Laacib Cristiano Ronaldo oo Ciilkii uu ka soo qaaday kulankii El Clasico kula dhacay Fc Seville oo Taariikh ahaan ka adkaan jirtay kooxda Real Madrid ,* Faaqidaada kulanka adag ee kooxaha Man City Vs Fc Arsenal (Halkaan ka Daawo Faaqidaada Horyaalada Qeeybtii 1-aad)
Horyaalka dalka Spain oo la ciyaaray kulankiisii 16-aad waxaa kooxda Fc Sevilla ku ciil baxay Laacib Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Real Madrid oo ciil baaxad weeyn ka soo qaaday kulankii ugu dambeeyey El Clasico kaas oo ay 1-3 kaga soo badisay kooxda Fc Barcelona.
Kooxda Fc Sevilla inta Taariikhda La Liga la ogyahay weey ka adkaan jirtay naadiga Real Madrid balse markaan Ciil fara badan iyo abaar Koobab la´aaneed darteeda Sevilla oo ku ciyaareesay Garoonkeeda waxaa faraqa loo galiyey 2-6.
Goolasha kooxda Real Madrid 3 ka mid ah waxaa u saxiixay Halgame Cristiano Ronaldo Daqiiqadihii 10-aad, 41-aad iyo 86-aad Rigoore. Goolasha kale waxaa kooxda Real Madrid u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Callejon ,Angel Di Maria iyo Hamit Altintop. Labada Gool ee kooxda Fc Sevilla waxaa u kala dhaliyey Ciyaartooyda kala ah Jesus Navas iyo Alvaro Negredo .
Labada kooxood oo isku dhiig baxay waxaa Calaamada Gaduudka ama Casaanka ah qofba sida uu u yaqaan loo taagay Ciyaartooyda kala ah Pepe Real Madrid Daqiiqadii 44-aad iyo Manu Fc Sevilla Daqiiqadii 74-aad . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=hXeEfEXRsF8 .
Horyaalka La Liga ee Dalka Spain oo la geli doono 3-Isbuuc oo fasax ah ayaa waxaa 40-Dhibcood oo Nadiif ah ku hogaamineeyso kooxda Real Madrid halka Fc Barcelona oo ku soo xigto ay ka leedahay 37-Dhibood.
*** Dhanka Horyaalka Ingiriiska waxaa lagu wadaa Gabta inuu kulan aad u adag dhex maro Kooxaha kala ah Manchester City Vs Fc Arsenal.
Macalinka Man City oo Saxaafada la hadlayey waxa uu yiri sidan (Wir sind stark genug, um wieder eine Siegesserie zu starten. Ein einzelnes Resultat ändert nicht gleich alles", betonte Coach Roberto Mancini) . >> " Waxaan heeysanaa awood nagu filan waxaana ku soo laaban doonaa Wadadii Guusha ayuu yiri Macalin Roberto Mancini oo hadalkaas kala jeeday kulankii ugu dambeeyey oo ay dhagaha ka soo tuntay Fc Chelsea (Fc Chelsea vs Man City 2-1) .
Dhanka Kooxda Fc Arsenal aad ayeey iskula qabsadeen Laacibiinteeda maxaa yeelay 9-Isbuuc ka hor Arsenal wexeey horyaalka Ingiriiska kaga jirtay kaalinta 15-aad hadana wexeey The Gunners soo degtay kaalinta 5-aad. Kooxda Manchester Utd xiligaan la joogo 2 Gool ayeey ku leedahay Naadiga Queens Park Rangers hadii ay badiyaan oo la garaaco Man City wexeey ManU si toos ah hogaanka ugu qaban doonaan Horyaalka Ingiriiska.
Fc Chelsea waxaa Bareejo 1-1 ah ku qabatay kooxda Wigan oo Tacbaan ah kuna jirto kaalinta 18-aad ee Horyaalka Ingiriiska. Goolka waxaa ku hormartay Fc Chelsea waxaana u saxiixay Laacib Daniel Sturridge Daqiiqadii 59-aad balse ciyaarta oo ay ka harsan tahay 3-daqiiqo oo kaliyah ayuu Goolka Bareejada ka xareeyey Fc Chelsea xiddiga reer Wigan Jordi Gomez (Daqiiqadii 88-aad).
FILO GOOR DHAW FAAQIDAADA HORYAALADA KALE OO LA CIYAARAY KULAMO ADAG IYO BARNAAMISHYO KALE OO XILIGAAN AY KU SOCOTO SHAQO !!