 |
ibra |
 |

La Yaab : Zlatan Ibrahimovic Laacib Bisha Soon eeysan dhaafin balse aan Salaada Tukan, Maxaa u diiday Salaada? , & News kale. (Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu Quruxda badnaa) Xiddiga Qaranka Sweden iyo Kooxda Barcelona ayaa ka yaabsaday Dad badan isaga oo wareeysi dheer siiyey Telefishinka lagu magacaabo Spain ETB SAT. Zlatan Ibrahimovic waxa uu ku dhashay 03.10.1981 magaalada Malmö, dhirirkiisa waa 192 cm. Miisanka culaabtiisa waa 84 kg. Waxa uu Qatar ku yahay Lugta midig oo uu ku ciqaabo diifaca ka hor istaago inuu Gool dhaliyo. Ibrahimovic waxaa uu ka mid yahay Ciyaartooyda Dunida ugu caansan ee looga dambeeyo dhanka Gebmiska sida Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Frank Ribery, Ronaldinho, Robinho, Arjen Robben, Cesc Fabrigas, Frank Lampard, Stefan Gerhard, Alexsandro Del Piero, Luis Nani Theo Walcott, Thierry Henry Andreas Iniesta, Mesut Özil, Ricardo Kaka, Fernando Torres, Michael Ballack, iyo Weyne Rooney. Waxaa uu u soo ciyaaray 1999 ilaa 2001-kii Kooxda Malmö FF ee Horyaalka Sweden. 2001 ilaa 2004 Ajax Amsterdam ka dib waxa uu uga Wareegay dhanka Kooxda ugu Guulaha badan looguna Jecel yahay Dalka Talyaaniga Juventus Torino waxaana uu Juve u ciyaarayey 2004-kii ilaa 2006. 2006-kii ayuu Zlatan u wareegay Kooxda Inter ilaa 2009-kii ayuu u safanayey taas oo ugu dambeentii uu hada ku biiray Naadiga weeyn ee Fc Barcelona oo ilaa 2014 Saxiix balaaran kula joogo in kastoo hada uu qarka u saaran yahay ineey soo xero geliso Kooxda isku dhex yaacsan ee Ac Milan. Zlatan Ibrahimovic ayaa waxa uu 2-Caruur ah ka dhalay Helena Seger oo u dhalatay Sverige ama saad u taqaan Sweden wexeeyna eheed Ex-model oo dharka ayey faanin jirtay. Ibrahimovic oo asal kiisu ka soo jeedo dalka Bosnia ayaa waxaa Macalimadiisii hore ee iskuulka ku eedeysay ineeysan waligeed arag wax ka damiinsan Xisaabaadka iyo Maadooyinka kaleba wuuna ku dhici jiray ayey tiri xili kasta in kastoo uu ku wanaagsana ama aad u jecelaa ciyaarta kubada Cagta. Ibrahimovic oo u waramayey Tv-ga Caanka ah ee Spain ETB SAT ayaa cadeeyey in Bisha Barakeysan ee Ramadanka hal maalin eeysan ka baxsan halka Wariyihii wareeysanayey oo Asalkiisu ka soo jeedo dalka Marooko daba dhigay Su´aal eheed bal in uu Tukado oo Salaada uu raaciyo Soonka? waxaana uu yiri sidan: Maya maya waqtiga ayaa aad iigu yar Salaadana waxa eey kaa dooneysa in aad xili kasta diyaar u ahaatit waxa uu Zlatan Ibrahimovic sheegay in Salaad uu Tukado eey ugu dambeeysay Xiligii uu Kooxda Juventus u safan jiray. Xiriiriye World Sport News ayaa waxaa kaloo Cusub Wararkaan hoos ku qoran: Kooxda Lyon ee horyaalka Faransiiska ayaa Xiddiga Qaranka France Yoann Gourcuff kala soo wareegtay Kooxda Bordeaux iyada oo Farta ka saartay 20-Milyan oo Euro. Dhanka kale Manchester City ayaa kulankii eey Liverpool fooda is dareen u dhiibtay 3-0. Waxaa Man City goolasha u kala saxiixay Tevez oo 2-gool dhaliyey oo mid uu Rigoore ahaa, iyo Goolka 3-aad oo Barry ku baashaalay. Kulankaan ayaa Saxaafada Sportiga ee Dunida ugu caansan ku magacaawday Lacagtii Man City oo badisay !! Halkaan ka Daawo Goolasha Zlatan Ibrahimovic 1: http://www.youtube.com/watch?v=_Y9FSKqxXTU&feature=search 2: http://www.youtube.com/watch?v=-KLIxM_jvNY&feature=related 3: http://www.youtube.com/watch?v=AN9ASdw7jMk&feature=related 4: http://www.youtube.com/watch?v=tSU2p4CPLoo&feature=search !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! By: Omar Ali Omar Xiriiriyaha sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|