Jawaabta Hal Xiraalaha Sport & Aqoon is weeydaarsiga Xiriiriye : Magacyada Masuuliyiintii Sport ee ka soo Jawaabay Ciyaaryahanka Qeeyb ka mid ah Wajigiisa eey qarsaneed * Su´aasha Hal Xiraalaha Cusub isku day inaad sheegtit >> Waa kuma Ciyaaryahankaan Wajiga Murugada la qarsaday ee ka hooseeya Carles Puyol ? ( Halkaan noogu soo dir Jawaabtaada hadaad Ruux Sportiga ku hor maray tahay) !
Jawaabta Hal Xiraalihii ugu dambeeyey ee Ciyaaryahankii Wajigiisa qeeyb ka mid ah eey qarsaneed ayaa Jawabta oo sax ah wexeey tahay sidan hoos ku qoran . Xiddigaas waxa uu ahaa Laacibka Qaranka Holland & Kooxda Inter Milan ee Horyaalka Talyaaniga Wesley Sneijder. Aqristayaashii ugu badnaa ee soo qalday ayaa wexeey Shiishka saareen oo Salxihiisa ku qaldeen Laacibka Kooxda Fc Barcelona iyo Qaranka Spain Andreas Iniesta. Taariikhda Laacib Wesley Sneijder oo kooban ayaa wexeey tahay sidan.
wuxuu dhashay
09/06/1984 - ku dhashay Magaalada Utrecht ee dalka Holland
Dhirirkiisa waa
1.70m
Culaabta Miisaankiisa waa 67.00kg.
Horyaalada & Koobabka uu heeysto
Coppa Italia : 2010 (Inter Milan); Ehrendivision : 2002, 2004 (Ajax Amsterdam); FIFA Klub-WC : 2011 (Inter Milan); Primera Division : 2008 (Real Madrid); Serie A : 2010 (Inter Milan); Super Coppa : 2011 (Inter Milan); Supercopa de Espana : 2009 (Real Madrid); UEFA Champions League : 2010 (Inter Milan)
Kooxaha uu u soo ciyaaray waa
Ajax Amsterdam + Qaranka Niederlande, Inter Mailan oo hada uu u ciyaaro & Real Madrid.
Saaxiibta ama Lamaanaha Sneijder waxaa lagu magacaabaa Yolanthe Cabau van Kasbergen (Sawirka kore)
Hal Xiraalaha Cusub ee Isbuucan ayaa waxaa lagaa doonayaa inaad soo sheegto Xiddiga Garoonka la dhex jiifa murugada ee ka hooseeya Sawirka Carles Puyol. Soo Sheeg Qaranka uu u Ciyaaro, Kooxda uu u Safto iyo Waliba Magaciisa. Halkaanoogu soo dir Jawaabtaada > xiriiriyesports@hotmail.com . Fadlan soo raaci Magacaaga oo sadexan iyo hadaad Neeynaas leedahay (Mahad sanidiin Bahda Sportiga uu Dhiigooda Har iyo Habeenba ku shaqeeyo)