Fifa oo ku soo rogtay Ganaax Horyaalada England, Holland, Germany iyo Denemark sida qaldan ee caruurta yar yar eey ugu isticmaalan Taageeranimada (Imisa Koox ayaa Cadeyn lagu helay? )
Xiriirka Kubada Cagta ee Caalamka oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan Fifa ayaa waxa eey Cadeeymo ku heleen Kooxo badan oo caan ah kuwaas oo lagu eedeey in Caruurta yar yar ee aan fahamsaneyn waxa loo yaqaan Taageeronimada eey u is ticmaalaan Taageroyaal ama si Xor ah oo aanan laga taxdarin.
Cadeeynta eey Fifa soo bandhigtay qaar ka mid ah ayaa waxaa lagu arkay Ilmo aad u yar yar oo marka Taageerayasha Kooxaha eey Sacbinayaan ama kuwa kale heeso caay ah ugu jawaabayaan iyaga oo Farta dhexe tuso ama wax aad u xushmad daran ku hadaaqa madaama eeysan fahamsaneyn wax alle iyo wax Taageero la yiraahodo.
Caruurta ayaa waxaa kaloo Cadeynta Fifa lagu sheegay ineey Taageeranimada u maleeyaan sidii Dagaal sokeeye taas oo hadhoow sababi karta ineey Caruurtaas yar yar noqdaan Holligans-ka waxa loo yaqaan ee ah Taageerayasha aan cabsan ee Garaaca xitaa Ciidamada Booliska ama Dadka kale ee Ciyaaraha u soo daawo tagay marka laga badiyo.
Kooxaha la soo eedeyey ayaa kala ah Man Utd , Liverpool, iyo Astonvilla dhamaan England. Hambrug, Gladbach, Rostock, dhamaan Germany, Venlo, Alkmaar iyo Ajax dhamaan Holland, halka Aarhus oo Denemark ah iyana lagu soo helay cadeyntaan.
Kooxahaan oo qaar ka jawaabay eedeymahaas loo soo jeediyey sida kooxaha Liverpool iyo Hambrug ayaa Fifa u sheegay in iyaga eeysan wax ka ogeyn balse loo baahan yahay in Waalidka dhalay caruurta eey iyaga Koontaroolaan madaama Ilmo yar oo Garoon ku dhex jiro eey adag tahay in mar kasta la koontaroolo, wexeena taas badal keeda ka codsadeen Fifa ineey waalidiinta hadeey taageeriyaal waa weyn yihiin Caruurtiina noqon doonaan sida waalid kood oo kale eeysana waxba ka gelin maamulka kooxda.
Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda & Warakii ugu dambeeyey.
Laacibka Xulka Qaranka Brazil iyo kooxda Benfica Lisbon Ramires ayaa waxa uu Maanta oo Arbaco ah soo Caga dhiganayaa Garoonka weeyn ee kooxda Fc Chelsea Stamford Bridge.
Ramires oo eey Kooxda Chelsea si aad ah uga daba jiidmatay ayaa ugu dambeyntii waxa eey ku guuleysatay ineey kula soo wareegto Adduun gaaraya 22-Milyan oo Euro.
Macalin Carlo Ancelotti oo u waramayey Sky Sport ayaa sheegay in Lacag badan eysan wax tareen balse Laacib-kaan uu wacdaro ka dhigi doono Horyaalka England.
Weeraryahanka Qaranka Ghana iyo Kooxda Rennes ee France Asamoah Gyan oo Beeciisu kala bax marayo
Laacib Asamoah Gyan oo World Cup 2010 wacdaro ka soo dhigay ayaa waxaa doonaya kooxo badan.
Asamoah Gyan ayaa waxaa 16-Milyan oo cash ah ku dooneyso Kooxda Fenerbahce ee Horyaalka turkiga, halka kooxdiisa Rennes ee faransiiska eey beeca ku dhegtay oo eey taagan tahay 18-Milyan oo Euro.
Fenerbahce ayaa dooneyso in Asamoah Gyan eey ku buuxiso booska weeraryahanka Spain Daniel Guiza oo ku sii jeedo Horyaalka Russia iyo Kooxda Rubin Kasan.
Beeca Asamoah Gyan ayaa saacadaha soo socda soo caanbixi doona.
Filo Goor Dhow: Kawaanka Beeca Ciyaartooyda !
Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com