QEEYBTII 1-AAD >> Maxaad kala socotaa 3 ka mid ah Laacibiinta Caalamka oo Faqri iyo Baahi ku soo koray balse hada Taajiriin isku badalay (Halkaan ka Akhriso War Bixin Tarjuman By : Bild Sport)
Jaraaidka Bild-Sport ayaa war Bixin Top ah waxa uu ka qoray 3 ka mid ah Laacibiinta Caalamka ugu caansan oo uu ku sheegay ineey yihiin Xiddigo Faqri iyo Baahi ku soo koray balse hada Taajiriin isku badalay (Qeeybtii 1-aad War bixintaan oo Tarjuman ayaa u qorneed sidan ).
Angel Fabian Di Maria waa Laacibka kooxda Real Madrid iyo Qaranka Argentina wuxuuna dhashay 14.02.1988-kii. Di Maria waa Laacib eey isku magaalo ku dhasheen Xiddiga caanka ah ee Fc Barcelona Leo Messi waxaana magaalada eey ku dhasheen ama ka soo jeedaan lagu magacaabaa Rosario.
Kooxaha uu u soo ciyaaray Di Maria wexeey kala yihiin Rosario Central, Benfica Lisbon iyo Real Madrid oo uu hada u safto. Angel Di Maria Goolkiisii ugu horeeyey kooxda Real Madrid wuxuu u saxiixay 22-kii Bishii Agoosto sanadkii 2010-ka wuxuuna ka dhaliyey kooxda Hercules.
Di Maria intii uusan ku soo biirin kooxda Benfica Bishii Juulay sanadkii 2007 waxaa qarka u saarneed ineey la soo wareegto kooxda the Gunners Fc Arsenal waxaa sidoo kale heshiis kula jirtay kooxda Boca juniors oo dooneeysay ineey ka faaido Laacibkaan Lacag fara badan.
Di Maria xiligaas (2007) waxaa soo Bililiqeeysatay ama si layaab ah kula soo wareegtay kooxda Benfica oo ka dhisan Horyaalka Portugal.
Angel Di Maria waa Laacib ku wanaagsan tuurista dhanka Koornooyinka waxaana taas kuu cadeeyneeyso 20-kii Bishii April Sanadkii 2011 wuxuu Kubad Koorno eheed Madaxa u saaray Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo Fc Barcelona 1-0 kaga xayuubsaday koobkii Boqortooyada reer Spain ee Copa Del Rey.
28-kii Bishii Juun Sanadkii 2010-ka waxaa 25 Milyan oo Euro kula soo wareegtay kooxda Real Madrid oo ka soo iibsatay kooxda Benfica wuxuuna u saxiixay Qandaraas 5 sano ah.
Intaas wixii ka dambeeyey Aabaha dhalay Xiddigaan oo lagu magacaabo Fabian Di Maria wuxuu Albaabada iskugu dhuftay Dukaankii uu ku iibinjiray Kabaha Saandalada ah oo ku yaalay magaalada Rosario ee dalka Argentina.
Angel Fabian Di Maria waa Xiddig lagu soo koriyey Nolol aad u adag (Faqri) wexeeyna maanta isaga iyo Qooyskiisa dhex Dabaalanayaan Malaayin Euro oo u taalo Bankiyada dalka Argentina.
Angel Fabian Di Maria waa Laacib aad u Lafo yar yar oo Caato ah wuxuuna muuqaalka nuucaas ah ka Tarjumayaa Nolashii adkeed ee uu ku soo koray. Angel Di Maria ma jeclo in wax laga weeydiiyo Nolashiisii hore iyo Faqrinimadii uu ku soo koray.
Dukaankii Kabaha Saandalada ah lagu iibin jiray ee uu lahaa Aabihiis Fabian Di Maria waxaa uu hada u furan yahay ama si buuxdo ula wareegay Abtigiis Rigo Marquez oo goobtaas ku ganacsado.
LA SOCO GOOR DHAW QEEYBTII 2-AAD & QEEYBTII -3-AAD OO AANU KU SOO QAADAN DOONO DHAMEESTIRKA WAR BIXINTA 3-CIYAARTOOY OO FAQRI KU SOO KORTAY BALSE MAANTA TAAJIRIIN ISKU BADASHAY !!
Waxa Yar ka dib Filo Faalo ku saabsan Lugtii hore ee (Euro Play off oo la Ciyaaray iyo Qaranka Turkiga oo Istanbul dharka looga dhigay !!.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka