(XIRIIRIYE & MUCJISOOYINKA CAALAMKA) : Faheem Muhammad waa Bodyguard-kii ama Waardiyihii qaaska ahaa ee Michael Jackson wuxuuna Dacweeyey oo uu Maxkamad la koray Dr.Conrad Murray oo loo heeysto inuu Michael Jackson Sun ku Dilay (Halkaan ka Daawo)
Dacwadii u dhaxeeysay Qooyska Reer Jackson oo u doodayey Heesaagii caanka ahaa ee geeriyooday waa Michael Jackson iyo Dhaqtarkiisii Dr.Conrad Murray ayaa noqotay mid 3-Geesood ah ka dib markii uu Maxkamada soo xaadiray Faheem Muhammad oo la sheegay inuu ahaa mid ka mid ah Waardiyaashii uu ugu jeclaa Michael Jackson (Bodyguard) .
Kiis kaan oo mudo 2 sano ah soo jiitamayey waxaa horay uga aamusay oo diidanaa inuu arintaan ka hadlo Faheem Muhammad maadaama uu goob joog ka ahaa markii eey Masiibada dhaceeysay.
Waardiye Mr.Bodyguard Faheem Muhammad ayaa hada waxa uu la saftay Qooyska Reer Jackson wuxuuna ka qiray Maxkamada dhexdeeda inuu Dr.Conrad Murray lahaa sababta Dhimashadii Michael Jackson maadaama uu ahaa Shaqsigii ugu dambeeyey ee siiya Daawada.
Dhaqtarkii Michael Jackson Dr.Conrad Murray oo inta badan iska dhex ooya maxkamada dhexdeeda ayaa iska diiday Dacwadaan loo heeysto wuxuuna ku dooday in uu aad u Jeclaa Michael Jackson oo eeysan ka suurtoobin inuu Sumeeyo.
Maxkamada dhexdeeda waxaa la soo bandhigay muuqaal cadeenaya qaabkii uu Sariirta Dusheeda ugu dul geeriyooday Michael Jackson 25-kii Juun Sanadkii 2009-kii xiligaas oo la sheegay inuu Daawo ka tan badan uu siiyey Dr.Conrad Murray.
Dhaqtarkaan ayaa muteeysan doona maalmaha soo socda ugu yaraan 4-sano oo Xarig ah iyo Lacag Malaayiin Dollar oo Ganaax ah.