WORLD SPORT NEWS : Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid Jose Maria Gutierrez Hernandez Guti oo laga ceeyriyey kooxda Besiktas,* Muxuu sameeyey oo loo Ceeyriyey? Halkaan ka Akhriso war bixinta + Warar kale .
*** Xiddigii hore ee Qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid Jose Maria Gutierrez Hernandez Guti ayaa si toos ah waxaa looga ceeyriyey kooxda Besiktas Istanbul. Ciyaaryahan Guti wuxuu la joogay kooxda Besiktas mudo 15 Bilood ah waaxaana lagu eedeey inuu ku soo xaadiri waayey waqtigii balannta la kala saxiixday taas oo eheed inuu 3 cisho oo kaliyah fasax ku maqnaan karo. Jose Maria Gutierrez Hernandez Guti oo hada 35 jir ah Heshiiskii uu kula joogay kooxda Besiktas wuxuu ku ekaa ama gaari lahaa ilaa bisha Meey ee sanadka 2012-ka balse hada kooxda Besiktas ayaa qandaraaskiisa sidaas ku kansashay. Guti wuxuu horay ugu soo saftay kooxda Real Madrid Madrid in ka badan 500 oo kulan. (Hoos ka Akhri War bixinta Guti oo Tarjuman). *** Xulka Qaranka Brazil wuxuu soo afjaray kulankoodii Ciyaareed kii ugu dambeeyey ee Sanadkaan 2011 mana jirto wax kulan ah oo u harsan Sanadkaan 2011. Brazil wexeey 2-0 ku garaaceen Xulka Qaranka Masar oo eey isku balan sadeen magaalada Dooha ee dalka Qatar. Xiddigaha Qaranka Brazil oo Caalamka looga yaqaan (Selecao) waxaa kulankaan ka maqnaa Laacibiinta kala ah Ricardo Kaka iyo Ronaldinho waxaana Goolasha u wada saxiixay Ciyaaryahan Jonas Oliviera Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=YLCNlvaul1w . Ciyaartaan waxaa Iskoor cusub jabiyey Xiddiga Qadka dhexe ee Qaranka Masar Ahmed Hassan oo la soo safay Daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta wexeeyna u noqoneeysaa kulankii 178-aad ee uu u safto Xulka Masar. Ahmed Hassan oo hada 36-jir ah wuxuu Qaranka Masar ku soo biiray Sanadkii 1995 isaga oo xiligaas 20 jir ahaa. Axmed Hassan wuxuu Iskoorkaan cusub ee dhanka Safashada kala wareegay Goolhayaha Qaranka Saudi Arabia Mohamed Al Deayea .
*** Caawa waxaa lagu wadaa Kulamo adag ineey ka dhacaan Maslaxaha Ciyaaraha kubada cagta : Kulamadii isku celiska ahaa Euro 2012 Play off) waxaa fooda is dari doona Portugal Vs Bosnia-Herzegovina, Croatia Vs Turkiga, Irland Vs Estonia iyo Montenegro Vs Czech Republic.
*** Dhanka Ciyaaraha Saaxiibtinimo Caawa waxaa lagu wadaa ineey Cagaha iska tumaan Qaramada kala ah Germany Vs Holland 20.45, Italy Vs Uruguay 20.45, England Vs Sweden 21.00, Costa Rica Vs Spain 22.05, France Vs Belguim 21.00 .
## Der ehemalige spanische Teamspieler Guti hat Besiktas Istanbul nach 15 Monaten verlassen. Wie türkische Medien am Montag berichteten, meldete sich der 35-Jährige nach drei Tagen Urlaub nicht wieder zurück. Der Arbeitgeber des ÖFB-Trios Veli Kavlak, Ekrem Dag und Tanju Kayhan soll den bis Mai 2012 laufenden Vertrag danach gelöst haben.
Guti, der vor seinem Wechsel an den Bosporus über 500 Spiele für seinen Stammverein Real Madrid bestritten hatte, hat in dieser Saison nur drei Einsätze für Besiktas zu Buche stehen. Der Club liegt nach zehn Runden vier Punkte hinter Fenerbahce auf dem siebenten Tabellenrang.##