 |
fm |
 |

La Yaab: 42 Ciyaaryahan Cod loo qaaday oo Florent Malouda uu noqday Ciyaaryahanka ugu Jaceyl Foolxun. Yaa ka mid ah Ciyaartooyda uu Bild-Sport soo bandhigay?? Jaraaidka Bild Sport oo ka mid ah Jaraaidyada loogu jecel yahay ama loogu aqris badan yahay dalka Jarmalka ayaa waxa uu qaaday cod bixin mudo Isbuuc ah socotay kaas oo uu dadka ciyaaraha jecel ku weeydiiyey su´aalo eey ka mid ahaayeen sidan: "Yaa ugu Jaceeyl Qurxoon Ciyaartooydaan ? Yaase ugu Jaceyl fool xun? Soo raaci fadlan sababta Ciyaaryahan Hebel Saaxiibtiisa ku qurxoonaatay ama ku fool xumaatay? La Yaab : Sawirada Ciyaartooyda uu soo bandhigay oo ka koobnaa 42-Ciyaaryahan ayaa waxaanu ka xusi karnaa, Antonio Cassano, Bastian Schweinsteiger, Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos, Cesc Fabrigas, Mario Gomez, Dirk Kuyt, Samuel Eto´o, Mario Balotelli, karim Benzama, Luis Nani, Theo Walcott iyo kuwo kale oo aad u fara badan. Cod bixinta ayaa dhibcihii iyo qasaaradii ugu xumeed waxa eey ku habsatay Xiddiga Qaranka France iyo kooxda Fc Chelsea Florent Malouda oo helay dhibco aad u yar wexeeyna dadka codeeyey intooda badan sabab uga dhigeen inuu Malouda ugu Jaceyl Fool xumaado iyaga oo ku sheegay in Jaceeylka Malouda eey qaab ahaan u egtahay sidii qof waalid ah oo isaga dhali karta. Akhristoow waxaa hubaal ah dadka daba dhigtay Jaceylka Florent Malouda ama Saaxiibtiisa khaaliga ah, haduu maanta maqli lahaa inuu indhaha Biyo kulul uga shubi lahaa. Qeeybta 2-aad ee Cod bixinta ayuu Jaraaidka sheegay ineey soo bixi doonto Arbacada dambe. Dhanka kale waxaa isna laga yaabaa inuu sida Malouda maalinta Arbacada ah daaqada ka baxo Emmanuel Adebayor oo dhibco aad u yar helay. !! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|