BILD SPORT " Wax la qariyo Qurun ayaa ku jiro Kooxaha mexeey u Qarinayaan Xashiiska Ciyaaryahan Alexander Hleb , ma in laga iibsan waayo ayeey ka cabsanayaan? (Laacib Alexander Hleb oo kooxdii ugu dambeeysay laga ceeyriyey)
Kaptanka Qaranka Bellarusia Alexander Hleb oo hada u ciyaara kooxda Wolfburg ee Horyaalka Germany ayaa waxaa la soo gudboonaatay ibtilo iyo Nasiibdaro dhanka Mustaqbalkiisa Sportiga ah.
Alexander Hleb waa Laacibkii hore ee kooxaha Arsenal iyo Fc Barcelona wuxuuna sidoo kale Horyaalka Dalka Germany horay ula soo qaaday kooxda Stuttgart.
Xiddigaan oo Laacib Gambis badan ah waxaa qabsatay dhibaato weeyn, meel kasta ama kooxdii uu u tagaba amaah ayeey ku sii dhiibtaa ilaa kiiskiisa uu hada Banaanka ku soo shaac baxay.
Macalinka kooxda Wolfbrug Mr.Flex Magath wuxuu cadeeyey inuu Ciyaaryahan Alexander Hleb mudo ka badan 20 Daqiiqo si toos ah u ciyaari karin hadana ay iska faseexeen duruufo jiro awgood.
Jaraaidka Bild Sport oo ka soo baxo dalka Jarmalka waxa uu daaha ka qaaday Balwada Ciyaaryahan Alexander Hleb oo uu ku sheegay Laacib jid qaldan raacay oo noqday mid ku faana cabista Xashiishada oo ah Mandooriye ka sii daran Sigaarka oo Xiddigii cabaa ay uga dhamaatay inuu ordo ama sii ahaado Laacib lagu tashto.
" Kooxaha Stuttgart, Fc Arsenal, Fc Barcelona iyo Wolfburg weey isku dhiib dhiibeen Alexander Hleb mana jirto ilaa hada cid runta u sheegtay oo Balwadaas qaabka daran kala talisay ama Saxaafada u sheegtay wexeeyna kooxaas ka baqayeen sida iska cad in laga iibsan waayo Alexander Hleb ayuu yiri bild Sport.
Ciyaaryahan Alexander Hleb hada waxaa iska fasaxday kooxdiisii ugu dambeeysay ee Wolfsbrug wexeeyna ku sheegeen sababta ineey tahay Dhaawacyadiisa oo badan taas oo kuu cadeeneeyso inuu macalin Flex Magath ka xishooday ama ka gaabsaday Xashiishada la daristay Ciyaaryahan Alexander Hleb.