Sida caadada ah waxa uu Xiriiriye.com soo xushaa oo hal Team ka soo saaraa Ciyaartooyda kacsan ama boosaskooda sida wanaagsan u xirtay. . Ciyaartooyda uma soo xulano kala jecleeysi ee waxaan u soo xulnaa sida eey u kacsan yihiin ama Boosaskooda u xirteen.
Xiriiriye horay waxa uu u suubiyey xul Qaran hadane maanta waxaanu idiin heeynaa Xulka Xiriiriye.com ee Premier League .
Laacibiintaan iyo shaxdaan cusub oo aan la soo Shir tagi leheeyn ayaa waxaan Kaptan uga dhigay Samir Nasri. Qaabka ama Systembka aan ku dheeli leheen ayaa ah sidan 4 4 2.
Ciyaartooyda uma raacno inta gool ee uu dhaliyey balse waxaan Tutulaare ugu soo safnaa Qaab ciyaareedkiisa iyo Awoodiisa Sport.
Xulka Xiriiriye.com oo Isbuucaan aanu uga hadleeno awooda Laacibiinta aan soo xulnay iyo horyaalka England ee Premier League ayaa waxaan ku xujin doonaa horyaalada Talyaaniga iyo Spain oo aanu Xul Top ah ka soo saari doono.
Keeydka Xulkaan ayaanu waxaanu ka dhigan leheen ciyaartooydaan Hoos ku qoran :
Difaac : P.Evra Man Utd, Jerome Boateng Man City, iyo Branislav Ivanovic Fc Chelsea.
Dhexda : Cesc Fabrigas Fc Arsenal, Luis Nani ManU, iyo Frank Lampard Fc Chelsea.
Weerar : Darren Ashley Bent, Dimitri Berbatov, Fernando Torres iyo Robin van Persie .
Filo Barnaamishka dambe ee xul nuucaan la mid ah oo aanu u sameeyn doono Laacibiinta horyaalka Talyaaniga.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com