Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay tartankii 18-aad ee k/cagta gobolada Soomaaliya
kadib markii uu 1-0 kaga badiyay gobolka Bari ciyaartii finalaha aheyd oo ay galabtay ku
wada ciyaareen garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe.
Goolka Banaadir ay ku badisay oo dhashay qeybtii hore ee ciyaarta bilowgeedii hore gar
ahaan daqiiqadii 4aad ee ciyaarta waxaa u dhaliyay Ali Maxamed Aaboow oo number-ka
9aad uga ciyaara.Banaadir oo galabtay ku guuleystay koobkii 18aad ee k/cagta gobolada
Soomaaliya ayaa wuxuu u noqonayaa koobkaan kii 3aad oo ay taariikhdeeda ku
guuleysto marka laga yimaado 2 mar oo ay horey ugu guuleysto xilligii dowladii dhexe
ee Soomaaliya.Gobolka Bari wuxuuu lumiyay fursad uu ku qaadan lahaa koobkii 2aad ee
k/cagta gobolada Soomaaliya, maadaama koobkiisii ugu horeeyay uu qaatay sanadkii
2000 xilligaasoo ay koobka ka soo qeybgaleen 8 gobol oo kaliyaha waxaana xilligaasi
koobkaasi lagu qabtay Markii ciyaarto dhamaatay waxaa la bixiyay abaalmarino aad u
fara badan oo la kala siiyay kooxihii tartanka ka soo qeybgalaya iyo warbaahintii tartanka
sida gaarka ah u tabineysay.
Banaadir oo koobka ku guuleystay waxaa la siiyay koobkii, 20 biladood oo dahab ah iyo
60 million oo shillion Soomaali ah.
Bari oo koobka kaalinta 2aad ka gashay waxaa la siiyay 20 biladood oo qalin ah iyo 40
million oo shillion Soomaali ah.
Nugaal oo kaalinta 3aad tartanka ka gashay waxaa la siiyay 20 biladood oo maar ah iyo 20
million oo shillin SoomGobolkii ugu akhlaaqda fiicnaa waxaa loo doortay gobolka Bakool
oo ka mid ahaa 15-kii gobol ee tartaka ka soo qeybgalaya.aali ah.
Ciyaaryahankii tartanka ugu fiicnaa waxaa loo doortay Maxamed Xuseen Jaamac oo
gobolka Nugaal khadka dhexe ugu ciyaarayay Sida ku qoran taariikhda xiriirka k/cagta
Soomaaliya koobkaan waxaa la qabtay 18 mar waxaana loo kala qaaday koobkaan sidan hoos ku qoran .
8- Mar waxaa ku guuleystay gobola Jubbadda Hoose.
3- Mar waxaa ku guuleystay gobolka Shabeelaha dhexe.
3- Mar waxaa sidoo kale qaadatay gobolka Banaadir.
2- Mar waxaa qaatay gobolka Shabeelaha Hoose.
1- Mar waxaa waxaa la hoyaaday gobolka waqooyi galbeed.
1- Waxaa sidoo kale ku guuleytay gobolka Bari
GAROWE PUNTLAND SOMALI.
Waxaa xusid mudan in Ciyaartooydii ka soo qeeyb gashay koobkaan lagu arkay Fir fircooni dheeri ah iyo Awood dhanka ciyaarta kubada cagta ah . Waxaana farta lagu fiiqay in qaar ka mid ah ciyaaryahanadaan eey mustaqbal weeyn ku leeyihiin ciyaaraha kubada cagta.
Waxaa diyaariyey oo isku soo duba riday Wariye:
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia