La Yaab : Riyadii Samuel Eto'o oo Rumooday, Wiilkiisa oo Mucjisadii Aabihiis la soo baxay iyo mid ka sii xooganba, Wiilka Eto'o waa Lambarka 9-aad & weerar Noobe Buuxa ah, Wiilka Samuel Eto'o isaga oo aad u da´yar ayuu Mushaar xoogan waxa uu ka qaataa Shirkada Fashion-ka Dharka ee Milan's Dolce & Gabana !! ( War Bixin La Yaab Xambaarsan)
Barnaamishka Taxanaha ah ee La ! Yaab kana soo baxa Maalin walba www.xiriiriye.com waxa uu Dhegta soo qabtaa Banaankana soo dhigaa Qisooyinka Muhiimka ah ee inta badan ka Qarsoon Bahda Dhiigooda uu ku shaqeeyo Ciyaarta Kubada Cagta ee ku xiran Xiriiriye.com .
La Yaab Maanta waxa uu idiin hayaa Riyadii Laacib Samuel Eto'o oo u Rumoowday. Waa maxay sababtu? Samuel Eto'o ilaa xiligii uu u ciyaari jiray kooxda RCD Mallorca waxa uu inta badan wareesiyada ku sheegi jiray in maanta maalin aan aheeyn Wiilkiisa uu kala wareegi doono Magaca & Lambarka caanka ah ee Eto'o 9 .
Samuel Eto'o ayaa waqtigiisa waxa uu inta badan ku dhumiyey Tababarida Wiilkiisa iyo kor u qaadista Aqoontiisa Sport ama Weeraryahanimo. Laacib Samuel Eto'o waa Aabe leh 3-Caruur ah oo lagu kala magacaabo Etienne, Maelle, iyo Siena waxaana xaaskiisa oo qof aad u dhirir badan ah lagu magacaabaa Georgette.
Wiilka Samuel Eto'o ayaa Saxaafada Sportiga wexeey ku magacaabaan sidan (Next Eto'o ama small Eto'o) Wuxuu xili walba Aabihiis la qataa Tababar adag laga soo bilaabo ilaa kooxda Mallorca ee horyaalka Spain , Fc Barcelona iyo Inter Milan oo hada Aabihiis uu u ciyaaro. Wiilkaan oo Xirto Lambarka 9-aad iyo Magaca Eto'o ee Aabihiis ayaa waxa uu la soo baxay Darbooyin mucjiso ah oo ka Yaabsaday dhamaan Bahda ciyaaraha Kubada cagta xiiseeya gaar ahaan intii Daawaneeysay Xayeeysiintiisa.
Darbooyinka Wiilkaan yar uu wax ku Aqseeyo ayaa ah nuuca eey Soomaalida u taqaan Cadaabta waxaana intaas u sii dheer Oradka badan iyo Qosol aad u fara badan oo uu dabcan ka dhaxlay ama ka keenay Aabihiis Eto'o Weyne.
Mucjisada ugu weeyn ee Caalamka oo idil ka Yaabsatay ayaa ah Wiilkaan yar waxa uu faaniyaa ama Xayeeysiiyaa Dharka Shirkada caanka ah ee Dunida oo Idil Xarumaha ku leh waa the top Models Dolce & Gabana oo laga soo daayo dhamaan inta badan International TV channel .
Wuxuu kaloo xayeeysiiyaa Eto'o-ha yar Fashion Week Recap Dress Italian Style iyo weliba Shukulaatooyinka Caruurta ee lagu cuno ama lagu dhex gado Shineemooyinka (One of the latest belle) Wiilkaan yar ee Happy-ga ah laguna maga caabay Mr. Next Eto'o ayaa dhawaan lagu wadaa inuu gaaro ilaa heerka Xayeeysiinta waa weeyn ee Top Model Goes Italian and High Fashion.
Ka Bogo Goor dhaw Xiriiriye .com Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News oo xiligaan eey ku socdaan Qoraalo kala duwan .