Morinho oo lagu eedeyey inuu Steven Gerrard Telfoon Raaxada uga qaaday & Taagerayasha Liverpool oo badalay Magaca Morinho( Halkaan ka daawo Taariikhda Laacib Steven Gerrard)
Macalinka cusub ee Real Madrid Jose Morinho oo lagu yaqaan Ciyaartooy Shukaansi ama inuu Ciyaartooyda kuwooda Laacibiinta ah u balan qaado boos wanaagsan oo eey Dunida kaalinta 1-aad ka geli karaan ayaa waxa eedeyn kulul uga timid Naadiga Fc Liverpool iyo maamulka ugu sareeyo kooxdaas.
Morinho ayaa waxaa lagu helay Saakay sida uu Sky Sport ka soo xigtay Macalinka cusub ee kooxda Liverpool Roy Hodgson in marar badan uu Telfoon ku soo wacay Xiddiga eey Fc Liverpool ku dhaarato ee Steven Gerrard.
Cod uu Jaaridka Liverpool ka qaaday Taageerayasha fc Liverpool ayaa waxaa u codeeysay inuu Gerrard Joogo 98% halka 2% eey ka aamustay taas oo la yaab ku noqotay Shacabkav Ingiriiska oo la yaabay sida Steven Gerrard Taageero sidaas u baxaad weeyn uga helay dhamaan Magaalooyinka England.
Taageero midaan la mid ah ayaa waxaa Sanadkii 1998 helay David Beckham oo xiligaas u ciyaarayey kooxda Man Utd waxaana uu helay 88% .
Steven Gerrard ayaa inta badan dalka Ingiriiska waxaa looga yaqaan (Shabeelka dhexda) taas oo eey ula jeedaan in aan si fudud Kubada looga qaadan karin marka uu Qaranka England iyo Kooxda Liverpool dhexda u taagan yahay.
Hadaba Taageerayasha Kooxda Liverpool ayaa Maanta soo bandhigay Boorar eey ku badaleen Magaca Morinho, waxaana eey ka dhigeen sidan: Jose Crazy Heart.