WORLD SPORT NEWS : Ryan Giggs Waa Weekiyo balse wuxuu xiran karaa Booskiisa,* Ciyaartooyda Weekiyada noqotay waxaa ugu daran Kuwa aan dhaqaaqi karin ee hadana mar kasta raba ineey Tutulaare ahaadaan,*>> Wiilkii qanaday Ciyaartii Ajax Vs Alkmaar oo Madaxa Gacmaha saartay markii Xabsiga loogu sheegay in 30-Sano oo dambe laga Mabnuucay Garoonka kooxda uu ku Waashay ee Ajax.
Macalinka kooxda Shayaadiinta Cas Cas Man Utd Sir Alex Ferguson wuxuu Dagaal xoogan u galay sidii Rugcadaa Ryan Giggs uu hal sano Kooxda ManU ugu sii Ciyaari lahaa. Maamulka Man Utd wexeey taladaas ka jeclaadeen in Weekiyo Ryan Giggs Shaqooyin kale laga siiyo Naadiga Manchester United.
Inta badan hadalka Qabiir Sir Alex Ferguson ma ahan mid ay ka hor imaan karaan Maamulka kooxda Man Utd maxaa yeelay waa Masuulka heeysta Iskoorka kooxdaas ku faanto iyo Guulaha ugu badan ee United.
Sir Alex Ferguson oo Difaacaya Weekiyo Ryan Giggs oo 38 jir ah waxa uu yiri sidan >> (Ich denke, Ryan kann noch ein Jahr spielen", sagte der Schotte,Er weiß, dass er nicht für immer spielen kann. Und wir wissen es auch.")
" Waxaa ii cad Ryan inuu Hal sano oo kale uu sii Ciyaari karo, Ma lihi mar kasta wuu sii Ciyaari karaa oo taas asagaba wuu ogyahay anagana waan la soconaa,,
Ciyaaryahan Ryan Giggs oo u dhashay dalka Weles wuxuu kooxda Man Utd ku soo biiray Sanadkii 1990-kii. United wuxuu u saftay 892-Kulan una dhaliyey 161-Gool.
Weekiyo Ryan Giggs wuxuu sidoo kale kooxda Shayaadiinta Cas Cas la qaaday 12-Horyaal oo Premier League ah. Halkaan ka Daawo Goolashiisii kuwii ugu Wanaagsanaa >>> http://www.youtube.com/watch?v=nEAouJwTYlU .
*** Wiilkii Dhawaan Qanaday Kulankii dhex maray kooxaha Ajax Amsterdam Vs Az Alkmaar ayaa waxaa la sheegay Aqbaar uu ka naxo in loogu geeyey Xabsiga uu ku xiran yahay. Qareenka Willkaan u doodayey kuna hoowlan sii deeyntiisa ayaa Warbaahinta u sheegay markii uu la kulmay Wiilkaan Taageeraha kooxda Ajax ahaa inuu Madaxa Gacmaha saartay kana naxay go´aankii ay ka gaartay kooxda Ajax kaas oo ahaa inuusan Never soo xaadiri karin Garoonka kooxda Ajax Amsterdam mudo 30 Sano ah.
Taageerayaasha Kubada cagta kuwooda Caqliga badan marnaba ma dhibaateeyaan kooxda ay Jecel yihiin hadii ay badiso ama hadii laga badiyaba maxaa Yeelay Kubada cagta waxa ay ka sameeysan tahay gebigeeda Cad & Madoow (Nasiib & Nasiibdaro) waxaana muhiim ah Taageeraha saxda ah inuu diyaar u ahaado Farxad iyo Murugo tii qabsata kooxda uu jecel yahay.
Ciyaal-suuqiinta nuuca loo yaqaan (Hooligans ) marka ay Cabsan yihiin waxaa ku dhaco Jahwareer kaas oo tuso ineey ku dhex fakadaan Garoonka dhexdiisa ugu dambeeyntana sababa Xabsi ay muteeystaan iyo Ganaax ah in Garoonkii kooxdii ay jeclaaayeen gebi ahaanba laga mabnuuco.
*** Mucjisadii hore ee Qaranka Portugal Eusebio oo maalmahaan ku Xanuunsanayey (Luz Hospitals) oo ku yaal magaalada Lisbon ee Caasimada dalka Portugal ayaa waxaa dib loogu celiyey Gurigiisa. Eusebio waa 69-jir dalka Portugal looga yaqaan (Madowgii Birta ahaa).
Eusebio wuxuu Qaranka Portugal u saftay 64-jeer wuxuuna u saxiixay 41-Gool. Ex-Player Laacib Eusebio waxaa si weeyn loogu soo xasuustaa Koobkii Aduunka ee 1966-kii kaas oo ka dhacay dalka Ingiriiska . Xiddigaan ayaa dhanka Gooldhalinta 9-Gool ku qaatay wuxuuna Qarankiisa Portugal u suurto galiyey ineey Kaalinta 3-aad ka galaan tartankaas.