Eurosom oo la galay lugtii u danbeesay & KANAVA Vs GOTHENBURG oo final tiigsaday (Taageerayaasha kooxaha oo soo buux dhaafiyey Garoonka uu Tartaan ka ka socdo,* Daawo Sawirka gudaha +War bixin dheer)
Ciyaaraha Eurosom 2011, ayaa wali si xiiso leh ugu socda Magaalada Helsinki, iyadoona ciyaaraha uu galay lugtii ugu danbeesay ee lagu soo afjari lahaa waxaana 28,jully ee noqoneesaa Maalinta ugu danbeesa ee ciyaarahaan Eurosom 2011, la soo afjari doono.
4-tii kooxood ee ugu danbeesay una soo baxday Seme-finalka ciyaaraha Eurosom, ayaa Maalintii shalay ee 26-jully, is wada arkay, iyadoona kulamadooda ay ahaayeen mid labo ah.
Kulankii ugu horeeyay waxaa isku arkay kooxaha KANAVA (Finland) iyo WALAALAHA QARAABO (Denmark) oo ciyaar wacdaro leh soo bandhigay, waxayna kulankoda ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Kanava FC.
Labada kooxood ayaa u muuqday kuwo u tartamaya in ay koox waliba hiigsato Finalka koobka Eurosom, waxaana kulankii ugu horeeyay ee shalay Finalka xaqiijisay Kooxda KANAVA FC.
Kulankii 2-aad waxaa dhagaha iska garaacay kooxaha GOTHENBURG (Sweden) iyo SUKAO (NORWAY) waxayna ciyaartasi ku soo gaba gaboowday 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Gothenburg (Sweden) oo dhankeeda xaqiijisay in ay soo gaartay Finalka.
Kooxaha KANACA (Filand) iyo GOTHENBURG (Sweden) ayaa iyagu sanadkii 3-aad oo xariir ah usoo wada gudbay Finalka Koobka Eurosom.
Dhanka kale Maalintii shalay waxaa la qabtay tartan Maaradoon ah oo ay ka qeyb galeen ciyaartoy kala gedisan oo da'yar kuwaasi oo ku tartamayay Orodka 100-ka ilaa 400 oo mitir.
Dhalintaan oo da'dooda aheyd 8 ilaa 18 jir, ayaa waxaa kaalimaha ugu horeeyay wada galay Cabdi kariin Xasan, Yuas Mbile, Maxamed Xasan Xuseen, Aanas M. Cabdi iyo Cusmaan Maxamed.
ka hor 28-jully oo lagu wado in la soo afjaro ciyaaraha Eurosom, waxaa ciyaar xiiso badan oo mid saaxibtinimo ah isku wada arki doono, labo Koox oo Odiyaal ah kuwaasi oo kala matali doona Marti iyo Marti Soore.
Maalinta Khamiista ayaa lagu wadaa in kulan darbi ah ay isaga hor imaadaan kooxaha Finalka soo gaaray ee KANAVA VS GOTHENBURG, iyadoona halkaasi lagu bixin doono koobka Eurosom 2011.
Nadiifo Cali Shadoor.
Helsinki - Filand.
Email. shadoor143@hotmail.com