Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo oo sheegtay in Wiilkeeda meelo badan Messi uga wanagsan yahay Sanad-kaana wacdaro dhigi doono.(Wareysi Tv)
Hooyada dhashay Xidiga Real madrid iyo Qaranka Portugal Cristiano Ronalado ayaa waxaa wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Telefishinka dalka Portugal dhanka Sportiga ugu magaca dheer (sporttvpt Futebol Outros) Hooyada dhashay Laacib Ronalado ayaa waxaa lagu magacaabaa Dolores, 10-Su´aalood oo la weey diiyey ayaa waxaana ugu muhiimsanaa hadaladeeda 2-suaal oo wariyihii wareysiga la sheegay uu si aad ah ugu qoslay ka dib markii uu Qosol isku celin waayey Faanka Ronaldo hooyadiis darteed. Hadaba anagoo halkaan ku soo wada koobi karin wareysigaas oo aad u dheeraa ayaa waxaanu ka soo qaadanay 2-daas Jawaab.
Waxaa Dolores la weey diiyey Yaa laacibsan Cristiano Ronaldo & Lionel Messi?? Waxey tiri: Ronaldo.
Wariyihii ayaa yiri oo su´ aalay. Sidee ayuu uga laacibsanaan karaa maadama Messi Koobab badan isku darsaday, manoo sheegi kartaa wax yar oo Ronalado Messi uga wanaagsan yahay???
Wxaa la weey diiyey sababta eey hada magaalo camiran u noqotay (Madeira) oo ah halka uu ku dhashay Ronaldo oo Familkiisu degan yihiin???
Wexeey tiri Dolores sidan: Taas Jawaabteedu weey cadahay, Madeira waa magaalo dalxiis balse Ronaldo ayaa ilaa baadiyaheeda Korantada u shiday halka markii hore Magaalada dhexdeeda uun korantada ka shid naan jirtay, waxaana taas kuu cadeneyso sida Dadka Madeira 100% Ronaldo u wada taageersan yihiin.
Intaas ka dib wariyihii ayaa mar labaad Qoslay !!!!