 |
|
 |
frank |
 |

La Yaab : Ciyaaryahan Frank Lampard, Laacib Naxariis badan oo Xayawaanaadka ineey si Wanaagsan u Noolaadaan ku bixiyo Bil kasta Malaayiin Euro. Wareysi Sport Tv .( Halkaan ka Daawo Wacdarihiisa oo Party 1, 2, 3, 4, & 5 ah oo aan idinkaga diyaarinay) Sida aad nooga barateen mudo aad u fog oo aad si weeyn ula socotaan Barnaamishka Maalinlaha ah ee La Yaab oo ka soo baxa www.xiriiriye.com kaas oo aanu Qalinka ama raadintiisa marnaba ka daalin maadaama wax yaabo badan oo La Yaab ah eey sameeyaan Ciyaartooyda kubada Cagta kuwooda ugu caansan Caalamka oo marba aanu mid mid u ugaarsano inaga oo ka raadineeyno bal waxa uu uga duwan yahay Ciyaaryahanada kale. Hadaba Akhristoow waxa eey Indhaha caalamka halmar wada qabteen Wareeysi La Yaab badnaa oo uu Tv-ga Caanka ah ee Sport ESPN oo laga leeyahay Dalka Mareykanka uu la yeeshey Xiddiga Qaranka England iyo Kooxda Fc Chelsea ee Horyaalka Ingiriiska Frank Lampard, Barnaamisha Maalinlaha ah ee wareysiga Laacib frank Lampard suurto geliyey ayaa waxyaa lagu magacaabaa News/TODAY/ESPN/Player. Laacib Lampard Magaciiso oo buuxo waa sidan: Frank James Lampard(Jr) . Waxaa uu dhashay 20-kii Juun 1978, waxa uu ku dhashay Ramford London. Dhirirkiisu waa 184 cm. 1994 ilaa 1995 waxa uu u soo Ciyaaray Kooxda West Ham Utd. 1995 ilaa 1996 waxa uu u soo ciyaaray Naadiga Swansea. 1996 ilaa 2001 waxa uu ku soo laabtay oo uu u Ciyaarayey Kooxda West Ham Utd oo uu xilagaas u saftay 148 kulan waxaana uu u saxiixay 24-Gool. Fc Chelsea oo soo xero gelisay 2001 ayaa waxa uu Frank Lampard u saftay 322-kulan waxaana uu shabaqa ugu hubsaday oo uu dhaliyey 106-Gool. Qaranka England waxaa lagu soo daray 1999-kii, wuxuuna ilaa iyo hada saftay 83-Kulan oo uu Dalkiisa Hooyo u dhaliyey 20-Gool oo qaar La Yaab badan eey ku jireen. Dhamaan Dalka Ingiriiska waxaa looga yaqaan oo lagu Naaneesaa Planishing (Burus waxa eey soomaalida u taqaan ee Musaamiirta lagu garaaco) Magacaas ayaa Laacib Frank Lampard ku dhegay isaga oo 11-Sano jir ah ka dib markii is reeb reebkii Iskuulaadka uu wacdaro ka soo dhigay isaga oo Darbooyinkiisa kulul ee aan la celin karin loogu magac daray ( Buruska wax lagu garaaco) Frank Lampard waa Ciyaaryahan aad u kaftan badan oo neceb isla weeynida waxaana weli dhicin in eey is qilaafaan Ciyaartooyda kale maxaa yeelay wuuba ka qosol siiyaa markasta Ciyaartooyda ayuu yiri Macalinka Qaranka England Fabio Capello. Frank Lampard ayey Saxaafada inta badan soo qaadataa isaga oo ka qosol siinaanayo weeraryahanka ugu xanaaqa dhaw Qaranka England Weyne Rooneey xili uu aad u xanaaqsanaa oo qofkii gacanta u taaga dharbaaxyo ka hor keenayey. Inta Taariikhda la ogyahay Frank Lampard oo Ciyaaryahan Qaranka u dheela ama Fc Chelsea u safta eey is hayaan lama arag marka laga reebo Weeraryahankii hore ee Kooxda Milan & Fc Chelsea Andre Shevchenko oo hada u Ciyaara Kooxda Dinamo kiev ayaa mar yiri : Waxaan maqlay Frank Lampard iyo John Terry oo igu xamanaayey Meesha Quubeeyska iyo Dharka la iskaga badalo ee Naadiga Chelsea , balse arinkaas ayaa waxaa Gaashaanka ku dhuftay Laacib Frank Lampard oo sheegay inuu Shevchenko Jecel yahay waxna ka sheegin ee Luuqada Englishka ayaa dhibeeyso oo waxa aan ku hadleeynay ayuu si qalad ah u fasirtay maadaama uusan Saaxiibkeey Shevchenko English fiican oo ku filan aqoonin. Arinkaas oo eey rabeen Saxaafada ineey sii buun buuniso oo ilaa heer gaarsiiso ayaa waxaa dhacday in Lampard Shevchenko oo xiligaas London ku cusbaa u wado Xaflado iyo meel alle iyo meeshii uu doono. Jose Morinho oo ah Tababare qeeylo badan oo ciyaaryahankii aan warkiisa maqalin horay Binji iyo Kursiga keeydka ku cabo ayaa dhankiisa waxa uu aad u jeclaa oo laga fujin waayey ilaa uu xitaa Naadiga Inter u wareegay laacib Frank Lampard. Muhiimada Qoraalkeena hadaanu u gudo galno Akhristoow Laacibka waxaas oo wanaag ah Jeebka ku sita ayaa hadane waxa uu ku darsaday in uu Hantidiisa ku bixiyo sidii uu u bad baadin lahaa Xayawaanaadka eey ka mid yihiin Bisadaha, Bakeelaha, Sagaarada Ariga , Doorada iwm. Frank Lampard oo ka soo hor jeestay in Warshado lagu qalo Xayawaanaad-kaan ayaa dhanka kale waxa uu u furay dhoor Baranji oo uu bil kasta ku bixiyo Lacag uu Tv-ga wareeysanayey ku sheegay 4,2-Milyan oo Euro bil kadsta waxaana uu u sameeyey Xayawaanaad kaan meelo baraago ah oo Dadkii wareysiga fiirsanayey ka yaabisay markeey arkeen Dad badan oo Lampard shaqaalo u ah oo Xayaawaanaad-kaas Bisadaha u badnaa la ciyaaraya iyaga oo in ka badan boqolaal Xayawaan Cunto u qeeybinaya. Tv-ga Sport ESPN mar uu weey diiyey sababta Xanaaneeynta Xayawaankaan ku kaliftay ayuu Frank Lampard ku jawaabay :waa Balan aan ka qaaday Hooyadeey. Akhristoow Frank Lampard oo ilmeeyey ama ooyey ayaa waxaa Xasuus inaga mudan in mudo hada laga joogo 1-sano eey Dhimatay Frank Lampard hooyadiis xiligaas oo dhoor kulan uu ka maqnaa Kooxdiisa Chelsea Tacsida u taalay darteed waxaana dhacday arin la yaab badneed soo laabashadiisa ah maxaa yeelay Galabtii uu soo laabtay ayaa waxa eey Ciyaar Live-aheed garoonkooda kula lahaayeen Kooxda Man Utd taas oo wariyihii ka faaloonayey in Lampard Tacsi gashay oo Hooyadiis dhimatay ayaa ilbiriqsi waxa uu Lampard Man Und uga dheliyey Gool macaan kaas oo Wariyihii Tacsida Lampard ka sheekeenayey uu sheekadii u badalay in Goolka uu Frank Lampard dhaliyey uu yahay mid uu Sagootin iyo Hadiyad uga dhigay Hooyadiis Maadaama uu ilmeeyey si weeyna u dabaal degin Halka Saaxiibadiisa Fc Chelsea eey kor u wada xambaareen. Ugu dambeentii Frank Lampard ayaa la weeydiiyey meesha uu Jecel yahay Xiliyada Fasaxa inuu u Dalxiiso?? waxaana uu ku jawaabay sidan: Waxaan Jeclahay inaan u Dalxiiso oo aan wada qadeeyno Nelson Mandela !! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Halkaan hoose ka Daawo wacdaraha waxa uu sameenaayo Laacib Frank Lampard oo ka kooban Party 1, 2,3,4, & 5. Filo Goor Barnaamishyo kale oo tarjumis ku socoto oo aad u xiiso badan. Party- 1 http://www.youtube.com/watch?v=MNvprWxqE_I&feature=related Party -2 http://www.youtube.com/watch?v=mChxF2UysWw Party -3 http://www.youtube.com/watch?v=lFBix69q-Gg&feature=related 4 - http://www.youtube.com/watch?v=l3mRUUeGZJA&feature=related 5- http://www.youtube.com/watch?v=QiqoB3D8KyQ&feature=related By: Omar Ali Omar Xiriiriyaha sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|