuxuuna xiligaas ahaa 17-sano jir.
Xiddigaan oo Mucjisooyin badan la soo baxay waxaa booskiisa xiratay oo si deg deg ah ku soo iibsatay Sanadkaan 2011 kooxda Fc Barcelona in kastoo mudooyinkaan dambe uu daris la noqday Dhaawacyo soo noq noqday oo dhanka Muruqa ah.
Halkaan ka Daawo Wacdaraha Laacib Ibrahim Afellay >>> http://www.youtube.com/watch?v=nYinogRmu-Y&feature=related .
Filo goor dhaw Warar Sport oo Top News ah .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com