Jawaabta hal Xiraalaha & magacyada Akhristayaashii saxay. Su´aasha Hal Xiraalaha cusub oo uu garan doono kaliyah Shaqsi ku hor maray dhanka Sportiga !!
Su´aasha Hal Xiraalihii ugu dambeeyey oo eheed waxaad sheegtaa 2-Ciyaaryahan oo caan ah una ciyaaro labo Qaran oo sidoo kale caan ah oo marka eey dheelayaan kulamada horyaalada ama kan Qaramadooda uu Wajigooda ka muuqdo dhaawacyo Shilal horay u soo gaaray ah intii eeysan soo caan bixin ama garoomada caalamiga ah soo gelin???
Labadaan laacib ayaa dabcan waxa eey kala yihiin Frank Ribery oo Fc Bayern München & Qaranka France dhexda uga Xamaalo iyo Carlos Tevez oo kooxda Man City iyo Qaranka Argentina afka hore uga ciyaaro.
Akhristayaashii soo saxay labadaan Laacib kooxaha eey u dheelaan iyo Qaramada eey u saftaan ayaa waxa eey kala yihiin sidaan hoos ku qoran :
Fiiro Gaar ah: Waxaa qaladay ama Magacyadooda aan fahmi weeynay 18-Akhriste.
Su´aasha Hal Xiraalaha Todobaadkaan ayaa noqon doonto midii ebid ugu kululeed ee uu www.xiriiriye.com Akhristayaashiisa dhexda ka soo dhigo. Waxaanu horay idinkugu soo bandhignay in Su´ashaan Sport eey adag tahay balse aad u sii Aalamiiteeysan.
Hal Xiraalaha Cusub Su´aashiisa ayaa ah sidan:
Waxaad sheegtaan Laacib caan ah oo Qarankiisa inta badan ka harin kulamada Koobka Addunka iyo Kan Qaramada Yurub oo laga badalay Kelidiisa, waxaana loo geliyey Keli uusan laheeyn..xiligaas waxa uu ka ciyaarayey Horyaalka Jarmalka, hadana waxa uu ka ciyaaraa Horyaalka Ingiriiska, Booska uu ka ciyaaro waa Weerarka.
Waxaa lagaa doonayaa oo kaliyah Magaciisa iyo Kooxda uu u safto. Fadlan soo raaci Jawaabta magacaaga oo Sadexan iyo hadii aad Neenaas leedahay. Waxaanu soo deeyneynaa Jawaabta Hal Xiraalahaan Maalinta Jimcaha ah haduu alle raali ka noqdo 5.11.10. Iyo weliba Video-daawasho Qaliinka ciyaaryahankaas kelida laga badalay ah oo loo geliyey mid uusan leheen. Halkaan noogu soo dir Jawaabtaada hadaad dhanka Ciyaaraha Awood ku leedahay Kalsooni Sportina aad qabto: xiriiriyesports@hotmail.com