Xulka Da'yarta Soomaaliya iyo Kooxda Horyaalka Qadar oo is garab dhacay
Xulka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa xalay cayaartii labaad oo saaxiibtinimo la yeeshay kooxda heysata horyaalka dalka Qadar ee la yiraahdo Al-Gharafa FC, waxaana cayaartaasi ay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.
Kooxda Qaranka ee U-17-ku waxaa ay habeenkii Isniinta ee lasoo dhaafay cayaartii 1-aad ee saaxiibtinimo la yeelatay kooxda Al-Shaxaniya ee isla dalka Qadar oo ay 2-0 ugu awood sheegatay.
Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab oo cayaartaas daawanayay ayaa wariye yaasha u sheegay in cayaartu ay ahayd mid aad u adaga labada kooxoodna ay soo ban dhigeen cayaar si weyn u xeeladeysan.
Dhamaadka qeybtii hore ee cayaata ayaa cayaartoyda naadiga Al-Gharafa FC waxaa ay heleen gool waxaana qeybtii 1-aad lagu kala nastay 1-0 oo kooxda Qadar ay hogaanka ku heysay laakin markii qeybta dambe la iskusoo laabtay ayaa waxaa gool aad u xurux badan xulka Soomaaliya u dhaliyay cayaaryahanka lagu magacaabo Cali Maxamed Cali (Yariisow) iyadoo cayaartuna 90-kii daqiiqadood ee loogu tala galay ay kusoo dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.
Daawashada cayaarta ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur (Mukambe) Xoghayaha guud Mudane Cabdi Qani Saciid Carab, Guddoomiyaha naadiga Al-Gharafa FC, Maamulaha kooxda Soomaaliya Yaxye Maxamed Abuukar (Aayow) iyo hogaamiye yaasha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Qadar.
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur ayaa markii cayaaru dhamaatay kadib la hadlay xulka Soomaaliya waxaana uu ku amaanay bandhiga aadka u quruxda badan oo ay sameeyeen.
"Runtii qaab cayaareedkiina aad ayaan ula dhacay waxaana ku kalsoonahay in aad guulo keeni doontaan ee dadaalkiina sii laba jibaara"ayuu guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid u sheegay cayaartoyda qaranka oo markaa kadib si toos ah usoo aaday garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa,waxaana ay maanta transit ku yihiin garoonka diyaaradaha Dubai iyagoo kusii jeeda magaalada Nairobi oo ay kagasii gudbayaan magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Somali Youngsters hold Qatar's champion
The Somali National U-17 football team who have been training in Doha for the past several weeks had its second friendly match against Qatar's champion of the year Al-Gharafa FC on Wednesday evening, as the hotly-contested game ended in 1-1 draw.
On Monday evening the Somali youngsters defeated Al-Shahaniya FC by 2 goals to nothing during a friendly clash which took place at the club's stadium in Doha. Al-shahania is one of the most strong 1st division football clubs in Qatar.
Somali Football Federation Secretary General Abdi Qani Said Arab who was watching the match told the media that the game was very hotly-contested and both teams showed a good game with high tactics.
At the end of the first half of the match Al-Gharafa FC boys scored their goal as the 1st half ended in 1-0 with Qatar's champion having the lead, but in the early minutes of the second half Somalia's Ali Mohamed Ali (yarisow) scored a beautiful goal for Somalia and the match ended in 1-1 draw.
High-ranking dignitaries including Somali Football Federation President Mr. Said Mahmoud Nur, Secretary General Mr. Abdi Qani Said Arab, Al-Gharafa FC boss, Somali team manager Yahye Mohamed Abokar and leaders of Somali sports community in Qatar were watching the match.
After the end of the match President of Somali Football Federation Mr. Said Mahmoud Nur talked to the Somali youngsters and praised them for the good exhibition they showed.
"I really admired at your performance and I am very confident that you will score achievements and I encourage you to redouble your efforts" Somali Football Federation President told the youngsters.
Then the Somali youngsters under the leadership of Secretary General Abdi Qani Said Arab directly went to Doha International airport and today they are transit at Dubai Airport on their way to Cairo through Nairobi's Jomo Kenyatta airport where they will stay for two hours before flying to Cairo.