SAXAAFADA : Messi Mission 4 iyo Mission 5 hadaan la helin dhawaan Xiddig ka hor taga sidaas ayuu mudo dheer u dal dalan doonaa Kubada Dahabka ah,*Thierry Henry & Macalin Arsene Wenger oo isla ilmeeyey Qiirad darteed iyo Taageerayaasha Fc Arsenal oo Jariiraco dareemay.(Halkaan ka Daawo warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News)
*** Ka dib markii uu Ciyaaryahan Leo Messi qaaday markiisii 3-aad oo Xiriir ah Abaalmarinta Kubada Dahabka ah ee Laacibka Dunida ugu wanaagsan ayaa waxaa arinkaas faalooyin kala duwan ka qoray Saxaafada Sportiga kuwooda ugu magaca dheer Caalamka.
Saxaafada qaar wexeey qoreen ineey adkaan doonto sidii lagu heli lahaa Sanadaha soo socda Xiddig Leo Messi ka hor istaaga Laacibka Sanadka maadaama uu u Ciyaaro Naadi dhan kasta ka dhisan oo weliba heeysta Tababare Daqiiqado gudahood Ciyaarta Taaktikadeeda qaab kale u badali kara.
Jaraaidyada ayaa qaar qaba ineey soo bixi doonaan Laacibiin aad u da´yar oo hadaba Maslaxa Ciyaaraha Kubada Cagta wacdaro ka dhiga kuwaas oo u baahan in la siiyo Fursad ay ugu Ciyaaraan kooxaha waa weeyn ee ka dhisan Qaarada Yurub.
Wargeeysda ku taqsuusay Ciyaarta Kubada cagta wexeey dhankooda qabaan oo ay leeyihiin Leo Messi inuu 3-jeer oo isku xigto qaado FIFA Ballon d'Or waxaa u suurto galiyey Qabiirada ama Laacibiinta kala ah Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta oo uu mar walba ka helo Passas waalan oo inta badan noqda kuwo uu Laacib Leo Messi ku Goolal badsado.
Ugu dambeeyntii Ciyaaryahan Leo Messi Guulahaan iyo Koobabkaan faraha badan waxa uu ka helay kooxda Fc Barcelona balse dhanka Qaranka Argentina iyo Dalkiisa Hooyo waxaa looga yaqaan Dooro qoyday xiliyada uu Ciyaarayo.
Abaalmarinta Qaaliga ah ee Laacibka Sanadka (FIFA Ballon d'Or ) waxaa Sanadihii ugu dambeeyey loo kala qaaday qaabkaan :
2011 Lionel Messi (Fc Barcelona).
2010 Lionel Messi (Fc Barcelona).
2009 Lionel Messi (Fc Barcelona).
2008 Cristiano Ronaldo (Man Utd).
2007 Ricardo Kaka (Ac Milan).
2006 Fabio Cannavaro (Juventus/Real Madrid).
2005 Ronaldinho (Fc Barcelona).
2004 Ronaldinho (Fc Barcelona).
2003 Zinedine Zidane (Real Madrid).
2002 Ronaldo De Lima (Inter Milan/Real Madrid).
Xiddiga loo aqoonsaday Kooxda ama Team-kii Sanadka wexeey kala yihiin Ciyaartooydaan :
Iker Casillas (Goolhaye), Dani Alves, Gerard Pique, Sergio Ramos, Nemanja Vidic (Dhamaantood waa Difaacyo halis ah), Andres Iniesta, Xabi Alonso, Xavi Hernandez (Dhamaan waa Qadka dhexe), Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Wayne Rooney (Dhamaan waa Afka hore).
*** Weeraryahankii hore ee Qaranka Diiqa Reer France iyo kooxda Fc Arsenal Thierry Daniel Henry & Macalinka Fc Arsenal Arsene Wenger ayaa waxaa Telefishinada Caalamka la iska tusay iyaga oo ilmeenaya Qiiro iyo Xasuus Taariikhi ah darteed.
Weeraryahan Thierry Daniel Henry waxaa qeeybtii 2-aad gadaal laga soo galiyey Garoonka Emarates Ciyaar koobka FA-ga ka tirsaneed oo dhex martay kooxda Fc Arsenal Vs Leeds United. Thierry Henry oo Garoonka ku jiray mudo 10 daqiiqo oo kaliyah waxa uu durbadiiba Gool aad u qurux badan ka xareeyey kooxda Leeds United waxaana halmar Garoonkii is qabsaday Sacab iyo Qiiro ay la dheceen Taageerayaasha kooxda Fc Arsenal.
Goolkaan oo ahaa kii Guusha waxa uu sababay ineey mar qura wada ilmeeyaan Weeraryahan Thierry Daniel Henry iyo Macalinka Fc Arsenal Arsene Wenger halka Ciyaaryahan David Beckham oo Ciyaarta daawanayey uu bilaabay inuu istaago dabadeeda mudo Daqiiqado ah u Sacbiyo Laacib Henry : >> (Henrys Tor nur zehn Minuten nach seiner Einwechslung riss sogar Manchester-United-Ikone David Beckham samt Söhnen von den Tribünensitzen. Selbst die gegnerischen Fans klatschten und Wenger beschrieb den Treffer als ?Thierry-Henry-Abschluss".
Taageerayaasha kooxda The Gunners Fc Arsenal ayaa markii uu Henry Goolka dhaliyey wexeey bilaabeen Qaadista Heeso u Qaas ah Xiddigaas kuwaas oo u qaadi jiray Sanadihii uu u Ciyaari jiray kooxdaas ee 1999 ilaa 2007. Henry wuxuu kooxda Fc Arsenal ugu Ciyaari doono mudo 2 bilood ah si bilaash ah maadaama kooxda uu u Ciyaaro ee New York Red Bull iyo Horyaalka Mareeykanka lagu jiro Fasax. Halkaan ka Daawo Wacdarihii uu Henry ka dhigay Garoonka kooxda Fc Arsenal Kulankii Leeds United >>> http://www.youtube.com/watch?v=_bNBN9XlTK0&feature=related .
*** Macalinkii hore ee Qaranka Talyaaniga Mr.Roberto Donadoni wuxuu Heshiis cusub oo ku kacaya ilaa 30-ka Bisha Juun sanadka 213-ka u saxiixay kooxda Fc Parma oo iska ceeyrisay Tababaraheedii hore Mr.Franco Colomba .
*** Xiriirka Kubada Cagta ee dalka Ingiriiska wexeey Ganaax 4 kulan ah u jareen Difaaca kooxda Manchester City iyo Qaranka Beljemka Vincent Kompany .
Ciyaaryahan Vincent Kompany waxaa lagu heeystaa Dhibkii uu sameeyey kulankii FA-ga ee dhex maray kooxaha Man City Vs Man Utd (2-3) kaas oo fal ka baxsan Sharciyada Sportiga kula kacay Ciyaaryahan Luis Nani.
*** Macalin Mark Hughes oo u dhashay dalka Weles waxaa loo magacaabay inuu Tababare u noqodo kooxda ka ciyaarta Horyaalka Premier-League ee Queens Park Rangers oo iska burisay Tababare Neil Warnock.
Macalin Mark Hughes wuxuu horay ugu soo ciyaaray Kooxda Manchester Utd wuxuuna Tababare u soo noqday kooxaha kala ah Blackburn Rovers, Manchester City iyo Fc Fulham.
*** Kooxda Juventus ee horyaalka dalka Talyaaniga wexeey jabisay Iskoor cusub oo horay ugu yaalay mudo 62-Sanadood ah. Juventus weli lagama badin Horyaalka Talyaaniga oo la Ciyaaray 17-kulan wexeeyna kulankii ugu dambeeyey 0-1 ku soo garaacday kooxda Lecce kaas oo ka dhigaya Iskoor cusub marka laga soo tago Xili ciyaareedkii 1949/1950-kii oo aan laga badin kooxda Juventus Kulamo sidaas u badan.