George Weah " Xulka Ghana waa Xariifiin, Maali waxeey ka xiraan ama Hawada ka qariyaan Xiddiga Fc Barcelona Seydou Keita ka dibna Maali waxeey noqotaa Gaari Taayarada laga Banjariyay " (By : Canal Plus & Wararkii ugu dambeeyay ee Koobka Qaramada Africa Halkaan ka Daawo)
(African Cup of Nations) Caasimada Accra ee dalka Ghana iyo Bamako oo ah magaalo madaxda dalka Maali waxaa weli ka socda Dabaaldegyo loo sameenayo Xulalka Qaranka labadaas dal oo soo caga dhigtay Semafinaalka afarta dal ee ugu dambeeysa koobka Qaramada Africa.
Dalka Ghana waxeey 2-1 ku soo reebeen Xulka Qaranka Tunisia waxaana labada Gool u kala saxiixay Laacibiinta kala ah John Mensah Daqiiqadii 10-aad iyo Xiddiga bilahaan dambe cel celiska noqday waa Andre Ayew Daqiiqadii 101-aad. Goolka Qaranka Tunisia waxaa u saxiixay Ciyaaryahan Saber Khalifa Daqiiqadii 42-aad. Halkaan ka Daawo Ghana Vs Tunisia oo isku Jilbo murxay >>> http://www.youtube.com/watch?v=j4lFbYddtO0 .
Dalka Maali waxeey Nasiib iyo Rigooreyaal ku soo dhaafeen xulka Gaboon oo xili Ciyaareedkaan aad u adkaa maadaama dalkooda Hooyo lagu qabanayey Koobka Qaramada Africa. Gaboon Vs Maali oo 1-1 isla dhaafi waayey xiligii Ciyaarta loogu tala galay ayaa waxaa Rigooreyaal loo dhigay 4-5 ku soo baxday Maali. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=8Srq9Vo9nyc .
Maalinta Arbacda ah ayaa waxaa lagu wadaa in afarta dal ee iskugu soo hartay koobka Qaramada Africa qaabkaan ku kala baxaan : Ghana Vs Sambia saacadu markeey tahay 17 .00 Galabnimo iyo Ivory Coast Vs Maali Saacadu markeey tahay 20.00 Fiidnimo.
Xiddigii hore ee Qaranka Liiberia iyo kooxda Ac Milan George Tawlon Manneh Oppong Ousman Weah waxa uu sheegay isaga oo CanalPlus u waramayey in shaqsi ahaan uu qaba ineey koobka Qaramada Africa sanadkaan qaadi doonto Ivory Coast oo uu ku sheegay Qaran run ahaantii dhinac kasta ka dhisan.
George Weah ayaa carabka ku dhuftay Lacala hadii ay Maali soo baxdo in Koobka Africa sanadkaan loo Caleemo saari doono xulka Ghana oo uu ku sheegay is aragii hore inay 3 Ciyaaryahan daba dhigeen Laacibka Fc Barcelona Seydou Keita taas oo sababtay in xulka Maali uu noqdo Gaari Taayarada laga banjariyay maadaama Xiddigii ay ku tashanayeen gebi ahaanba loo diiday inuu Kubada taabto (Ghana Vs Maali 2-0). George Weah wuxuu leeyahay Ivory Coast Taariikh ahaan weey ka adag tahay Xulka Ghana oo hadii ay iskugu soo haraan Fiinaalaha Koobka Qaarada Africa labada dal ee kala ah Ghana iyo Ivory Coast waxaa Koobka la hoyan doonto ivory Coast ayuu yiri Qabiirkii hore ee kooxda Ac Milan iyo Qaranka Liberia George Tawlon Manneh Oppong Ousman Weah.