Maxaad kala socotaa 10-Ciyaaryahan oo Suuqa Kawaanka kala iibsiga Ciyaartooyda lagu wareeray halka eey sal dhigan doonaan xili Ciyaareedka soo socda? ,* Laacibkii weeynaa Roberto Di Matteo oo ku soo laabtay Fc Chelsea Xiddigii 3-aad oo maanta ku soo biiray kooxda Man Utd iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ( War Bixino Top ah oo Tarjuman)
*** Weli waxa isku qasan oo si weeyn loogu wareersan yahay halka eey 10-Ciyaaryahan oo caan ah xili ciyaareedka soo socda sal dhigan doonaan. Laacibitaan ayaa Saacad walba waxaa is badali kara xaalkooda wexeeyna ku biiri karaan kooxo kale oo aan aheeyn kuwii horay loo sheegay ineey ku sii jeedaan.
10-ka Xiddig ee ugu hadal heeynta badan Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta ayaa wexeey Magacyadooda kala yihiin sidan:
1-Neymar da Silva Santos Júnior waxaa lagu wadaa inuu Real Madrid ku biiro waa hadii eey Real Madrid Fc Santos 25-Milyan oo Euro faraqa u galiso.
2-Radamel Falcao Weeraryahanka Qaranka Colombia & kooxda Fc Porto waxaa isku Kooleeysay oo baabkiisa xiratay Fc Chelsea gaar ahaan Macalinkooda cusub Mr Andre Villas Boas oo Chelsea kula taliyey ineey Xiddigaas u quurto 20 Milyan oo Euro & Lacag ka sii badanba.
3- Dhanka Xiddiga daŽda yar ee Fc Barcelona Bojan Krkic Kooxda As Roma oo qarka u saarneed ineey 10-Milyan oo Euro kula wareegto waxaa hada Suuqa ku soo cariirisay intii eey As Roma gor gortanka ku jirtay kooxda Fc Liverpool ee Horyaalka England waxeeyna Fc Barcelona Beeca Xiddigaan durbadiiba ka dhigtay 12-Milyan oo Euro (Wax badso wax Beel ayeey leedahay).
4-Weeraryahanka Qaranka Bulgaria iyo Kooxda shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd Dimitar Ivanov Berbatov kooxda ManU 28 Milyan oo Cash ah ayeey ku rabtaa balsa halka uu sal dhigan doono iyo Sheekada beeciisa waa (Shibeey Shib iyo ha i Sheegin) .
5- Laacibka iska Dhiga Atooraha watana Magaca Filimkii Hulk una ciyaara kooxda Fc Porto waa Givanildo Vieira de Souza Hulk ayaa waxaa si baŽan iskugu heeysta kooxaha kala ah Tottenham ,Ac Milan , Fc Chelsea iyo Man City oo mid kasta eey dooneeyso ineey Maroodigaan Aktarka ah ku soo biiriso Laacibiinteeda (Beeciisa waa 30-Milyan oo Euro kooxdii dood ka qabtana waa ha i soo marin sida uu Boss-ka kooxda Fc Porto sheegay).
6-David Villa Sanchez oo Fc Barcelona xili ciyaareedkii la soo dhaafay 52-kulan 23 Gool u saxiixay waxaa si aad ah u dooneeyso Fc Chelsea wuxuuna 50-Milyan oo Euro ugu fadhiyaa Fc Barcelona (Jawaabta Barca waa Chelsea ineey Indhaha isku qabato beec eey Barca ku qanacdana Maslaxa la a timaado).
7-Xiddiga looga yaqaan Horyaalka Ingiriiska Shimbirtii Qadka dhexe waa Luis Carlos Almeida da Cunha Nani waxaa 20-Milyan oo Euro kooxdiisa Man Utd uga farxisay kooxdaBayern Munich oo Caalamka looga yaqaan FC Hollywood. (Nani oo Reero shaki iyo Xariif ah wuu diiday Sheekadaan maadaama Fc Bayern Munchen heeysato Laacibiin badan oo Booskiisa halis gelin kara Malagna ku noqon kara).
8-Francesc Fabregas Soler Xaaladiisa waa isku dhex yaac & Xashaa lillah. Fc Barcelona wexeey diyaar ula tahay naadiga The Gunners ee Fc Arsenal ineey 35-Milyan oo Euro ku sabarsiiso. Laakiin Fc Arsenal wexeey xiddigaas ku doonayaan Lacagtaas 35-ka Milyan ah iyo Xiddig suubis ah (Abeeyoow yuu noqon doonaa Xiddigaas).
9-Weeraryahanka Qaranka Argentina Sergio Leonel Kun Aguero kooxda Juventus ayaa booskiisa 30-Milyan oo Euro ku xiratay balse waxaa hubaal ah hadii eey soo baxdo koox Lacagta Juventus Falisto in Juventus Riyadeeda eey noqon doonto (Weeraryahan kale Raadso & Waqtiga yuusan ku ciilin maadaama kooxda Atletico Madrid eey ku dooneeyso Xiddigaan qaba Gabadha Diego Maradona 45-Milyan oo Euro).
10- Mucjisada cusub ee Bilisionka kana yaabsaday Bahda Ciyaaraha waa Ciyaaryahan Miralem Pjanic oo u safta Qaranka Bosnia iyo kooxda Lyon. Xiddigaan waxaa isku heeysto kooxaha kala ah SS Lazio , VfL Wolfsburg , Inter Milan, Fc Valencia iyo Aston Villa waxaana la arki doonaa halka uu sal dhigto maadaama Mucjisada Gamista Bilisionkiisa uu noqday (Free Kick Saacad kaste iyo Dalaq).
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY NAGU SOO GAARAYAAN QAABKAAN:
*** Ex Player,Mucjisadii Qadka dhexe Roberto di Matteo ayaa naadiga Fc Chelsea dib ugu soo laabtay markii ugu horeeysay mudo aad u fog ka dib. Roberto di Matteo wuxuu hada Shaqa ka helay kooxda Fc Chelsea oo ku dhawaaqday inuu Kalkaaliye sare u noqodo Macalinkooda cusub Mr.Andre Villas-Boas oo ka yimid dhanka kooxda Fc Porto.
Roberto di Matteo wuxuu kooxda Fc Chelsea u soo ciyaaray Sanadihii 1996 ilaa 2002 wuxuuna heeystaa iskoorka Goolka ugu dhaqsiyaha badan Taariikhda koobka FA-ga oo uu Gool qurux badan kaga xareeyey kooxada Middlesbrough sanadkii 1997-kii ciyaar finaal eheed oo ka dhacday garoonka weeyn ee Wembley-stadium wuxuuna xilgaas gool ku dhaliyey (43-Ilbiriqsi).
Roberto di Matteo oo ciyaaraha ka fadhiistay isaga oo 31-jir ah dhaawac adag dartiis waxa uu hada ka yimid dhanka kooxda West Bromwich Albion oo uu ilaa bishii febraayo sandkaan 2011 Macalin u ahaa.
*** Kooxda Shayaadiinta cas cas ee Manchester United ayaa wexeey naadiga Atletico Madrid ee horyaalka Spain kala soo wareegeen Goolhayihii eey xiliga dheer kabaha kaga dhamaadeen kaas oo ah ciyaaryahan David de Gea.
David de Gea wuxuu noqonayaa Xiddigii 3-aad ee xili ciyaareedkaan cusub eey soo xero galiso ManU waxaana ka sii horeeyey oo eey horay u soo iibsadeen Laacibiinta Phil Jones oo ka yimid dhanka naadiga Blackburn Rovers iyo laacib Ashley Young oo laga soo iibiyey kooxda Aston Villa ee isla horyaalka Ingiriiska.
Goolhaye David de Gea oo laga soo baxshay 20-Milyan oo Euro wuxuu si toos ah u badali doonaa Edwin van der Sar oo ku ag duqoobay kooxda Manchester United.
*** Kooxda Aston Villa ee Horyaalka Ingiriiska wexeey si heer sare ah u qiyaaneeysay naadiga Fc Everton ee isla Horyaalka England. Aston Villa ayaa kooxda Real Madrid kala soo wareegtay ciyaaryahanka daŽda yar ee Sergio Canales oo kooxda Fc Everton beeciisa u xirnaa. Aston Villa oo Xiddigaan si hoose uga Bililiqeeysatay Everton wexeey ka ciyaarsiin doontaa booskii uu baneeyey Isbuucii la soo dhaafay Laacib Ashley Young oo u wareegay dhanka Manchester United .
*** Xulka Qaranka Saudi Arabia oo in mudo ah Tababare la aan ahaa ayaa hada wexeey gacanta ku soo dhigeen Rugcadaagii weeynaa ee Qaranka Holland ahna Macalinkii kooxda Fc Barcelona u qaaday koobka the Uefa Champions League sanadkii 2006 waa Macalin Franklin Edmundo Rijkaard (Frank Rijkaard ).
Xiriirka kubada cagta ee dalka Sucuudiga ayaa Tababare Frank Rijkaard wexeey faraqa u galiyeen Adduun gaaraya 11-Milyan oo Dolar iyo Qandaraas 3-sano ah wuxuuna heshiiska labada dhinac ka dhacay Magaalada London ee Caasimada dalka England.