Guti oo Shil galay, Ciyaaryahanada Qaarada Africa ee lagu wado inuu mid ka mid ah 20-ka bishaan Qaahira kala hoydo Laacibka Sanadka oo lagu dhawaaqay & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
*** Jose Maria Gutierrez Hernandez Guti ayaa waxa uu Shil ku galay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Guti oo ah Xiddigii hore ee Qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ayaa waxa uu hada u ciyaaraa kooxda Besiktas Istanbul ee Horyaalka Turkiga.
Gaarigii uu watay Ciyaaryahan Guti oo ahaa nuuca Range Rover-ka ayaa waxaa eey fooda is daareen gaari kale oo Bas ah waxaana dhaawacyo fudud eey soo gaareen Guti inkastoo Ciidamadii Booliska ee goobtaas sida deg dega ah ku soo gaaray eey baaritaan lagu sameeyey Guti ka dib lagu helay inuu Cabsanaa waxa loo yaqaan 2,71 Promille Qamriga dadka xiska ka qaado ah.
Jose Maria Gutierrez Hernandez Guti oo 34-jir ah ayaa waxa uu xili ciyaareedkii la soo dhaafay u wareegay kooxda Besiktas Istanbul isaga oo ka yimid kooxda weeyn ee Real Madrid oo mudo 15-sano ah uu u soo ciyaaraayey wuxuuna hada kula joogaa kooxda Besiktas Istanbul heshiis 2-sanadood ah oo uu qalinka ku duugay. Guti ayaa la sheegay xiligii uu Shilka galay inuu ku jiray damaashaad iyo guul muhiim ah oo eey kooxdiisa Besiktas 1-0 ku garaacday kooxda heeysata Horyaalka Turkey - Super Liga waa Bursa oo uu daqiiqadii 65-aad goolka ka dhaliyey weeraryahanka Qaranka Slovakia Holosko .
*** Abaal marinta Xiddiga ugu wanaagsan Qaarada Afrika ayaa waxaa lagu wadaa in eey 20-ka bishaan ka dhacdo magaalada Qaahira ee dalka Masar. Ciyaartooyda durbadiiba la soo xulay ee la sheegay inuu mid ka mid ah uu la hoyan doono Laacibka Sanadka ee Qaarada Afrika ayaa waxa eey magacyadooda iyo kooxaha eey u ciyaaraan kala yihiin sidan: Seydou Keita Fc Barcelona Qaranka Maali, Didier Drogba Fc Chelsea Qaranka Ivory Coast , Salomon Kalou Chelsea Qaranka Ivory Coast, Samuel Eto'o Inter Milan iyo Qaranka Cameroon & Asamoah Gyan Sunderland Qaranka Ghana.
11-ka bishaan ayaa lagu wadaa ineey iskugu soo haraan tartankaan 2-ciyaaryahan waxaana lagu sheegay ineey noqon doonaan oo eey ugu cad cad yihiin ciyaartooyda kala ah Samuel Eto'o oo isku heeysta sanadkaan 3-koob oo uu la soo qaaday kooxda Inter sida The Uefa Champions League, Horyaalka Talyaaniga, iyo Koobka Talyaaniga.
Asamoah Gyan ayaa rajadiisa ku guuleeysiga Abaal marintaan waxa eey tahay mid wanaagsan maadaama Xiddigaan uu Koobkii Addunka wacdaro ka soo dhigay.
*** Kooxda kubada cagta ee Newcastle United ayaa waxa eey Boorsadiisa banaanka u soo dhigtay kana ceeyrisay kooxda Tababarihii kooxda Newcastle United Chris Hughton.
Chris Hughton in kooxda Newcastle laga ceeyriyo ayaa waxaa sabab u eheed kulankii ugu dambeeyey ee kooxda West Bromwich Albion eey Newcastle 1-3 kaga badisay.
*** Kulan baaqi ah oo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska ayaa waxa uu dhex maray kooxaha Fc Liverpool Vs Aston Villa.
Kooxda Liverpool oo Aston Villa 3-0 faraqa u gelisay ayaa waxaa goolasha u kala saxiixay ciyaartooyda kala ah N`Gog , Babel iyo Rodriguez.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com