FC Barcelona oo soo xero gelisay Ibrahim Afellay, Weeraryahan Adrian Ramos oo Nin Baaskiil watay Dhaawac xun gaarsiiyey, Hugo Almeida oo Bremen ka tagay & Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News .
*** Kooxda kubada cagta ee Catalonia (Fc Barcelona ) ayaa gacanteeda Midig ku hubsatay Xiddigii eey mudada dheer Tooshka ka daba wadatay waa Ibrahim Afellay oo u ciyaara kooxda PSV Eindhoven ee horyaalka dalka holland. Ibrahim Afellay oo 24-jir ah kana ciyaara Khadka dhexe ayaa waxaa uu sidoo kale u ciyaaraa xulka Qaranka Holland.
Ninka kooxda Barcelona ka ah Sportdirektor-ka Andoni Zubizarreta ayaa shaaciyey ineey la soo wareegeen ugana guuleeysteen kooxihii kale ee rajada ka lahaa Laacibka Qadka dhexe ee Qaranka Holland iyo kooxda PSV Eindhoven Ibrahim Afellay. Ciyaaryahan Ibrahim Afellay oo laga soo baxshay 3-Milyan oo Euro ayaa waxa uu Qalinka ku duugay heshiis gaari doona ilaa sanadka 2015. Ibrahim Afellay oo lagu soo dhaweeyey ama loo geliyey Lambarka 20-aad ee kooxda Fc Barcelona ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulankiisa ugu horeeyo ee kooxda Barca uu safto ciyaarta 2.1.2011 dhex mari doonta kooxaha Fc Barcelona Vs UD Levante.
Xiddigaan oo Khadka dhexe aad ugu wanaagsan ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey ee uu kacsanaa isku heeystay kooxaha kala ah Fc Barcelona, Schalke, Hambrug iyo kooxda Lyon. Ciyaaryahan Ibrahim Afellay ayaa ku dhashay 2. April 1986 Magaalada Utrecht ee dalka Niederland wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa oo Familkiisa eey ka yimaadeen dalka Marocco.
*** Weeraryahanka xulka Qaranka Colombia iyo kooxda Herha Berlin ee dalka Germany Gustavo Adrian Ramos ayaa isaga oo gaari wato waxa uu dar daray oo dhaawac halis ah gaarsiiyey Nin wadada dhinaceeda Baaskiil ku watay oo lagu sheegay da´diisa 39 jir. Ciyaaryahan Gustavo Adrian Ramos oo fasax ugu maqnaa dalkiisa Hooyo ee Colombia ayaa waxa la sheegay inuu Schock & Naxdin ka qaaday dhibaatadaan uu geeystay halka ninkii Baasliika watay ee uu Jiiray Qaliin deg deg ah lagu sameeyey wuxuuna ku jiraa ilaa hada Koomada la geliyo dadka eey Nolashooda u dhaxeeyso Geerida iyo Nolasha.
Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Weeraryahan Gustavo Adrian Ramos ayaa wexeey durbadiiba si deg deg ah uga heleen 0,53 Promille Alkolada loo yaqaan ee dadka Sarqaamisa weliba maskaxdooda ka dhigta sidii ineey Diyaarad ku socdaan camal halka waxa eey wataan uu yahay Gaari uun.
*** Weeraryahanka Qaranka Portugal iyo kooxda Bremen ee horyaalka Jarmalka Hugo Miguel Pereira de Almeida (Hugo Almeida) ayaa waxa uu u wareegay kooxda Besiktas Istanbul ee Horyaalka dalka Turkiga. Hugo Almeida oo saxiixay 3 sano iyo bar heshiis ah ayaa waxaa uu qaadan doonaa marka la isku daro waqtiga uu la joogi doono kooxda Besiktas lacag dhan 9,15 Milyan oo Euro waxaana kooxda Besiktas uga sii horeeyey Xiddigo badan oo caan ah sida Xiddiga eey isku Qaranka yihiin ee Ricardo Andrade Quaresma Bernardo ,Jose Maria Gutierrez Hernandez Guti, Sida xiddigaha Jarmalka ee Hilbert iyo Ernst waxaana Macalin u ah Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Bernd Schuster .
*** Leonardo oo ku fadhiistay kursigii dhawaan laga ceeyriyey Macalin Rafael Benitez ayaa durbadiiba waxa uu balan qaad balaaran u fidiyey Taageerayaasha kooxda Inter oo Isbuucyadii ugu dambeeyey fakar iyo Murugo badan iskugu darsantay maadaama iyaga oo heeysta The Uefa Champions League eey Horyaalka Talyaaniga uga jiraan Kaalinta 7-aad wexeeyna 13-dhibcood ka hoos mareen kooxda Ac Milan oo hogaanka Serie A heeyso si aad ahna isku Jaaifeeyaan. Leonardo oo 41-jir ah ayaa waxa uu saxiixay heshiis gaaraayo ilaa bisha Juun 2012 wuxuuna kulankiisa ugu horeeyo ee kooxda Inter qoorta isla geli doonaan 6.1.2011 kooxda Napoli oo sanadkaan Cel Celis noqotay weliba horyaalka Talyaaniga uga jirto kaalinta 2-aad wexeeyna 3-dhibcood oo kaliyah ka hooseeyaan kooxda Milan.
*** Kulankii Isbuucaan dhanka Saxaafada Sportiga ugu hadal heeynta badnaa ayaa waxa uu noqday Ciyaartii eey kooxda Real Madrid 8-0 uga badisay kooxda Levante ciyaar ka tirsaneed Spain Copa del Ray. Kooxda Real Madrid oo mudooyinkii ugu dambeeysay ka hari jirtay Koobka dalkaas ee Copa Del Ray ayaa waxaa inta badan reebi jiray kooxo yar yar oo Horyaalka Spain Qeeybtiisa 2-aad ama 3-aad ka imaan jiray. Macalin Jose Morinho ayaa tan iyo markii uu u yimid kooxda Real Madrid waxa uu ka dhigay mid si weeyn looga cabsado.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta sida eey u Baashaaleen Karim Benzema, Mesut Ozil iyo Cristiano Ronaldo : http://www.youtube.com/watch?v=THgybrt-Oos
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com