Jawaabta Hal Xiraalaha : Shaqsiyaadkii soo saxay Awoodooda Sport Caadi ma ahan, Kuwii Qalday Allaha Kaalmeyo, SuŽaasha Hal Xiraalaha Todobaadkaan oo ah Mid yaabkeeda wadata Maadaama Ruuxii maqla uu madaxa Gacmaha saaranaayo!! (Daawo Taariikhda Xiddiga Dhulka Jiifay)
Barnaamishka Hal Xiraalaha Xiriiriye waxa uu raadiyaa soona bandhigaa Qisooyinka eey Bulsho weeynta Soomaaliyeed kaga faaideeysan karaan Mucjisooyinka iyo Taariikhda wax yaabaha ka dhaca Garoomada iyo Qooysaska Ciyaartooyda dhexdooda !
SuŽaashii Hal Xiraalaha Todobaadkaan ayaa aheyd mid aad u adag maadaama Ciyaaryahanka dhulka dhaawaca la jiifay aanan loo jeedin Wajigiisa wuxuuna Sawirka ahaa mid sidoo kale aad u yar ugana dheer Ciyaaryahanka.
Akhristayaashii sida weeyn beerta u galay ayaa waxa eey ku sheegeen ciyaaryahano kala duwan oo u ciyaara kooxda Real Madrid sida Sami Khedira, kuwii xoogaa soo dhaweeyey oo aan si fudud isku dhiibin ayaa waxa eey ku sheegeen Ciyaartooyda kala ah Luca Toni xiligii uu kooxda Bayern Munchen u ciyaari jiray iyo Martin Gaston Demichelis.
Khabiiradii Sport ee Khalinka u qaatay Ciyaaryahankaan Wajigiisa xanuunka iyo dhaawaca dartiis u qariyey ayaa waxa eey Shiishka saareen kuna sheegeen in uu yahay Xiddigaan SuŽaal laŽaan Mario Gomez !! .
Mario Gomez Garcia waxaa uu dhashay kuna dhashay 10. Juulay 1985 Magaalada Riedlingen ee dalka Germany . Dhirirkiisa waa 189 cm. Waxa uu dhanka weerarka uga ciyaaraa kooxda Fc Bayern Munchen iyo Qaranka Germany.
Mario Gomez waxaa iska dhalay Waalid Jarmal & Spain ah, Hooyadiis waxaa lagu magacaabaa Christel, Aabihiisna waxaa isna lagu magacaabaa Jose. wiil iyo gabar la dhashay ayaa igana waxaa lagu kala magacaabaa Aprilia & Roller.
Waa weeraryahan inta badan Qiyaameeyo Difaacyada maxaa yeelay wuu ka dhex siibtaa, wuxuu sidoo kale ku wanaagsan yahay kor u kicida ama waxa loo yaqaan boodada dheer ee kubada Koornada ah Teestada lagu raadsado wuxuuna wareeysi dheer ku sheegay in kubada inaad adiga Madax ku raadsato ma ahanee eeysan iyada ku soo raadsan doonin.
Kulanka ama Ciyaarta uu Ciyaaryahan Mario Gomez dhulka dhaawaca la jiifay ayaa waxa eey dhex martay kooxa Brussia Dortmond Vs Fc Bayern Munchen.
Halkaan ka Daawo Goolashiisa Qeeybta 1-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=TYShcdhAT-I.
Halkaan ka Daawo Goolashiisa Qeeybta 2-aad oo uu dhaliyey sankaan >>> http://www.youtube.com/watch?v=ACWXiiGoFcU.
Aqristayaashii ugu Laacibsanaa Barnaamishka Hal Xiraalaha iyo Aqoon is weedaarsiga Sportiga ayaa Isbuucaan si wanaagsan isku dhiibay Gacmahana kor u taagay iyaga oo sheegay ineey Isbuucaan Tartanka Hal Xiraalaha Dhaawac uga maqnaan doonaan taas oo eey kala jeedeen sida eey sheegeen in SuŽaashu ku noqotay (Horror) yacni Bahal.
Qaar ka mid ah Khabiiro diiday ineey is dhiibaan ayaa waxa eey noo soo direen E-mailo iyaga oo ku mar marsiyooday in Sawirka ciyaaryahanka aananba loo jeedin Wajigiisa waxa eey kaga Jawaabaane eeysan garaneeyn wuxuuna Xiriiriye.com Khabiiradaas ku buuqay ama mar marsiiyoday uu qaar ka mid ah u taagay Calaamada Jaalaha (Yellow card ) maadaama uu buuqooda batay hadii eey Barnaamishkaan Hal Xiraalaha iyo Aqoon is weedaarsiga Sportiga buuqa ka joojin waayaan wexeey muteeysan doonaan Calaamada Casaanka ama Gaduudka ah qofka sida uu u yaqaano (The Red card) weeyna is yaqaanaan Akhiyaartaas Buuqooda uu batay maadaama eey sheegeen ineey neceb yihiin ama Dhimasho ka xigaan Guuldarada dhanka Sportiga & Aqoon is weeydaarsiga ah.
Xiriiriye.com waxa uu leeyahay ha loo Duceeyo intii soo dhaweeysay Jawaabta Halxiraalaha ee guuldareysatay ! , waxaan kaloo leenahay Salaan Sport ha loo taago Shaqsiyaadkii soo saxay Ciyaaryahan aananba Wajigiisa loo jeedin oo noqon kara dhoor qof.
Muwaadiniintii Sport ee Jawaabta oo sax ah soo gaarsiiyey www.xiriiriye.com ayaa waxa eey magacyoadooda kala yihiin sidan :>>>
1-Qadar Ahmed mohamed (Qadar Barca)
2-C/risaaq Macallin Aadan.
3-Axmed Allaqaboow cumar (Van Persie)
4-Khalid Abdirahman Kassim (Los Blancos)
5-Axmed maxamed (Ciyaal Laanta)
6- Cali Cabdi Barqadle (Messi)
7-Cadnaan Xassan Xussen (Drogba)
8-Ayuub Saalax Nuur ( Alex Del Piero)
9-Fitaax Baashi Ciire (Ozil)
10-Salmaan Abdi Wehliye (Ha i Waalin)
11-Farxaan Muumin Shaarkeey.
12--Cabdi Raxiin C/laahi Faarax (Raul)
13-Ilyaas Cali Yabaroow(Samatar)
14-Rashiid Saalax Xassan (Wiil Waal)
15-Yaasiin Cabdi Samatar (Xavi)
16-Anwar Axmed Yacquub (Alonso)
17-Amran Yuusuf Rooble (Nasri)
18-Haashim Cali Nuur (Lampard)
19-Deeq C/raxmaan Jeesow (Juve)
20-Duraan Wehliye Fareey (madbacada)
21-Liibaan Cabdi Kaahin(Arsenal Boy)
Fiiro gaar ah: Dadka SuŽaasha soo qalday ayaa waxa eey u badnaayeen kuwo ku wareeray Maaliyada Ciyaaryahanka dhulka jiifay, inta badan waxa eey noo soo qoreen Maaliyadaha kooxaha Real Madrid, Valencia, Fc Liverpool, Fc Anderlecht iyo Ac Milan waxaana qaladay SuŽaasha isbuucaan Akhiyaar aan weli guuldaro horay u dhedhamin oo raacay wadadii eey raaceen 82-qof oo Isbuucan soo wada qalday Jawaabta Aqoon is weeydaarsiga Sportiga !!
SuŽaasha Hal Xiraalaha cusub ee Todobaadkaan waa sidan: Waxaad sheegtaa koox ka dhisan mid ka mid ah Horyaalada England, Italy, Spain, Germany, iyo France oo Mucjiso Sport sameeysay ka dib markii eey qaaday Horyaalka dalkeeda iyada oo ka timid Serie B ama waxa loo yaqaan Horyaalka Qeeybtiisa 2-aad.
Aan idiin kugu celiyo SuŽaasha soo sheeg hadaad Sportiga Awood balaaran ku leedahay koox inta eey ka timid Qeeybta 2-aad ee Horyaalka dalkeeda hadane awood ku qaaday Horyaalkii 1-aad ee dalkeeda isla Sanadkii eey timid waxaana arinkaan la yaabay Dunida oo idil. kooxdaan waxa eey hada ka mid tahay oo ka ciyaartaa mid ka mid ah Horyaalada aan soo sheegnay .
Waxaa lagaa doonayaa Only Magaca kooxdaas inta kale anaga ayaa War bixin dheer oo Muqaalo la yaab ah xambaarsan soo raacin doono Jawaabta haduu alle idmo wuxuuna xiriiriye.com idin leeyahay >>> Happy And Good Lucky !!
Jawaabta waxaanu soo deeyn doonaa haduu alle idmo Maalinta Jimcaha ah 10.12.10. Halkaan noogu soo dir Jawaabtaada hana ka soo iloobin magacaaga oo sadexan iyo hadaad neenaas leedahay >> xiriiriyesports@hotmail.com .
Aalamiito: U sii Aalamiitee si aadan hadhoow u mar marsiyoon Hal Xiraalaha & Aqoon is weeydaarsiga Sportiga ee Isbuuca dambe oo ah sidan: Waxaad sheegtaa Magacyada 2-ciyaaryahan oo ka ciyaara Horyaalka Ingiriiska kuwaas oo noqday Laacibiinta Horyaalkaas ugu dhirirka badan uguna gaaban, yacni mid ayaa aad u dheer midna waa uu gaaban yahay oo dhulka ayuu ku dhegan yahay, labada ciyaaryahan wexeey u wada dheelan hal koox oo isku mid ah iyo weliba hal Qaran--Magacyada Ciyaartooydaas oo sax ah Jeebka sii gasho si Magacaaga looga arko Aqoonyahanada Sportiga ee ku xusan Xiriiriye.com.
Filo goor dhaw Barnaamishka La yaab oo Maanta aad u qosol badan iyo Wararkii Horyaalada oo kooxo badan Isbaaro loo dhigtay !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com