 |
|
 |
Gattuso8 |
 |

La Yaab : Caalamka oo La Yaaban Dhaqan Xumada Ivan Gennaro Gattuso * Maxaad kala socotaa Cida soo korisay iyo halka uu kala yimid Ceejadaan Faraha badan? * Ma ogtahay inuu Ciyaartooy badan oo Caan ah inta Taariikhda la ogyahay uu Dhulka la Simay? Ma la socotaa in hal Ciyaaryahan oo kaliyah uu Gattuso la Kaftami karo? (Halkaan ka Daawo Wariyaashii Caalamka oo ka Cuudibileeystay Gattuso !) Barnaamishka La Yaab Sport oo aad uga barateen inuu idiin soo bandhigo Wararkii ugu dambeeyey ee ugu xiisaha & hadal heeynta badnaa caalamka ayaanu maanta waxaan idinkugu heeynaa Xog iyo War bixin dheer oo uu soo Aruuriyey Jaraaidka loogu Aqriska badan yahay dalka Talyaaniga dhanka Sportiga waa La Gazzetta dello Sport . La Gazzetta dello Sport ayaa war bixintaan waxa uu ka qoray Xiddiga Qaranka Talyaaniga & Kooxda Ac Milan Ivan Gennaro Gattuso oo Bilihii ugu dambeeyey eey sii badanayeen Fadeexooyin iyo Ganaaxyo is daba joog ah oo uu ka muteeysay Xiriirka kubada cagta ee dalka Talyaaniga iyo kan Qaarada Yurub ee Uefa. War Bixintii uu soo Aruuriyey La Gazzetta dello Sport oo Tarjuman ayaa wexeey u dhacday sidan hoos ku qoran : Ivan Gennaro Gattuso waxa uu dhasay 09.01.1978 wuxuuna ku dhashay magaalada Corigliano Schiavonea oo ka tirsan dalka Talyaaniga. Gennaro Gattuso Dhirirkiisa waa 177 cm Culaabta miisaankiisa waa 77 kg. Booska uu ka ciyaaro Gennaro Gattuso waa Dhexda. Lugta uu wax ku ciqaabo waa Midigta. Xaaskiisa waxaa lagu maga caabaa Monica Gattuso, wexeey u dhashay Gabar aad ugu eg waxaana Gabadhiisa lagu magacaabaa Gabriela. Ivan Gennaro Gattuso waxaa soo korsaday Abtigiis Hooyadiis la dhashay oo la haa (A Private Company Limited) waa Shirkad Qaas loo leeyahay oo dhoor Caga Cagaf leheed kuwaas oo inta badan ka shaqeen jiray Xaaqista Barafka xira ama joojiya isku socodka Carwooyinka iyo Dukaamada Dharka. Neenaastii ama Magacii uu caanka ku aha Abtiga Gennaro Gattuso waa ("Rino" ) waxaana magacaas ilaa iyo hada loogu yeeraa Gattuso. Abtiga soo korsaday Gennaro Gattuso waxa uu ahaa Nin aad u Xanaaq badan wuxuuna ku darsaday Qeeylo saaid ah, inta badan Gattuso oo aad u da´yar ayuu waxa uu u diri jiray inuu meelo fog fog Baraf wax ka soo xaaqo iyada oo Qaboow xun uu jiro wuxuuna ku dari jiray Rag Gattuso aad uga waa weeyn. La Gazzetta dello Sport waxa uu leeyahay: Ceejooyinka, Sabar la´aanta qiyaanooyinka iyo Dulqaad yarida Ivan Gennaro Gattuso waxaa ugu waa weeynaa ama ugu caansanaa kuwaan : Ciyaartooyda uu daan daansado ama Jilaafo Garoomada dhexdooda qaar badan oo aan dhibaatada Jecleeyn inta eey fiiriyaan ayeey ka dhaqaaqaan , qaar ka mid ah Ciyaartooyda aan inta badan adkeeysan karin marka uu Gennaro Gattuso Qalo ama Lugaha iskugu xaabiyo wexeey ka daba qaataan buuq iyo Aflagaado fara badan. Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic intii uusan horaantii xili ciyaareedkaan ku soo biirin kooxda Ac Milan wuxuu Ivan Gennaro Gattuso wareeysi uu siiyey Rai-2 ku sheegay in uu aad u neceb yahay Ciyaartooyda isku dhejisa Kubada oo uu ku sheegay ineey kala yihiin Cristiano Ronaldo - Lionel Messi iyo Zlatan Ibrahimovic wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey Kalmad la la yaabay oo eheed sidan " Hooyadood miyaa kubada u dhashay markeey xiliyada qaar isku dhajinayaan !! " Ceejooyinkii uu inta badan Garoomada dhexdooda ku dhex ceejiyey Ciyaartooyda iyo Tababarayaasha ayaa waxaa ugu caansaneed Ceejadii uu la beegsaday Ex-Macalinkiisii hore ee Qaranka (Azzurra) Italy Marcello Romeo Lippi . Marcello Lippi ayaa xiligaas yiri Fadeexadaas ka dib sidan " Gacan fudeedka Gattuso ha ogaado in uu aad u Nasiib badan yahay maadaama uu ku nool yahay Italy oo nabad iyo kala danbeeyn eey ka jirto balse hadii uu ku noolaan lahaa dal eey dhibaatooyin & Qalalaase ka jiraan wuxuu waayi lahaa oo aan dib ugu soo laaban Laheeyn Gacantaan uu ula bartay inuu Dadka ku ceejiyo xiliyada Runta iyo Qaladaadkiisa loo sheego. Gennaro Gattuso oo inta badan hadalada Kaftanka ah u qaato kuwo isaga lagu duqeenaayo ayaa Sanadkii la soo dhaafay ee 2010-ka waxa uu Baraf nuuca Ice-ka ah ee la saaro Murqaha Ciyaartooyda dhaawaca ah Madaxa kala dhacay Weeraryahanka Qaranka Holland Klaas-Jan Huntelaar oo hadal Kaftan ah ku Yiri Gattuso. 1998-dii Gattuso waxa uu Xaflad weeyn oo ka dhacday Magaalada Milano korka uga shubay Cabitaanka Coca Colada Weeraryahankii hore ee kooxda Ac Milan & Qaranka Talyaaniga Alberto Gilardino oo xiligaas si kaftan hoose ah ugu Yiri Gattuso Sidan " Xaaskaaga Monica waa Dolce/Dolshe " ! . Ciyaartooyda uu Ivan Gennaro Gattuso inta Taariikhda la ogyahay Dhaawacay ee Garoomada dartiis looga saaray ayaa wexeey kala yihiin Sidan : Gianluca Zambrotta xiligii uu Juventus u ciyaari jiray, Dejan Stankovic Inter Milan, Hernan Jorge Crespo xiligii uu Inter u ciyaari jiray, Christian Paulsen xiligii uu Juventus u ciyaari jiray, Daniele De Rossi As Roma , Xavier Hernandez Creus Fc Barcelona, Raul Gonzalez Blanco xiligii uu Real Madrid u ciyaari jiray iyo Xabi Alonso xiligii uu Fc Liverpool u safan jiray, waxaana halkaan lagu soo koobi karin Ciyaartooyda Faraha badan ee uu Gennaro Gattuso xerada Tababarka ee kooxdiisa ku qalay ama Ciyaartooy kale oo Qaramada dalal kale u safto oo uu Gattuso Jooga ka riday una diray ineey Mudo isbuucyaal ah dhaawac dartiis kooxohooda uga maqnaadaan. Xiddiga kaliyah ee iska dhiciyey dhoor jeer iskana waabiyey Gennaro Gattuso waa Difaaca Qaranka Georgia Kakha Kaladze oo heeysta Shahaadada Milatraynimo ee Ciidamadii Midowgii Sovieti waxaana Xiriiriye.com ku soo bandhignay Sanadkii 2010-kii biloowgiisii cadeeymaha & War bixinta Kakha Kaladze inuu yahay Laacib Tababar Ciidanimo heeysta. Ivan Gennaro Gattuso Laacibka kaliyah ee uusan ka xanaaqin oo inta badana ku dheel dheelo iyaga oo aan xiligii hore isku koox aheeyn waa Weeraryahanka Qaranka Talyaaniga iyo Kooxda Ac Milan Antonio Cassano oo si La yaab leh eey u jeclaatay Rooxaanta Gattuso nacsiisay umadaha & Ciyaartooyda kale : Halkaan ka Daawo Antonio Cassano oo Gattuso ku dheel dheelaya xili Qaranka Azzura ee Talyaaniga Dhamaantood Heeso qaadayeen >>> http://www.youtube.com/watch?v=Djt4DMyHZrM&feature=player_embedded#! Barnaamishka La Yaab Sport oo idiin soo aruuriya Waxyaalaha Taariikhda iyo Xasaasiyada Sport xambaar ayaa ugu dambeentii waxa uu halkaan idiinkugu hayaa Ivan Gennaro Gattuso oo Kalkaaliyaha Tababaraha kooxda Tottenham Joe Jordan Gacan ka hadal ula tagay iyo Wariyihii Luuqada Carabiga ciyaarta ku soo Tabinayey oo ka bixi waayey (Mush Macquul, Wallahi Ceeb Caleek Yaa Gattuso Laa Caadi) >>> http://www.youtube.com/watch?v=zQ6jH8alhus. Ceebta ugu weeyn ee Gennaro Gattuso qabsatay loogana quustay mustaqbalkiisa Sport ayaa waxa uu yahay Shaqsiga uu kala tuuraayo ee uu awooda u sheeganaayo waa Mr Joe Jordan oo ah nin Waayeel ah oo weliba inta badan si weeyn u degan. Gennaro Gattuso ayaa Caalamka waxa uu ku leeyahay Magacyo aad u xun xun oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Ugu dambeentii xiriirka Kubada cagta ee Uefa ayaa Dhaqan xumada Ivan Gennaro Gattuso markii eey u bogi waayeen wexeey ganaaxeen oo ciyaaraha ka fadhiisiyeen 4-kulan oo xiriir ah wuxuuna si toos ah uga maqnaan doonaa Kulanka muhiimka ah ee Champions League oo Tottenham Vs Ac Milan Magaalada London ku dhex mari doona 9-ka bisha Maarso. Filo Dhawaan Warar Sport oo Top News ah halka Qaar eey ku socoto Tarjumis wadata Maqalo & Muuqaalo kala duwan. Waxaan kaloo bahda www.xiriiriye.com ku xiran u diyaarinay Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport oo Maanta xambaarsan >> Maxaad ka taqaan 10-ka kooxood ee isku magaalada ka dhisan Ifkana iskugu neceb? Maxaad kala socoto Qaramada dalal Awood ku leh Maslaxa kubada cagta oo si aad ah isku neceb? Weli ma daawatay Labo koox oo caan ah si weeyna isku neceb oo hal kulan oo eey dheeleen 9-Rooso la baxshay?? La Yaaaab ! Coming Soon ! Sidoo kale Faadeexada Sawirada Gattuso ka bogo koor dhaw iyaga oo saaran afka hore ee www.xiriiriye.com !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|