Hadaad yaabto Yaasiinka Xiriiriye & Mucjisooyinka Caalamka :Qisadii ugu hadal heeyta badneed Caalamka oo noqotay Wiil u dhashay Jamuuriyada Kosova oo Ciidamo Mareykan ah ku laayey dalka Jarmalka & Sababta uu u dilay oo noqotay arin Maxkamadii Dambiga qaadeeysay ka yaabisay (Halkaan ka Daawo)
" Dambigeeyga waan qiranayaa waa sax inaan Laayey Ciidamadaan Mareeykanka ah ee ku sugnaa dalka Germany balse sababta aan ku laayey ayaa ah Ciidamo kale oo Mareeykan ah kuna sugan dalka Afghanistaan ayaa kufsaday ama xoog u isticmaalay Haweenn Islaam ah sidaas ayaana ugu aargudayey Walaalahaas la dhibaateeyey ayuu Maxkamada Dambi qaadista ugu sareeysa dalka Jarmalka ka hor yiri Arid oo 21 jir ah una dhashay Jamuuriyada dhawaan xornimada qaadatay ee Kosovo.
Qooyska dhalay Arid wexeey ku sugnaayeen dalka Germany mudo 40 sano ah wexeeyna ku doodeen oo Maxkamada horteeda ka sheegeen in Wiilkooda Maskaxda laga cunay oo dhalinyaro ka soo jeeda dalka Afganistaan Quraafaad ugu sheekeeyeen xili uu maalin kasta kula kulmi jiray Masaajid ku yaala Magaalada Frankfurt.
Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa bishii Maarso ee Sanadkaan waxa uu mar quraa Weerar ku qaaday Ciidamo Mareeykan ah oo ka soo dagayey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka wuxuuna isla goobtaas ku toogtay labo ka mid ah Ciidamadaas halka qaar kale uu dhaawac culus ugu geeystay.
Dhaqtarkii iyo Garsoorihii wiilkaan yar Difaacayey ayaa kiiskaan ku guul dareeystay wexeeyna Maxkamada hor keeneen in Wiilkaan dhalinyarada ah Maskaxda laga badalay oo xiligii uu ficilkaan sameenayey uu ahaa Shaqsi eeysan Maskaxdiisa fadhin ama la badalay .
Ugu dambeeytii Maxkamadii qaaday Kiiska dacwadaan oo diiday in Wiilkaan lagu wareejiyo Maxkamadaha dalka Mareeykanka oo aad u doon doonayey ayaa wexeey u jartay Xabsi daain gudaha dalka Jarmalka ah maadaama uu dambiga ka geeystay gudaha dalka Germany.
*** Qaddafi & Wiilkiisa Saif al-Islam oo Shacabka Liibiya Hanjabaad iyo Faan raaxada uga qaaday.(Halkaan ka Daawo Cajalkii ugu dambeeyey oo eey magaalo Xeebeed caan ah ku sheegteen ).
Mucamar al Qaddafi oo ah Ex-Madaxweeynihii talada dalka Liibiya xooga looga tuuray iyo Wiilkiisa xukun doonka ah ee lagu magacaabo Mr.Saif al-Islam ayaa wexeey noqdeen 2-shaqsi oo shaqo ka dhigtay Isbuucii 3 jeer ineey Cajal aqbaar ah soo diraan.
Qaddafi iyo willkiisa lagama waayo Magaalo hebel ayaan qabsan doonaa iyo waan soo socnaa wexeeyna hada ku sheegteen Cajalkii ugu dambeeyey in Magaalada Sirte oo kaliyah eeysan ku sugneen balse eey gacanta ku hayaan Magaalo xeebeedka caanka ah ee lagu magacaabo Bani Walid oo Magaalada Tripoli u jirta 150 Km.
Magaalada Bani Walid oo eey ku xoogan yihiin Qabaailka Madixii Sirdoonka dalka Liibiya ninka lagu magacaabo Abdullah al-Senussi oo qaba gaba Mr.Qaddafi ayaa waxaa la xaqiijiyey ineey iyana isku aruursadeen Ciidamo Taageersan Xoogaga Qaddafi kuwaas oo ku go´doonsanaa maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Sirte oo ah halkii uu ku dhashay Mucamar Al Qaddafi.
Mucaaradka oo laga joojiyey ineey Dagaal qaadaan ka dib markii waqti cayiman loo qabtay ineey isku soo dhiibaan Ciidamada Qaddafi ee ku harsan Sirte & Bani Walid ayaa waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda gaar ahaan wixii maalinta Sabtida ah ka dambeeya in lagu kala baxo Gacan ku heeyta Sirte & Bani Walid.