Alan Shearer " Pep Guardiola Raaxo ayuu ku jiraa isaga iyo Ciyaartooydiisa si Wanaagsan ayeey isku fahmeen ,* David Beckham" Waxaan leeyahay Man Utd ha iska sabarto maxaa yeelay xili Barclona ayaa lagu jiraa, * Fc Barcelona oo Champions League 2010/2011 jeebka dambe gashatay ka dib markii eey Man Utd ku Joog joogsatay,* Maxaad kala socotaa Qiimaha Ciyaarta Fiinaalka Champion-ka lagu daawanayey oo kala Qaalisaneed?,* & Laacibiin Caan ah oo saadaaliyey xiliga Fc Barcelona laga taqluusi doono+Warar Top ahoo aan idiin soo aruurinay (Halkaan ka Daawo dabaal dega Fc Barca)
Showdown: Kooxda kubada cagta ee Catalonia Fc Barcelona ayaa markeedii 4-aad jeebka dambe gashatay koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League 2010/2011.
Inkastoo Kubadu Nasiib tahay (Cad & Madoow) hadane waxaan wax iska badalin Saadaashii eey horay u bixiyeen Qabiirada Kubada Cagta ee Caalamka oo intooda badan horay u sheegay ineeysan jirin cid ama koox xiligaan la joogo Fc Barcelona iska dhicin karta marka laga reebo Nasiibka oo afarta dhinac ka soo gala Garoonka.
Fc Barcelona wexeey 3-1 ku Qararamsatay Wiilashii xirnaa Maaliyada ama Funaanada kooxda Shayaadiinta Cas Cas waa (Manchester United) oo ku ciyaarayey Garoonka weeyn ee Wembley-Stadium oo ku yaala Magaalada London .
Ciyaarta oo ku bilaabatay jawi degan iyo waxa looyaqaan (is gaad gaadka) ayaa Daqiiqadii 8-aad waxaa Fc Barcelona sigay Weeraryahan Wayne Rooney waxaana fursadaas ka bad baadiyey kooxdiisa Barcelona-Keeper Victor Valdes. 2-daqiiqo ka dib waa Daqiiqadii 10-aad waxaa jiray qalad ama is fahmi waa dhex maray Difaaca Barca Gerard Pique & Victor Valdes.
Intaas ka dib Fc Barcelona wexeey soo qaaday ama biloowday Weerar Cir & Dhul ah waxaana iska cad ineey Ciyaartooyda Fc Barcelona qaateen taladii ama hadalkii uu Macalinkooda Mr.Pep Guardiola dhoor maalmood ka hor wareeysi uu dhiibay ku sheegay ineey iska ilaalin doonaan Gool eey daqiiqadaha ugu horeeya kala hor marto kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee United .
Pedro Rodriguez Daqiiqadii 16-aad Jaanis ayuu ka qasaariyey Maroodiga qadka dhexe ahna Kaptanka kooxda Fc Barcelona Xavi Hernandez .Waxaa sidoo kale Daqiiqadihii 20-aad & 21-aad Fc Barcelona beerdareeyey ama Qasaariyey Ciyaaryahan David Villa.
Fc Barcelona oo Iimaan yook ku noqotay Goosha kooxda United waxaa Daqiiqadii 27-aad jihada ka dhumiyey Waayeelka Man Utd Mr.Edwin van der Sar weeraryahan Pedro Rodriguez oo ka xishooday markaan inuu Kaptan Xavi Hernandez & Qarshada Qadka dhexe Andres Iniesta sii qasaariyo. Fc Barcelona oo Daqiiqadii 27-aad gool ku hormartay waxaa ka yaabsaday oo daqiiqadii 34-aad gool ka xareeyey weeraryahan Mark Wayne Rooney oo Paas aad u qurxoon ka helay Rugcadaaga The Red Devils Ryan Giggs.
Goolka Wayne Rooney Hobseit ayuu ahaa sida ku cad sharci ahaan halka uu taagnaa wuxuuna goolkaas noqonayaa kiisii 4-aad ee Champions League 2010/2011. Ciyaarta Qeeybteedii hore (Kaambiyada) waxaa lagu kala nastay 1-1.
Qeeybtii 2-aad Ciyaarta markii dib la iskugu soo laabtay waxaa halkeedii dardar iyo Fak Fak ka sii waday Catalonia Fc Barcelona oo ugu dambeentii xiddigeeda gaaban ee Qibrada xambaarsan waa Ciyaaryahan Leo Messi oo Ciyaarta ka dhigay 2:1 (Daqiiqadii 54-aad.) Wixii intaas ka dambeeyey Kooxda ManU Korantada ayaa ka tagtay waxaana Fc Barcelna Fursado kale oo Goolal lagu dhalin karay ka qasaariyey Laacibiinta kala ah Messi (63.), Xavi (66.) iyo Iniesta (67.) .
Intaas ka dib Kooxda Man Utd waxaa sii Meeyd garaacay kana xareeyey Goolkii Dhimashada Weeraryahan David Villa Daqiiqadii 69-aad (3:1)
***HALKAAN HOOSE KALA SOCO : News, Faalo, Warar kii Jaraaidyada, Wareeysiyo, jawigii & Shaxdii Ciyaarta ***
*** Halkii eey Ciyaarta Finaalka Champions League 2010/2011 ka dhacday waa Garoonka Wembley-Stadium oo ku yaal Magaalada London waxaana Ciyaarta iyo Garoonka soo xaadirtay 87.700-oo Taageere. Xiriirka Uefa waxa uu farta ka saaray Maamulada labada kooxood (ManU & Fc Barca) maalmo ka hor inta eeysan ciyaartaan dhicin min 25.000 oo Tikityadii Ciyaarta lagu daawanayey ah.
Inta kale Taageerayaasha garoonka soo xaadiray wexeey ahaayeen Taageerayaal labada dhinac kala raacsan oo Gudaha & Dibada ka kala yimid. Garoonka waxaa lagu arkay Taageerayaal Fc Chelsea ah oo isku toshtay Maaliyada Fc Chelsea & tan Fc Barcelona.
*** Alabiitaraha Ciyaarta loo dhiibay waa Shaqsi jecel oo qudhiisa Ciyaara ciyaarta kubada cagta, waxaana arinkaas loo la jeeday si uu ula ordo Ciyaartooyda ama ula jaan qaado una Koontaroolo kuwa wax qala ama Sabaaxada kaca. Alabiitarahaan/Garsoorahaan oo 35-jir ah waxaa lagu magacaabaa Viktor Kassai wuxuuna u dhashay dalka Hungary.
*** Qaabkii eey isku arkeen Ciyaartooyda labada Kooxood, kii Tutulaare ahaa ama kii Binjiga ka yimid oo badal ku soo galay ayaa Laacibiinta Magacyadooda wexeey kala yihiin sidan :
FC Barcelona: Valdes - Alves (88./Puyol), Mascherano, Pique, Abidal - Xavi, Busquets, Iniesta - Villa (86./Keita), Messi, Pedro (92./Afellay)
Manchester United: Van der Sar - Fabio (69./Nani), Ferdinand, Vidic, Evra - Valencia, Carrick (77./Scholes), Giggs, Park - Rooney, Hernandez.
Ciyaartooyda Buuqooda uu batay ee Jaallaha lagu aamusiyey wexeey kala ahaayeen : Dani Alves & Valdes oo Fc Barcelona ah iyo Michael Carrick & Antonio Valencia oo Shayaadiinta Cas Cas iyo ManU u safta.
*** Ciyaartooydii Nasiibka u yeelatay ineey Goolal dhaliyaan iyaga oo laga daawanayey Caalamka oo idil wexeey kala yihiin :
1:0 Pedro (27.)
1:1 Rooney (34.)
2:1 Messi (54.)
3:1 Villa (69.)
*** Saacadu markeey ku taagneed 22.48 daqiiqo Xiddigii ugu horeeyey ee koobka Champions League 2010/2011 kor u qaaday waxa uu ahaa Xiddiga reer France Eric Abidal oo Qaliin halis ah una dhaxeeyey nolol iyo Geeri ka bad baaday (War kaas Xiriiriye horay ayuu u qoray in Abidal lagu sharfi doono koobka Champion-ka)
*** Jaraaidka Mirror Sport oo ka soo baxa dalka England waxa uu maqaal & Sawir Cajiib ah ka sameeyey (Sawirka kore) xiligii eey Ciyaartooyda kooxda Fc Barcelona kor u boo bootinayeen Macalinkooda Pep Guardiola. Jaraaidka ayaa qoray Pep Guardiola oo leh sidan : " Oh My Gott, War dhulka i dhiga wixiina Farxad weey dhaaftay hadaad Dhabarka iga Jabisaan yaa Sanadka dambe Champions League idiin qaadaayo oo Jose Morinho & Real Madrid idinka dhicin doona?? !! (Maqaalka Wargeeyskaas waxa uu noqday kii ugu daawashada badnaa) .
***Jaraaidka dhanka Sportiga ugu magaca dheer dalka Spain waa (Le Marca) waxa uu qoray war u ekaa Dacaayad lagu niyad jabinaayey Taageerayaasha Man Utd taas oo eheed sidan: Kooxd Man Utd oo leh Champion eague 2011/12 hadii eey Fc Barcelona Fiinaal nala soo istaagto Ciyaarta kama dambeeysta ah ha lagu tashto sooma socono anaga !! Wuxuu ciwaan uga dhigay Wargeeyska warkaan sidan : " Filimkii Champion-ka oo la soo gaba gabeeyey & Laadarkii oo laga Taqluusay (ManU)
*** Antonio Valencia & Wayne Rooney oo labadoodaba u safta kooxda Man Utd wexeey u sheegeen Sun-Sport in eeysan Nasiib ku laheeyn ManU xiliga eey ku ciyaareeyso Maaliyada Midabka Cadaanka/Casaanka ah !!!!
***Alan Shearer oo ah Weeraryahankii hore ee Qaranka England iyo kooxda Newcastle Utd iyo David Beckham oo la hadlayey Skysport ayaa labadoodaba wexeey u Tacsiyeeyeen oo Niyada u dhiseen Kooxda ManU oo Gurigeeda ama Ciideeda caro Ingiriis Cagaha looga tumay.
Alan Shearer waxa uu yiri sidan : " Pep Guardiola Raaxo ayuu ku jiraa isaga iyo Ciyaartooydiisa si Wanaagsan ayeey isku fahmeen, waxaana adag in kooxaha eey ska dhiciyaan Macalin iyo Laacibiintiisa marba hadeey is fahmeen ama saaxiib Qaali ah noqdeen.
*** Dhanka kale Xiddigii hore ee kooxda Man Utd David Robert Joseph Beckham oo u waramayey Skysport isaga oo murugeeysan waxa uu yiri sidan "ManU ha iska sabrto (Sorry) ma ahan wax ku cusub Ciyaarta kubada cagta in kooxba eey mar uun kacsantahay waxaana hada lagu jiraa xiligii Fc Barcelona waxaana dhawaan la arki doonaa ama 2-Sano ka dib soo bixi doonto koox kale !!
*** Taageerayaal ka yaabsaday Maamulka Garoonka Wembley-Stadium. Mexeey sameeyeen Taageerayaashaan Jalbeeysan??
Ciyaarata Fiinaalaha Champion League ayaa qiimaha lagu daawanayey wexeey eheed 180 Euro halka Garoonka qeeybta loo yaqaan VIP-da uu qiimaha Tikitka ka ahaa 360 Euro . Arintii ugu yaabka badneed ayaa dhacday ka dib markii la arkay Taageerayaal ku doonaya Lacag xad dhaaf ah oo ka badan mida VIP-da kurasteeda ku xeeran 4-ta Koorno.
Taageerayaashaan Jalbeeysan ayaa la sheegay ineey doonayeen in eey qal qaliyaan ama Qeeylo iyo Caay raaxada kaga qaadan xiliga uu agtooda Koornada ka gami rabo wexeeyna sidoo kale doonayeen marka uu agtooda soo istaago Xiddiga ama kooxda eey Taageersan yihiin Sacab iyo Amaan isku daraan si uu Laacibka Koornada gamayey ama tuurayey u sii kacsado.
Taageerayaashaan ayaa u badnaa kuwo watay ama isku soo toshtay oo Harqaamay Maaliyadaha Fc Barcelona iyo mida Fc Chelsea.
*** Taageerayaasha Fc Barcelona ee dhanka Aalada Facebooka ayaa intooda badan wexeey Ciwaan ka dhigteen Aaway Shaxdii, Qibradii iyo Taaktikadii uu Macalin Jose Morinho ku caawiyey United-Coach Sir Alex Ferguson ?
***Inta badan Saxaafada Sportig wexeey isku raacday in Kooxda Man Utd eey Champions League 2009 iyo kanba ka ciyaartay 10-ka daqiiqo ee ugu horeeysay Ciyaarta wixi intaas ka dambeeyeyna Korantada ayaa ka qulqushay The Red Devils.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta ManU Vs Barcelona 1-3 >>> http://www.youtube.com/watch?v=jB-OQbv8oHA
Halkaan ka Daawo fiinaalkii ugu dambeeyey ee Shayaadiinta Cas cas Vs Fc Barcelona 0-2 in Roma >>> http://www.youtube.com/watch?v=JSu4hRK5b_k&feature=player_embedded .
Filo Goor dhaw Barnaamishka La Yaab Sport oo Maanta Qiso La Yaab ah xambaarsan iyo Warar kale oo Top News ah.
Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com