Hadal heeynta ugu badan Saxaafada Caalamka " Zlatan Ibrahimovic waa Balaayo Nasiib badan,, Maxaad kala socotaa Iskoor yaab leh oo gacanta ugu jira ? (Halkaan ka Daawo)
Xiddiga Qaranka Reer Sweden iyo kooxda Ac Milan ee Serie A Zlatan Ibrahimovic ayaa waxa uu noqday Laacibkii ugu hadal heeynta badnaa dhanka Wararka Saxaafada Sportiga.
Xiddigaan waxaa lagu sheegay ka soo biloow sanadkii 2004 ilaa maanta oo lagu jiro 2011 inuu kooxdii uu u tagaba la qaado Horyaalka dalkeeda.
Sanadkii 2004 wuxuu gacanta ka soo saaray horyaalka dalka Holland kooxda Ajax Amsterdam, 2005 iyo 2006 Kooxda Juventus ayuu la qaaday Horyaalka Talyaaniga, 2007 ilaa 2009 kooxda Inter Milan ayuu kula dabaal degay Horyaalka Serie A.
Intaas ka dib wuxuu u wareegay dhanka La Liga wuxuuna isla markiiba Sanadkii 2010-ka Horyaalka Spain la soo qaaday kooxda Fc Barcelona. 2010/2011 wuxuu dib ugu soo noqday Horyaalka Serie A-ga dalka Talyaaniga wuxuuna la qaaday Horyaalnimada kooxda Rossaneri Ac Milan.
Su´aasha isweeydiinta mudan wexeey tahay Zlatan Ibrahimovic ma ka difaacan doonaa Sanadkaan ama xili Ciyaareedkaan Horyaalnimada dalka Talyaaniga kooxda Juventus oo boorka iska soo jaftay weliba Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta la soo gashay Fak fak iyo awood cusub?.
Zlatan Ibrahimovic hada wuxuu gaaray Iskoor kale oo cusub ka dib markii uu dhaliyey kulankii ugu dambeeyey ee Ac Milan Vs Chievo Verona Goolkiisii 100-aad iyo kiisii 101-aad wuxuuna guud ahaan horyaalka Talyaaniga saftay 196-kulan. Halkaan ka Daawo Ibra Goolkiisii 100-aad iyo 101-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=jU8o5axrx9E&feature=related .
Halkaan ka Daawo Dabaaldega Ibra & Goolashiisa xad dhaafka ah >>> http://www.youtube.com/watch?v=7njyGEK5g10
Filo Wax yar ka dib Warar News ah oo ka yaabsaday Bahda Xiriiriye.com (Shaqo ayaa ku socota)