Diego Forlan oo Kaalinta 1-aad ku soo baxay Cod bixintii aan u qaadnay Goolashii Koobka Addunka ugu Qurxoonaa & Ciyaartooy kale oo codad badan helay.
Ugu horeeyntii Bahda Xiriiriye.com, Agaasimaha, Tifaatiraha & qaar kale oo badan waxa eey u mahad celinayaan dhamaan Asxaabtii iyo akhristayaashii sida weeyn uga qeeyb qaatay u codeenta sida xaqa ah ee aan loo dafiri karin ciyaartooydii dhalisay goolashii World Cup 2010 kuwii ugu wanaagsanaa.
Run ahaantii Codeen la isku mari waayey ayey eheed waxaana dhacday in khaar badan oo ka mid ah Akhristayaasha ineey dhoor E-mail nagu soo celiyeen inaga oo u fahanay ineey ahaayeen Taageerayaal jalbeeysan oo guul wax aan aheyn ku qanceen taas oo xageena aan goaan ka gaarnay waxaana E-mailadaas labada jeer na soo gaaray aan ku darnay Liiska Codadka halaabay.
Akhristoow inta aadan u gudbin Tirada Codadka uu ciyaaryahan kaste helay la soco in Cod bixin kale iyo Doorasho aad xiiso badan eey bilaabaan doonto Maalinta Arbacada haduu alle idmo. Waxaa kaloo la socotaa in Lius Nani oo Codbixintii hore ku guuleeystay aanu maanta halkaan idin kugu heeyno Wacdarihiisa iyo weliba Music aad u macaan oo uu qaaday Fanaanka weeyn ee 50 Cent kaas oo lagu habeeyey qaabka uu kubada ula qabsanaayo Laacib luis Nani waxaana balan ah inaan isbuuca dambe sidoo kale loogu sameeyn doono Laacibka hada guuleeystay ee Diego Forlan.
Laacibiinta ayaa sidan codka u kala helay
1.Diego Forlan goolka uu South Africa ka dhaliyey 362-Cod.
2.Siphiwe Tshabalala goolka uu Mexico ka dhaliyey 318-Cod.
3.Mesut Özil goolka uu Ghana ka dhaliyey 284-Cod.
4.Carlos Tevez goolka uu mexico ka dhaliyey 279-Cod.
5.David Villa goolka uu Honduros ka dhaliyey 248-Cod.
6.Fabio Quagliarella goolka uu Slovakia ka dhaliyey 231-Cod.
7.Luis Fabiano goolka uu Ivory Coast ka dhaliyey 167-Cod.
8.Van Bronckhorst goolka uu Uruguay ka dhaliyey 124-Cod.
9.Keisuke Honda goolka uu Denemark ka dhaliyey 81-Cod.
10.Diego Forlan goolka uu Ghana ka dhaliyey 44-Cod.
Marlabaad aad ayaad u mahadsantihiin intii Codkooda sida sharafta iyo Geesinimada leh u dhiibatay kuwii dhoorka E-mail soo sameeystay ee doonayey ineey cod musumaasuq ah ku qaadaan ama siiyaan ciyaartooyda eey taageersanayeen waxaan leeyahay Sportiga waa ka mamnuuc Mugdi wax ku raadis taas ayaana u sabab ah in Garoon weeyn lagu kala baxo oo aan qol mugdi ah la isla gelin.