 |
Hulk8 |
 |

LA YAAB : Laacibiinta ugu caansan kooxda FC Porto oo qarka u saaran 5-sano oo Xabsi ah ka dib markii eey garaaceen Labo nin oo Waardiye ka ahaa Garoonka kooxda Benfica & Kaameradii duubtay Falkaan oo la soo helay. (Halkaan ka Aqriso War Bixinta oo Tarjuman iyo Falkaan oo noqday kii dhanka Ciyaaraha ugu hadal heeynta badnaa Shalay & Maanta) !! (LA YAAB SPORT) Xiddigaha Caalamka ayaa marka eey tagaan Wadamo kale wexeey faraha la galaan Kiisas adag oo marka la fiiriyo dalalkoodii aanan wax sidaas u weeyn ka aheeyn. Sharciyada ka jira dalka Portugal aad ayeey u adag yihiin maxaa yeelay Qofkii aad gacan ula tagto ama 2 qof aad ku dishaan wexeey la mid tahay adoo qofkaas Nafta ka qaaday. Kiis adag oo soo jiitamayey ilaa Sanadkii 2009-ka ayaa markaan waxa uu isku badalay mid Halis ah oo eey Xabsi ku muteeysan doonaan Laacibiin caan ah oo u ciyaarta kooxda Fc Porto ee dalka Portugal. Xiddigahaan cadeenta iyo Fadeexada lagu helay waa 5-Ciyaartooy wexeeyna kala yihiin Givanildo Vieira de Souza Hulk (Qaranka Brazil), Cristian Sapunaru (Qaranka Romania), Jorge Fucile iyo Cristian Rodriguez oo labadaba u ciyaara Qaranka (Uruguay) iyo Goolhayaha 2-aad ee Qaranka Brazil waa Helton da Silva Arruda. Garsoorihii u doodayey Ciyaartooydan waxaa la hor keenay Muuqaal Video ah oo cadeenaya xiligii eey wax garaacayeen waxaana Cadeentaan duubtay mid ka mid ah Kaamerooyinka qarsoon ee Garoonka kooxda Benfica. 4 ka mid ah Xiddigahaan ayaa ugu yaraan 3-sano oo Xabsi ah leefi doona halka Ninka ugu daran ee sida ba´an wax u garaacay uu yahay Xiddiga Qaranka Romania Cristian Sapunaru waxaana la sheegay inuu Kiiskiisa noqon doono Xarig 5-sano ah. Ciyaartooydaan oo Taajiriin ah weliba heeysta Lacag ku filan ayaa waxaa la sheegay ineeysan Lacagtaas waxba u tari dooniin maadaama Sharciyada ka jira dalka Portugal uusan qofka iibsan karin ganaaxiisa hadii uu galo dambi ah inuu Qof kale garaacay. Laacibiintaan wexeey iskugu tageen 2-Nin oo ka tirsanaa Ilaalada garoonka kooxda Benfica wuxuuna falkaan dhacay Bishii Dezembar Sanadkii 2009 (Benfica Vs FC Porto 0-1) Kooxaha Benfica iyo Fc Pporto la isma tuso waxaana mar kasta dhex mara Weero iyo is jiid jiid salka ku haya cidii looga dambeeyn lahaa Hogaanka Horyaalka Portugal. Ugu dambeeyntii Xiddigaan Qasaarada eey qabsatay wexeey xili ciyaareedkii la soo dhaafay kooxda Fc Porto kula guuleeyteen Koobka Europa league (Ex UEFA Cup) iyo dhamaan Koobabkii ugu muhiimsanaa ee horyaalka Portugal sida Horyaalka dalkaas, Koobka Portugal iyo Super-koobaha Portugal. Wax yar ka dib Filo Warar Sport oo Top News ah ! HALKAAN KA AKHRISO WARAR KII EEY MAANTA KA QOREEN SAXAAFADA CAALAMKA CIYAARTOOYDAAN LAGU WADO IN XABSI LOO TAXAABO # Fünf Kickern des portugiesischen Meisters FC Porto drohen wegen einer Prügelattacke Haftstrafen. Die Staatsanwaltschaft erhob Medienberichten vom Dienstag zufolge Anklage gegen den brasilianischen Stürmerstar Hulk, den rumänischen Teamspieler Cristian Sapunaru, die beiden Uruguayer Jorge Fucile und Cristian Rodriguez sowie den brasilianischen Torhüter Helton. Es sei erwiesen, dass sie im Dezember 2009 nach einem 0:1 bei Benfica Lissabon zwei Ordner im Kabinengang verprügelt hätten. Sapunaru droht eine Haftstrafe von bis zu fünf Jahren, weil er laut Anklage beide Ordner angegriffen habe. Die anderen Profis sollen jeweils nur eines der beiden Opfer attackiert haben und könnten gemäß Gesetz in Portugal zu drei Jahren Gefängnis verurteilt werden. Eine Reaktion von Porto gab es vorerst nicht. Wegen des Vorfalls, der von einer Überwachungskamera festgehalten worden war, waren Hulk und Sapunaru Ende 2009 von der Liga für vier bzw. sechs Monate gesperrt worden. Die Profis hatten seinerzeit erklärt, sie seien von den Ordnern provoziert worden.# #wurde Anklage wegen Körperverletzung erhoben. Den Spielern Hulk, Cristian Sapunaro, Helton, Fucile und Cristian Rodriguez wird vorgeworfen, nach dem Spiel bei Benfica Lissbon am 20. Dezember 2009 einen Ordner verletzt zu haben. Nach Informationen portugiesischer Medien fordert die Staatsanwaltschaft für den Rumänen Sapunaro fünf Jahre Haft, für die anderen jeweils drei Jahre. Auf dem Weg in die Kabine war es nach der Partie im Estadio da Luz in Lissabon zu einer handgreiflichen Auseinandersetzung der Porto-Stars mit Ordnern gekommen. Der Brasilianer Hulk war daraufhin vom portugiesischen Verband zunächst für vier Monate gesperrt worden, die Sperre wurde nachträglich aber auf drei Spiele reduziert. Sapunaro war für vier Partien aus dem Verkehr gezogen worden#
|