LA YAAB : Dagaal Sokeeye oo ka dhacay Horyaalka Romania ayaa waxa uu noqday mid Dad badan soo xasuusiyey Filimaantii Rambo, Weli ma dhicin Laacibiin caan ah oo si xun u garaacay Taageere ka dib markii uu mid ka tirsan Laacibiinta dhegta feer fujiyey !(Halkaan ka Daawo Yaabkaan)
Qisadii ugu hadal heeynta badneed War baahinta Caalamka ayaa wexeey noqotay arin yaab badan oo dhex martay mid ka mid ah Taageerayaasha kooxda Petrolul Ploiesti iyo Xiddigaha u ciyaara kooxda ugu qatarsan horyaalka dalka Romania waa Steaua Bucharest.
George Galamaz waa Difaaca kooxda Steaua Bucharest waxaana isaga oo iska jirin ama u jeedin gadaashiisa ka yimid mid ka mid ah Taageerayaasha kooxda Petrolul Ploiesti oo fahmi waayey ama ka xumaaday Guulaha faraha badan ee kooxda Steaua Bucharest wuxuuna Taageerahaan wareersan dhegta dhiiga daray Feer kululna dhulka la dhigay Difaaca Steaua Bucharest waa Ciyaaryahan George Galamaz.
Taageerahaan ayaa markii uu Dhegta Dilaacshay Ciyaaryahan George Galamaz waxaa isla markiiba ka daba orday oo soo qabtay intii uusan Garoonka ka bixin Laacibiinta kooxda Steaua Bucharest oo ka xumaatay sida loo galay Difaacooda George Galamaz wexeeyna durbadiiba bilaabeen ineey Boga iyo Beerka ka tumaanTaageerihii dhegta fujiyey Ciyaaryahan George Galamaz.