Fc Chelsea oo Lafaha ka tuntay Valencia,*kooxda Olympique Marseille oo si Cajiib ah ku soo baxday & Macalin Pep Guardiola oo u dabaal degay Goolkiisii 100-aad intii uu Barcelona Macalinka u ahaa ka dibna soo safay Juunyar yar yar oo aan weli horay loo arag (Halkaan ka Daawo Faaqidaada koobka Champions League)
Kooxda Kubada cagta ee Fc Chelsea ayaa seey tahay ugu qara baxday naadiga Valencia oo loo saadaaliyey inuu reebi doono Fc Chelsea koobka horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League .
Chelsea oo Valencia Lafaha kaga dhuuxday 3-0 waxaa Halyeeygii garoonka noqday Laacib Didier Drogba oo dhaliyey 2-Gool Daqiiqadihii 3-aad iyo 76-aad halka Goolka 3-aad uu Paas qurxoon ugu deeqay Xiddiga reer Brazil Ramires Daqiiqadii 22-aad.
Inta ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=k0hCOT6kOJA .
Macalinka Fc Chelsea Andre Villas-Boas ayaa Ciyaarta ka dib waxa uu aad u amaanay Weeraryahan Drogba oo ay isku kacsanaayeen maalmahaan dambe ka dib markii uu ka dheelsiiyey boosas qaldan . Kooxda Genk wexeey Bareejo 1-1 ah ku qabatay Bayer Leverkusen.
Guruubkaan (E) waxaa soo baxay kooxaha Fc Chelsea & Bayer Leverkusen waxaana koobka Europa League loo tuuray kooxda Valencia.
FIIRO GAAR AH : kooxaha Guruubyadaan hoose Xiddigta leh waa kuwa soo baxay,kooxda labada xiddig leh waa tan hartay balse aaday dhanka Koobka Europa League oo ah Ex-Jabhadii hore ee UEFA Cup-ka.
| 1. |
Chelsea * |
6 |
3 |
2 |
1 |
13:4 |
11 |
| 2. |
Bayer Leverkusen * |
6 |
3 |
1 |
2 |
8:8 |
10 |
| 3. |
Valencia ** |
6 |
2 |
2 |
2 |
12:7 |
8 |
| 4. |
KRC Genk |
6 |
0 |
3 |
3 |
2:16 |
3 |
*** Guruub (F) kooxda Fc Arsenal oo Baashaal ahaan ugu safartay dalka Giriiga maadaama ay horay u soo baxday ayaa waxaa dhabarka loo soo saaray 3-1.
The Gunners oo Laacibiin badan fadhiisisay waxaa 3-1 uga soo badisay kooxda Olympiakos. Goolka Fc Arsenal oo aad u qurux badnaa waxaa u saxiixay Xiddiga reer Israel Yossi Benayoun Daqiiqadii 57-aad.
Isla Guruubkaan (F) ayaa kulan adag waxaa hilfaha isku qaaday kooxaha Borussia Dortmund Vs Olympique Marseille (2-3). Ciyaartaan waxaa 2-Gool ku hormartay kooxda Borussia Dortmund balse Aaqirul saacii ciyaarta ayaa la boobsiiyey oo waxaa labadii Gool loogu badalay 2 jar 3.
Goolasha kooxda Dortmud waxaa u kala saxiixay Difaaca Qaranka Germany Mats Hummels Rigoore daqiiqadii 32-aad iyo Weeraryahanka Qaranka Poland Jakub Blaszczykowski oo raacsaday goolka kale Daqiiqadii 23-aad.
Kooxda Olympique Marseille oo u ekeed ilaa dhamaadkii Ciyaarta mid ka hartay Koobka Champions ayaa wexeey soo kacsatay boorkana iska jaftay Daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta. Goolasha Olympique Marseille waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Loic Remy (45-aad), Andre Ayew (85-aad.) Mathieu Valbuena oo goolka guusha ka xareeyey Dortmund Daqiiqadii 87-aad.
Fiiro Gaar ah : Xiddiga reer Cameroon Stephane Mbia wuxuu Haraanti naxariisdaro ah Wajiga ka saaray Kaptanka Dortmund Sebastian Kehl (Fiiri Sawirka kore)
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=RfN3q8G7nsU .
Guruubkaan (F) waxaa ka soo baxay kooxaha Fc Arsenal iyo Olympique Marseille . Olympiakos daqiiqadihii ugu dambeeyey ayeey Europa League iska xaadirisay maadaama kooxda Marseille si cajiib ah ku badisay .
| 1. |
Arsenal * |
6 |
3 |
2 |
1 |
7:6 |
11 |
| 2. |
Olympique Marseille * |
6 |
3 |
1 |
2 |
7:4 |
10 |
| 3. |
Olympiakos ** |
6 |
3 |
0 |
3 |
8:6 |
9 |
| 4. |
Borussia Dortmund |
6 |
1 |
1 |
4 |
6:12 |
4 |
*** Guruub (G) Fc Porto Vs Zenit St. Petersburg wexeey isku macsalaameeyeen 0-0, dhanka kooxda APOEL Nikosia oo haray u soo baxday waxaa Gurigeeda 0-2 ku tuntay kooxda Schachtjor Donezk oo heeysata horyaalka dalka Ukraine.
Guruub (G) waxaa loo kala horeeyaa qaabkaan hoose :
| 1. |
APOEL Nikosia * |
6 |
2 |
3 |
1 |
6:6 |
9 |
| 2. |
Zenit St. Petersburg * |
6 |
2 |
3 |
1 |
7:5 |
9 |
| 3. |
FC Porto ** |
6 |
2 |
2 |
2 |
7:7 |
8 |
| 4. |
Schachtjor Donezk |
6 |
1 |
2 |
3 |
6:8 |
5 |
*** Guruub (H) waxaa horay u xaqiijiyey ineey si toos ah u soo baxeen kooxaha Fc Barcelona iyo Ac Milan. Viktoria Pilsen Vs Ac Milan 2-2 ayeey ku kala bexeen Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=y9KUZVqVluA .
Kooxda Fc Barcelona wexeey 4-0 ku qaarajisay naadiga BATE Borisow oo heeysta horyaalka dalka Bellarusia. Macalinka kooxda Catalonia Fc Barcelona Pep Guardiola wuxuu u dabaaldegay Barca oo dhalisay Goolkii 100-aad intii uu Tababaraha u ahaa naadigaas.
Arinta ugu yaabka badan wexeey tahay Macalin Pep Guardiola oo soo safay Laacibiin aad u da´yareed oo laga soo aruuriyey Juunyarka Fc Barcelona kuwaas oo ku faraxsanaa mar uun ineey saftaan koobka qaaliga ah ee Uefa Champions League. Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=_JcmnmqDyG0
13 Xiddig oo Laacibiinta Fc Barcelona ah xili ay fadhiyeen garoonka Dabaqiisa sare wexeey Warbaahinta Caalamka Qiimahooda ku sheegeen ineey ku fadhiyaan
488 Milyan oo Euro (Isku-dar).
Guruub (H) kooxaha ayaa sidaan u soo kala baxay :
| 1. |
FC Barcelona * |
6 |
5 |
1 |
0 |
20:4 |
16 |
| 2. |
AC Milan * |
6 |
2 |
3 |
1 |
11:8 |
9 |
| 3. |
Viktoria Pilsen ** |
6 |
1 |
2 |
3 |
4:11 |
5 |
| 4. |
BATE Borisow |
6 |
0 |
2 |
4 |
2:14 |
2 |
*** Caawa waxaa dhici doona kulamo adaag oo kooxo dhoor ah dhex mari doona ,Kooxaha Caawa isku dhaarsan ayaa sidaan isku qaabili doona.
Manchester City Vs Fc Bayern Munchen, Villarreal Vs Napoli, Inter Milan Vs CSKA Moscow, Lille Vs Trapzonsport, Basel Vs Manchester Utd , Benfica Vs Otelul Galati, Ajax Amsterdam Vs Real Madrid iyo Dinamo Zagreb Vs Lyon.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)