Mucjisooyinka Caalamka : Haweeneeydii Caalamka ugu Cimriga dheereed Maria Gomes Valentim oo maanta Geeriyootay, Maxaad kala socotaa Taariikhdeeda oo kooban DaŽda eey jirtay & Dalkii eey u dhalatay ? (Halkaan ka Daawo sidoo kale Qeeybtii 2-aad War bixin Tariinkii eey dhexdiisa Gawaarida dhex mushaaxayeen) !! .
Inta badan Saxaafada Caalamka oo isku diyaarisay u dabaal degida iyo Sawiro ka soo qaadashada Maalinta Dhalashada 115-aad ee Haweeneeyda heeysata Iskoorka Qofka ugu Cimriga dheer Dunida waa Maria Gomes Valentim ayaa ku geeriyootay Isbitaalka Magaalada Casa de Caridade oo ku yaal Gobolka Minas Gerais ee dalka Brazil.
Maria Gomes Valentim ayaa daŽdeedii 115-aad u dabaal degi leheed 9-ka bisha juulaay oo eey naga xigto 3 Isbuuc.
Maria Gomes Valentim wexeey heeysataa oo loogu tagi waayey Iskoorka DaŽda ugu weeyn ee Caalamka (114-sano jir).
Haweeneeydaan ayaa dhalatay 9.kii bishii Juulaay 1896 wexeeyna ku dhalatay oo ku soo bar baartay Magaalada Carangola ee dalka Brazil. Sanadkii 1913 ayeey Maria Gomes Valentim markii ugu horeeysay wexeey guursatay Ninkeedii oo lagu magacaabi jiray Joao Valentim wuxuuna geeriyooday Sanadkii 1946 isaga oo Ifka uga tagay ama ka dhalay Maria Gomes Valentim hal Wiil.
Waa markii ugu horeeysay inta Taariikhda la ogyahay oo Qofka ugu Cimriga dheer Caalamka uu dalka Brazil Iskoor ku qabsado ama kaalinta 1-aad dadka Dunida ugu daŽda weeyn ka galo.
*** La Yaabka Dunida : Weli ma aragtay Tariin socda oo Boqolaal Gawaari ah eey dhexdiisa marayaan? Arintaan oo dad badan ka yaabsatay (Halkaan ka Daawo Qeeybtii 2-aad + War bixin).
Dawladaha Dunida ugu waa weeyn ayaa marba wax cusub iskugu faana kuwaas oo ku soo bandhiga Awoodooda Dhanka horumarka Teknikada ama Qalabka casriga ah ee inta badan ku shaqeeya Korontada.
Wadamada soo saari jiray Qalabyada casriga ah ee Dunida mar kasta ka yaabsada ayaa wexeey kala ahaan jireen dalalka Japan, Mareykanka, Germany, France, England, South Korea, Sweden Norway, Malaysia Turkiga, Indoneesia iyo Holland.
Hada waxaa Tariin cusub oo nuuciisa yahay kan ka shaqeeya Wadooyinka ku yaala Magaalada dhexdeeda soo saartay Dawlada dalka Shiinaha oo mudooyinkii ugu dambeeyey ama ilaa 10-sano aanan wax sidaas u weeyn oo casri ah soo saarin.
Tarinkaan Casriga ah oo Durbadiiba eey soo dalbadeen ineey Farsamadiisa iibsan doonaan Wadamada Biljamka iyo France halka lagu wado Dalal badan oo ku yaal Qaarada Yurub ineey Qaabka Tareenkaan cusub ka heleen ama sameeysan doonaan.
Mucjisada ugu yaabka badan ayaa noqotay Tareenkaan oo socda ayaa dhexdiisa waxaa loogu tala galay oo si caadi ah u dhex mushaaxaayo Gawaariyada yar yar Shil laŽan waxaana sidoo kale laga Mabnuucay ineey dhexdiisa maraan Gaawarida waa weeyn ee Xamuulka ah iyo Basaska ka shaqeeya Magaalooyinka dhexdooda.
Halkaan ka Daawo Qaabka eey Gawaarida uga dhex baxayaan Tariinka socda : http://www.youtube.com/watch?v=TKaEAmDqQyg .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com