La Yaab : Francesco Totti oo Dilaa Khatar ah isku badalay iyo Xiriiriye oo helay sababta Totti uu Mustaqbalkiisa Xanaaq fara badan uga doortay (Halkaan ka Daawo Totti oo Dagaalyahan isku badalay Cidii kubada la raacdana ceejo ugu badalaayo). La Yaab Waa
La Yaab . Barnaamishkaan La Yaab oo Bulsho badan eey ku xirantahay waxa uu raadiyaa oo ugaarsadaa Mucjisooyinka cusub ee ka dhaca Garoomada Caalamiga ah ee Kubada Cagta.
Xiddiga caanka ah ee dalka Talyaaniga iyo kooxda AS Roma oo isku badalay Dagaal yahan caan ah oo marka uu garoomada soo galo isbuuc kasta ugu yaraan Jalle am Rosso muteeysto hadii eey intaas ku yaraatana wuxuu la hoydaa Ganaax maalmo badan qaata.
Fadeexadii ugu dambeeysay ayuu Mr Totti sameeyey ciyaartii eey isbuucaan kooxda Roma 2 & 0 ku suul daartay kooxda Lecce isaga oo la dagaalay Ciyaaryahanka kooxda Lecce Olivera ka dibna labadoodaba loo taagay Kaarka Cas.
Intaas kuma uusan harin laacib Totti oo waxa uu bursaday iskuna dayey inuu Ceejiyo ciyaaryahan Olivera oo uu Rosso ku qaatay in kastoo labada ciyaaryahanba garoonka laga wada saaray. Halkaan ka Daawo Qaabka uu Totti ku doonaayey isbuucaan inuu Olivera Ceejo nafta uga siibo balse nasiib wanaag waxaa iskugu tagay oo qab qabtay gudiga Amniga ee Garoonka waxaa kaloo Video-ga ku arki doontaan xaaskiisa oo ceeb darteed afka qabsatay
La Yaab >>
http://www.youtube.com/watch?v=rXCGsP2gRc4.
Wargeeyska caanka ah ee La gazzetta dello sport oo warbixin dheer shalay ka qoray Mucjisooyinkaan uu la soo baxay Francesco Totti ayaa ku sheegay ineey ugu wacan tahay Shaki la´aan xanaaqii (Nervos) uu ka qaaday dhoor bil ka hor markii eey xaaskiisa Stefano Totti kala tagtay wiilkiisa yar ee lagu magacaabo Andrea mar eey is qilaafeen in kastoo Maxkamad eey mareen ka dib hadana ka heshiiyey buuqaas.
Francesco Totti ayaa dhoor jeer sheegay inuu Nafsadiisa ka jecel yahay wiilka yar ee uu dhalay (Andrea) wuxuuna ciyaaraha Tababarka kooxda Roma ka maqnaa dhamaan isbuucyadii eey Stefano Totti kala dhuumatay wiilkiisa yar.
Ciyaartii lala yaabay ee Francesco Totti weerar ebid kii ugu kululaa ee ciyaaryahan lagu qaado ayuu waxa uu la beegsaday Xiddiga asalkiisa yahay dalka Ghana balse hada u ciyaaro Talyaaniga iyo kooxda Man City ee horyaalka Ingiriiska Mario Balotelli : Halkaan ka Daawo >>
http://www.youtube.com/watch?v=Yp1EPvZi1S0.
Ciyaaryahan Francesco Totti ayaa waxa uu caalamka ku lahaa Taageero badan balse waxa iska cad in Taageeradii loo hayey eey sii yaraaneeyso maadama dadka ciyaaraha ama Ciyaaryahanada Taageera eeysan intooda badan u baran Dharbaaxyada iyo Isceejinta garoomada dhexdooda ah hadii eey taas doonayaane waxa eey u hayaamaan oo eey ka soo daawadaan Filimaanta Jean-Claude Van Damme & Jackie Chan.
Dhibaatada ugu weeyn ee heesata laacib Francesco Totti ayaa ah dhanka Taageerada ee Talyaaniga dhexdiisa oo eey si weeyn ugu tartamaan Xiddiga kooxda Juventus Alessandro Del Piero oo Saxaafada Sportiga ee Caalamka ku sifeeyeen Ciyaaryahan aad u degan oo mararka eey ciyaartooyda is haraantiyaan ka dhex dhuunta si eeysan Kaamerada & Sawirada Joornaalistayaasha fadeexo uga qorin.
Ogeeysiin: Waxaa si weeyn u socda Tirada Jawaabta Hal Xiraalaha ku saabsan Ciyaaryahankii Kelida laga badalay ee hada ku ciyaaro Keli uusan laheyn , waxaana Khabiiradii Sport ku soo biiray Akhristeyaal kale oo soo saxay su´aashaas . Haduu alle raali ka noqdo beri ayaanu soo bandhigeeynaa jawaabta hal xiraalaha oo isbuucaan eheed mid aad kulul oo weliba la isku mari waayey maadama rag badan oo Sportiga ku faani jiray eey daaqada ka baxeen.
Filo goor dhaw Faaqidaada The Uefa Champions League iyo Warar kale oo aad u xiiso badan sida Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport !!! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com