kala carar ka dhacay Koox Horyaalada Yurub caan ka ah oo Garoonkii eey ku ciyaari jireen uu mar quraa soo dumay (Halkaan ka Daawo Garoonkii dumay oo Dhimasho iyo Dhaawac laga soo sheegay)þ
Kooxda kubada cagta ee FC Twente Enschede oo ka dhisan Horyaalka dalka Holland ayaa waxaa qabsatay qasaaro baaxad weeyn oo lagu sheegay Malaayiin Euro ka dib markii qeeyb ka mid ah Garoonkooda uu Digada noqday ama dhulka la simay.
Garoonkaan oo qurxin lagu waday maadaama lagu jiro Fasaxa horyaalada gaar ahaan Nasashada Horyaalka Holland ayaa si lama filaan ah waxaa u soo dumay Qeeybtii kore ee Garoonka kooxda FC Twente taas oo sii maratay ama baabi´isay qeeybtii dhexe ee goroonka oo laga soo dhex saaray 15 ka tirsan Shaqaalihii casriyeenta ka waday halkaas iyaga oo miyir laheeyn ka dibna Isbitaalka laga xaadiriyey.
Dhimashada Garoonka ka dhacday waa hal qof laakiin kuraasta baaba´day ee aan rajada laga qabin in dib loogu fadhiisto ayaa wexeey ka kooban tahay dhoor & toban kun oo Kursi. Garoonka kooxda FC Twente Enschede waxaa la dhisay sanadkii 1998 waxaana lagu magacaabaa De Grolsch Veste.
FC Twente Enschede waa kooxda heeysata Koobka dalka Holland weliba mudo hal sano ka hor ah wexeey qaaday horyaalka dalka Holland oo ugu dambeentii u suurto galiyey ineey ka qeeyb qaataan tartankii ugu dambeeyey ee Koobka Champions League 2010/2011.