WORLD SPORT NEWS : Francesco Totti oo Iskoor Caalami ah jabiyey,* Macalin Sir Alex Ferguson oo ka naxay Ciyaaryahan Darren Fletcher oo Viruz halis ah laga helay ,* Beecii Carlos Tevez iyo Paris Saint-Germain oo fashil ku dhamaaday iyo kooxda Juventus oo weli laga badin la´yahay+Warar kalr.(Warar Top ah oo Tarjuman)
***Kaptanka kooxda As Roma ee Horyaalka Talyaaniga Francesco Totti ayaa Telefishinada Caalamka waxaa laga daawanayey isaga oo Farxad isla celin la´ka dib markii uu Iskoor Caalami ah ka jabiyey Xiddigii hore ee kooxda Ac Milan iyo Qaranka Sweden Mr.Gunnar Nordahl .Horyaaladii 1949 ilaa 1956 wuxuu Ac Milan u dhaliyey Gunnar Nordahl 210 Gool.
Francesco Totti ayaa kulankii As Roma Vs Cesena (5-1) waxa uu kooxdiisa u dhaliyey labo ka mid ah goolashaas ay ku badisay As Roma wuxuuna Kaptan Totti sidaas ku jabiyey Iskoorkii Gunnar Nordahl isaga oo guud ahaan As Roma ilaa hada u saxiixay 211 Serie A Goalsl. Halkaan ka Daawo As Roma vs Cesena http://www.youtube.com/watch?v=nP_HG8kcLjE >> (Francesco Totti hat am Samstag einen Doppelpack für AS Roma beim 5:1-Heimsieg über Cesena erzielt und damit eine alte Bestmarke im italienischen Fußball übertroffen.
Der 35-Jährige traf bereits in der ersten und achten Minute und hält nun bei 211 Serie-A-Treffern für die Römer, wodurch er den Rekord von Gunnar Nordahl brach, was die Anzahl der Meisterschaftstore für einen einzigen Verein betrifft. Der Schwede hatte von 1949 bis 1956 beim AC Milan 210 Mal seine Visitenkarte abgegeben.)<<
*** Macalinka kooxda Manchester Utd Boss Sir Alex Ferguson ayaa si weeyn uga naxay Xiddiga Qaranka Scotland iyo Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd Darren Fletcher oo laga helay Virus halis ah oo kaga dhacay dhanka Caloosha.
" Awalba waan ogaa markii aan maqlay Cudurkaan Sambabada iyo Caloosha kaga dhacay Darren Fletcher inuusan safan doonin dhamaan inta ka harsan Horyaalka Ingiriiska aad ayaana run ahaantii uga naxay ayuu yiri Macalinka United Mr Sir Alex Ferguson,,
Viruz-kaan halista ah ee laga helay Ciyaaryahan Darren Fletcher waxa uu ka soo biloowday Caloosha waxaana la sheegay ineey halis ku jiraan Sambabadiisa hadii uusan Ciyaaraha ka nasan weliba aanan laga daaweeynin. Tan iyo Bishii Novembar wax kulan ah Man Utd uma safan Ciyaaryahan Darren Fletcher oo 27 jir ah >> (Schock für Sir Alex Ferguson: Sein Landsmann Darren Fletcher wird ihm bis zum Ende der Saison wegen chronischer Darmbeschwerden nicht . «Ich erwarte nicht, dass Fletcher noch einmal zurückkehrt», sagte ManU-Trainer Alex Ferguson. «Darren wird für die restliche Saison ausfallen.
Der englische Meister Manchester United muss diese Saison ohne Darren Fletcher auskommen. Eine Krankheit zwingt den 27-jährigen Schotten, seine Karriere bis ) <<
*** Kooxda Juventus oo Hogaanka u heeysa Horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo la Ciyaaray kulankiisii 19-aad weli waa laga badin la´yahay. Juventus oo aaday Guriga kooxda Atalanta wexeey uga soo badisay 0-2 waxaana Goolashaas u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Lichtsteiner Daqiiqadii 55-aad iyo Emanuele Giaccherini Daqiiqadii 82-aad. Juventus wexeey Horyaalka Talyaaniga ku hogaamineeysaa 41-Dhibcood, Ac Milan oo ku soo xigto 37-Dhibcood ayeey leedahay inkastoo ay Milan maanta aadi doonto guriga kooxda Novara oo Horyaalka Talyaaniga dhanka ugu hooseeyso ka hogaamineeyso .>> (Rekordmeister Juventus Turin behauptete am Samstagabend in der 19. Runde die Tabellenführung. Die ?Alte Dame" kam bei Atalanta Bergamo dank Toren von Stephan Lichtsteiner (55.) und Emanuele Giaccherini (82.) zu einem 2:0-Erfolg. Mit vier Punkten Vorsprung kann Juve auch am Sonntag nicht von Verfolger Milan verdrängt werden. Der Titelverteidiger gastiert bei Schlusslicht Novara.)<<
*** Difaaca Dhirirka badan ee Qaranka Beljemka iyo kooxda Bayern Munchen Daniel van Buyten ayaa waxaa la shaaciyey dhoor Isbuuc inuu Garoomada Caalamiga ah ka maqnaan doono. Daniel van Buyten oo kooxda Bayer Munich uga ciyaara Difaaca dhexda loo yaqaan wuxuu ku dhaawacmay kulankii Galadbach Vs Fc Bayer Munich (3-1) ka dib markii ay isku dheceen Mucjisada cusub ee Qaranka Germany Marco Reus.
Ciyaaryahan Daniel van Buyten ayaa garoonka laga saaray Daqiiqadii 76-aad kulankii Galadbach Vs Bayern Munchen wuxuuna ka dhaawacmay Lugta bidix oo Qaliin deg deg ah looga sameeyn doono sida uu sheegay Dhaqtarka kooxda Fc Bayern Munichen Mr.Hans-Wilhelm Müller-Wohlfahrt. >> (Bayern München muss in den kommenden Wochen auf Innenverteidiger Daniel van Buyten verzichten. Der belgische Nationalspieler hat sich beim 1:3 am Freitagabend bei Borussia Mönchengladbach wie befürchtet einen Bruch des linken Mittelfußes zugezogen.
?Eine seriöse Prognose über die Ausfallzeit lässt sich erst nach der Operation vornehmen", sagte Bayerns Mannschaftsarzt Hans-Wilhelm Müller-Wohlfahrt.
Der Innenverteidiger, der in dieser Saison in 21 Pflichtspielen zum Einsatz gekommen war, hatte sich beim Rückrundenauftakt in einem Zweikampf mit dem Gladbacher Marco Reus unglücklich verletzt und musste in der 76. Minute ausgewechselt werden.)<<
*** Weeraryahanka Qaranka Reer Argentina iyo kooxda Manchester City Carlos Alberto Tevez waxa uu noqday Xiddig Inkaaran oo nasiib daran weliba qarka u saaran ineey Laacibnimadiisa dhunto maadaama uu iminka fasax ugu maqan yahay dalka Argentina.
Weeraryahan Tevez oo ay Ganaaxeen maamulka kooxdiisa Man City ayaa Nasiibdaradii ugu dambeeysay wexeey soo qabsatay Ninka Wakiilka ka ah ee lagu magacaabo Kia Joorabchian oo Shuruudo adag kala soo kulmay Masuulka iyo Macalinka kooxda Paris Saint-Germain waa Leonardo & Carlo Ancelotti.
Arinta ugu yaabka badan wexeey ka taagan tahay waa Macalinka Man City Roberto Mancini oo furka tuurtay ka dib markii uu yiri sidan isaga oo Saxaafada la hadlayey " Suuqii kala iibsiga Ciyaartooyda wuu soo xirmi rabaa Carlos Tevez-na is dabaalis ayuu ku jiraa iyo Dalxiis gudaha dalka Argentina ah balse waxaan u sheegayaa in uusan dib dambe ugu Safan doonin kooxda Man City ee inta uusan Mustaqbalkiisa ku Ciyaarin waa nin Ciyaaryahan ah ee ha is dhoowro,,
Warka Macalin Mancini waxaa kaaga cad Tevez inuu doonayo inuu Suuqa kala iibsiga ku dul xirmo ka dibna mar kale Man City u safto balse Baaqa uu hawada u soo mariyey Macalin Mancini ayaa waxaa loo fasirtay Bahdilkii 3-aad ee ku socdo Weeraryahan Carlos Alberto Tevez oo xanaaqiisa faraha badan uu ka riday qar dheer ka dibna ku diray dhamaan Laacibiinta Manchester City oo aad u nacday Tevez.
>> (Das Wechseltheater um Carlos Tevez geht in die nächste Runde. Der bei Manchester City in Ungnade gefallene Stürmer soll auch Paris Saint-Germain einen Korb gegeben haben. Wie mehrere englische Zeitungen am Samstag berichten, will der argentinische Nationalspieler lieber zu einem bereits in Europa etablierten Club wechseln.
?Wir haben keinen Deal mit Tevez hinbekommen, vielleicht werden wir es auch nie", erklärte PSG-Sportdirektor Leonardo. Am Freitag war Tevez-Berater Kia Joorabchian für Gespräche mit Leonardo und PSG-Coach Carlo Ancelotti in Paris. Tevez sei sogar bereit zu Gehaltseinbußen, wenn er zu einem der Mailänder Clubs AC oder Inter wechseln kann, heißt es. PSG soll ihn mit zehn Millionen Euro Jahresgehalt locken.
Manchester-City-Coach Roberto Mancini hatte am Freitag betont, dass für Tevez eine Rückkehr ins Team ?unmöglich" sei. Er hoffe, dass der Transfer ?sehr schnell" über die Bühne gehe. ?Es ist wichtig für ihn, dass er spielt, weil er ein Fußballer ist." Der 27-jährige Tevez hat seit September kein offizielles Spiel mehr bestritten und hält sich derzeit in Argentinien auf.)<<