|
Heeybad Jaceeyl Waa Hees Cusub oo loo Hagar baxay muusigna lagu Habeeyey, Heestaan wexeey ka Tarjumeeysaa xiliyada aad Jaceylkaaga is weeysaan sida aad Hooskeeda u Harsan kartid ama Hawada ula qabsan kartid iyada oo meel Fog Hoowsha kaala wada ( Halkaan ka Daawo Heesta Cusub By Studio Xiriiriye !!) |
Sida balanteenu eheed Stuudiyaha Xiriiriye.com waxaa ka go´an kor u qaadista sportiga iyo soo saarista heesihii ugu dambeeyey oo Maadooyin kala duwan xambaarsan sida Jaceyl kala bax ah ,Wadaniyad ama Heeso wadani ah oo xaalada Cakiran ee dalkeenii Hooyo looga hadlaayo iyo Weliba Murti kale oo aad u fara badan .
Hadaba Heestaan cusub ee ugu dambeeysay oo aanu soo saarno ayaa wexeey la magac baxday Heeybad Jaceeyl wexeeyna ka hadleeysa sida eeysan u kala maarmin Mucaashaqiinta is Jecel ee ku kala nool laba meelood oo aan isku dhaweeyn .
Heestaan Cusub ayaa waxaa Miraha u sameeyey oo Jilaayo kuna codeenaayo Mualifka kooxda Walaalaha Sii Sii Somband ahna Tifaatiraha Bogaan http://www.xiriiriye.com/ Mr Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Heestaan Cusub ee Heeybad Jaceyl ayaa waxaa la isla gaaray Heer in Hawada la isku mariyo Hadalo Jaceyl oo Murti xambaarsan waxaana ka mid ah sida Hurdo waan waayey adaan kuu Hiloobay , Hablaha dhamaan adaan kaa Hor marshee Heeybadii Jaceeylkaan kuu wadaa iga Hoo, Halmar Hadaan ku waayo waan Habaabaa Hoosha ila qabo Horyaalkii Haweenkaay, Heer sare waa tahay adaan kaa Helayoo Hooskaaga ayaan Harsadaa ee Ha iga dheeraanin iyo Murti kale oo aad u fara badan.
Halkaan ka Dhageeyso Heestaan Cusub iskuna day inaad mar walba tix gelin gaar ah siiso Sportiga , Jaceeylka iyo Nabada. Halkaan ka Daawo Heesta Cusub : http://www.youtube.com/watch?v=19-0nPOesGs