Caalamka maxaa u harsan? Nin Lug ka goŽan oo lagu soo daray Shirkada xayeeysiisa Dharka ugu badan Dunida ee Hugo Boss .Muxuu ka yiri arinkaan Masuulka iska leh Shirkada Hugo Boss?
Mucjisooyinka ka taagaan Caalamka ayaa wexeey noqdeen kuwo hadba la soo baxa wax dadka intiisa kale ka yaabiya balse markaan waxaa la arkay Mucjiso cusub oo mar qura intii daawaneeysay Telefishinada Caalamka ka yaabisay.
Shirkada ugu qaalisan Dunida dhanka soo saarista Dharka cusub iyo Barafuunada ee lagu magacaabo Hugo Boss ayaa Maslaxa ama Tiyaatarada Xayeeysiinta Dharka wexeey la soo fuushay Qiso cusub oo aan horay loogu arag dhanka Xayeeysiinta dharka nuucyadiisa kala duwan.
Dadkii daawanayey Jilayaasha ama Aktarada xayeeysiiya Dharka nuucyadiisa kala duwan ayaa mar qura waxaa Indhahooda qabtay Nin Lugta ka goŽan oo Dadkii Xayeeysiinayey Dharka lagu soo dhex daray. Dadkii daawanayey Mucjisadaan ayaa wexeey u badnaayeen kuwo aalaaba u codeeya Qofkii eey ka helaan qaabka uu dharka u xayeeysiiyo.
Inta badan Taajiriintii iskugu timid Maslaxa xayeeysiinta Dharka casriga ah ee Hugo Boss ayaa cod buuxo wexeey ku Taageereen Mario Galla oo ahaa Ninkii Lugta ka goŽnaa ee Xayeeysiinta ka soo qeeyb galay. Mario Galla waa 26 jir wuxuuna u dhashay dalka Germany.
Masuulka ugu sareeya Shirkada soo saarista dharka cusub ee Hugo Boss mar la weeydiiyey sababta eey Xayeeysiinta ugu soo dareen Mario Galla oo ah shaqsi Lugta ka goŽan waxa uu yiri Masuulkaas sidan " Waxaanu fursad siinaa cid kaste oo macquul ah waxna Xayeeysiin karta waxaana rajeeneeynaa ineey Shirkada Hugo Boss Taageero xoogan ka heli doonto Dadka Cuuryaamiinta ah gaar ahaan kuwa Lugaha ka goŽan,, !!