La Yaab: Gonzalo Higuain,Ciyaaryahan Xushmad & Aamusnaan badan, Magac wanaagsane la la helay (Shibane.Akhri Taariikhdiisa+Daawo)
Laacibka kooxda Real Mardid & qaranka Argentina Gonzalo Higuain ayaa waxa uu kaalinta 1-aad ka galay Ciyaartooyda Dunida ugu edeb iyo aamusnaan badan inta la xasuusto sidaas waxaa soo tabiyey (Sun Sport England)
Higuain ayaa waxa uu ku dhashay 10.12.1987 Magaalada Brest ee dalka France oo uu ku soo bar baaray ilaa yaraan tiisii. Dhirirka Higuain waa 184 cm, Culeeyskiisana waa 75 kg.
Gonzalo Higuain ayaa intaas ka dib u wareegay dalkiisa hooyo ee Argentina.
Higuain ayaa waxaa loo qiray inuusan aheeyn weeraryahanada qiyaanada iyo qeeylada badan mana la arko inta badan isaga oo hadlaya ama Ciyaartooy kale is heeystaan.
Cristiano Ronalado oo Gonzalo Higuain Real Madrid iskala ciyaaraan ayaa yiri isaga oo wargeyska Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska u warameyey sidan: (Ma aanan arag Ciyaaryahan la mid ah ama sida Gonzalo Higuain u aqlaaq iyo aamusnaan badan.... marka aan tababarka ka soo laabano ama aan habeenkii Qeeylo & buuq ku caweeyneyno waxa uu Higuain si xushmad iyo aamusnaan ku jirto u galaa Qolkiisa 41-aad taas ayaana u sabab ah in dhamaan kooxda Real Madrid u bixiyaan Mr. Shibane)
Cristiano Ronaldo oo la weey diiyey bal in isaga qudhiisa uu sidaas oo kale yahay ayaa waxa uu ku Jawaabay isaga oo qoslaya: Waa loo dhashaa Edebta & Degnaanta ee kuma timaado Sahal iyo iska keen keen.