Luís Carlos Almeida Nani oo ku Guuleeystay Codbixintii aan qaadnay ee Uefa Champions League 2009/10 Goolashii ugu qurxoonaa oo aan ka soo xulanay 10-gool. ( Aqri sida Laacibiinta kale Codka u kala heleen)
Xiddiga Kooxda Man Utd & Qaranka Portugal Luís Carlos Almeida Nani ayaa ku guuleeystay cod bixintii Todobaadlaha eheed ee aan u qaadnay 10-kii Gool ee ugu Quruxda badnaa Uefa Champions Liigihii ugu dambeeyey ee Kooxda Inter eey ku guuleeysatay.
Nani ayaa xitaa afka ciida u daray Cod bixintii bahda Xiriiriye oo u Codeeyey Goolka uu Arjen Robben ka dhalinaayo Kooxda Man Utd ka dib baas aad u qurxoon oo uu ka helay Laacib Frank Ribery gool-kaas oo u ekaa ama ku soo xasuusinaayo gool uu Ciyaaryahan Zidane ka dheliyey Kooxda Liverkusen iyada oo kubadu dhulka taaban.
Cod bixinta oo aanu sidii balantu eheed ka soo qaaday 6-da Laacib ee ugu cod bata ayaa waxa eey Cod u kala heleen sida tan:
1-Nani man Utd, 282 Cod.
2-Robben Bayer München, 244 Cod.
3-Nasri Arsenal, 211 Cod.
4-Cristiano Ronaldo Real Madrid, 189 Cod.
5-Mario Bolotelli Inter, hada u wareegay Man City, 122 Cod.
6-Milo Krasic 91 Cod Ceska Moscow, hada u wareegay kooxda Juventus.
Waxaana haloowday 24 Cod oo aan fahmi weeynay Akhristaha cida uu u codeenayo maadaama qaar tageersan Lionel Messi & Weyne Rooney eey soo qoreen Magacyada labadaas Laacib oo aanan Tartanka 10-ka gool ku jirin.
Hoos ka Aqriso kana daawo sida eey War bixinta codeenta u dhacday , waxaana hada soo wadnaa 10-kii Gool ee ugu wanaagsana ama ugu Quruxda badnaa World Cup 2010 oo ka dhacay dalka South Africa.
Filo wax yar ka dib una codee Dooqaaga adoo cidaa doonto Taageere u noqon kara.
Hoostaan ka Aqriso sideey Doorashada Xiriiriye u dhacday, goor dhawna filo tan Koobka Addunka 2010 oo dhaceeysa dhawaan !
10-kii Gool ee ugu Quruxda badnaa Champions League 2009/10 u codee kan aad is leedahay wuu ugu Wanaagsan yahay .War Bixin Xiiso badan Tartanka Xiriiriye waa uu ku Jiraa, (Halkaan ka Daawo)
Codsiyo aad u fara badan ka dib waxaa inoo suurto gashay inaan Aqristaayasha ku xiran Bogaan www.xiriiriye.com aan kala qeeyb qaadano Tartan aad u xiiso badan oo uu idiin bilaabay Xiriiriye isbuucaan socona doona isbuuc kasta ilaa dhamaad kiisa.
Akhristoow u Codee oo dooro Gool-kaad doonto adoo xor ah Xiisana u qaba Ciyaaraha Caalamiga ah.
Doorashada waxa eey bilaabatay Maanta oo Sabti ah 14.8.10, waxeeyna socon doontaa ilaa Sabtida dambe 21.8.10.
Ciyaaryahan iyo Kooxdii aad doonto Taageere u noqo waxaa uun lagaa doonayaa markaad daawato 10-kaan Gool ee la dhaliyey Champions Liigihii ugu dambeeyey ee Kooxda Inter eey ku guuleysatay inaad Codkaaga dhiibato oo sheegto Goolkii ugu qurux ama Xarakada badnaa.
Waxaadna Codkaaga & Laacib kaad siisay Goolka ugu quruxda badan inoogu soo direysaa Email-kaan xiriiriyesports@hotmail.com ka dibna marka eey Doorasha ama Cod bixinta dhamaato anaga ayaa tirineeyno Laacibkii ugu badnaa ee Codka iyo Dhibcaha helay.
Akhristoow waxaa mucjiso iyo la yaab eheed markii Maamulka Xiriiriye eey ku Yabaaleen 2-gool oo ku jirta Tartankaan kii eey dooran lahaayeen ama Codka siin lahaayeen.
Labadaan Gool ayaa ahaa Goolal aad u Qurux badnaa oo eey kala dhaliyeen Nani oo Man Utd ah iyo Robben oo Bayer München ah.
Ugu dambeeyntii waxa eey doorteen Bahda Xiriiriye Goolka uu Robben ka dhaliyey Man Utd isaga oo Saaxiib kiis Frank Ribery baas aad u Qurux badan ka helay taas oo Aakhiritaankii sababtay in Kubada oo dhulka aan taaban inuu Robben Shabaqa Man Utd ku luxo.
Waxaana Gool-kaas Robben uu ku soo xasuusinayaa ama u qaab ekaa Kii Laacib Zinadin Zidan ka dheliyey Kooxda Bayer Liverkusen Ciyaar Champions League oo Final eheed xiligaas oo Real Madrid 2-1 ku suul daartay Liverkussen.
Goolasha kale ayaa iyaguna yareeysan Maxaa yeelay Nasri oo Arsenal ah waxa uu sidii Biriqdii camal dhex jeexayaa Fc Porto, Cristiano Ronaldo kooxda Marseille ayaa Bilision ku qayaamayaa, Mario Bolotelli oo Inter ah Rubin Kasan ayuu Darbo Gantaal ah dhex dhigayaa, Robben Goolhayaha Fiorentina ayuu Indhaha tirayaa,
10-ka Gool dhamaantood waxaa idiin saaraan Hees aad u macaan waxaana mar labaad inta idinkugu soo gud bineynaa E-mailka aad Codkaaga ku dhiiban lehedeed waa xiriiriyesports@hotmail.com .
Haduu alle Raali ka noqdo waxaan sidoo kale Maalinta Talaadada bilaaban doonta Cod bixintii 10-kii Gool ee World Cup 2010 ugu wanaagsaneyd.
Halkaan ka daawo 10-ka Gool ee aad Doorasha u galeeysid : http://www.youtube.com/watch?v=KW0jWNssW8M&feature=related
W/Q Sharci ilaaliyaha Shabakada Sportiga ee Xiriiriye
Kaafi Deeq Yacquub (Kaafi Yare)
Norway Oslo
xiriiriyesports@hotmail.com