Nin Bistoolad ku hubeeysan oo Rasaas la dhacay Dadkii iyo Gawaaridii mareeysay meel aan sidaas uga fogeeyn Xarunta Hollywood-ka Filimaanta ee dalka Mareeykanka (Daawo Yaabka dhacay)
Nin 26 jir ah ayaa Rasaas la dhacay Dadkii iyo Gaawaaridii mareeysay inta u dhaxeeysa Kodac Theatre iyo xarunta Hollywood-kaFilimaanta dalka Mareeykanka ee Walk of Fame.
Dadka ayaa markii hore wexeey moodeen in Ninka wax tooganayey uu yahay Qof jilaya Filim balse Ninkaan ayaa 7 qof waxa uu u toogtay si bareer ah.
" Hadii aan ogahay inuu yahay qof Killer ah oo dadka tooganaya Bareega ma qabteen ee waxa aan u maleeyay Nin Filim jilaayo oo wata Bistoolad caag ah ayuu yiri Jemes Moore oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray qeeybta dambe ee Madaxa.
Ninkii wax tooganayey ayaa ugu dambeeyntii waxaa gadaal ka soo maray oo madaxa xabad kaga dhuftay Ciidamada Booliiska magaalada Los Angeles .
Ninkaan ayaa waxa ku socda kiiskiisa baaritaan wexeeyna Booliiska Los Angeles sheegeen ineey suurto gal tahay fal Argagixisanimo ama uu ahaa qof looga jiray Madaxa .