Qabiirka Qadka dhexe ee Qaranka England & kooxda Fc Chelsea Frank James Lampard oo Iftaxay Gaari nuuc cusub ah oo Quruxdiisa laga qeeyliyey iyo Laacibiinta ugu caansan Horyaalka Premier League oo Lacag u quuray Gaarigaan Cusub ee is Balaqaayo (Akhri Liiska magacyada Xiddigaha Gaarigaan Yaabka badan soo iibsatay & Warar kale oo Sport News ah)
Xiddiga Qadka dhexe Wakiilka uga ah Qaranka England iyo kooxda Fc Chelsea Frank James Lampard ayaa waxa uu noqday Laacib Biloow fiican oo beecii uu bilaabay eey si weeyn ugu faaiday Shirkadii soo saartay Gaariga cusub ee Hurricane. Labo Isbuuc oo kaliyah ayaa ka soo wareegtay xiligii uu Laacib Frank James Lampard soo iibsaday ama iftaxay nuuca Gaarigaan cusub ee Hurricane.
Gaarigaan cusub oo loogu magacdaray Dabeeysha Xaawliga ku socota ee inta badan ka soo bilaabata dalka Mareeykanka waa (Hurricane) ayaa waxaa la sheegay marka uu Xaawliga ku socdo inaan codkiisa la maqal haba yaraatee waxaana taas u sii dheer Shidaalka uu ku Shaqeeyo oo aad u yar. Hurricane waa gaari sidii Diyaarada camal baalal la soo baxa ama is Balaqa wuxuuna xambaarsan yahay Qalab aad u fara badan oo la sheegay ineey u baahan yihiin Ciyaartooyda. (Boga hore ee Xiriiriye.com ka Daawo Muuqaalada kala duwan ee Gaarigaan mucjisada ah) !!.
Laacib Frank James Lampard oo Shaqsi ahaan Gaarigaan iftaxay una bilaabay dooqiisa Xiddigaha kale ee ka ciyaara Horyaalka Premier-League ee dalka Ingiriiska ayaa hada sida uu soo bandhigay Tv-ga Skysport qeeybtiisa dalka Ingiriiska waxaa gaarigaan soo iibsatay oo Dooq ahaan ku raacay Ciyaaryahan Frank James Lampard Xiddigaha kala ah sidan :
1-Theo James Walcott, Fc Arsenal & Qaranka England. 2-Sergio Leonel Kun Agüero del Castillo, Man City & Qaranka Argentina. 3-Rio Gavin Ferdinand, Man Utd & Qaranka England. 4-Dirk Kuyt , Fc Liverpool & Qaranka Holland. 5-Andrei Sergejewitsch Arschawin, Fc Arsenal & Qaranka Russia. 6-Florent Johan Malouda,Fc Chelsea & Qaranka France. 7-Rafael Ferdinand van der Vaart, Tottenham & Qaranka Holland. 8-Fernando Jose Torres Sanz,Fc Chelsea & Qaranka Spain. Fiiro Gaar ah : Skysport waxa uu sheegay Ciyaartooy badan ineey isku soo sheeg sheegeen Gaarigaan cusub ee Hurricane wuxuuna xusay Laacibiinta Jidka ku soo jirta ee lagu wado maalmaha soo socda ineey iibsadaan Hurricane ayaa magacyadooda wexeey kala yihiin Laacib Samir Nasri, Luis Nani iyo Peter James Crouch. *** Hadal heeynta wararka ugu waa weeyn ee Warbaahinta Caalamka wexeey noqotay Kulanka adag ee Beri dhex mari doona kooxaha Ifka iskugu neceb weliba hada isku heeysta Hogaanka Horyaalka England cidii looga dambeeyn lahaa waa Manchester United Vs Manchester City (Beri oo Axad ah 23.10.2011 Saacadu markeey tahay 14:30). HORYAALKA ENGLAND KOOXAHA MAANTA IYO BERI QAABKAAN AYEEY CAGAHA ISKAGA TUMI DOONAAN :