LAMA ARAG & LAMA MAQAL AYAA KA DHACDAY: Xulalkii eey Soomaalida Taageeri jireen ee koobka Qaramada Africa ayaa dhamaan daaqada ka baxay,* Bafana Bafana/South Africa,Nigeria,Cameroon iyo Masar Filimkoodii Eey Qaawan ayaa cunay !!
" Waa Taariikh madoow,Fadeexo ayaa na qabsatay mana naqaan waxaan Shacabkeena ku qancino.Ciyaartooyda Qarankeena weey qaldameen maxaa yeelay Isbuuc ka hor ayeey dabaaldeegen iyaga oo aan ka fiirsan,, Calaacalkaas iyo mid ka sii badanba waxaa Afkiisa laga hayaa Macalinka Qaranka Bafana Bafana/South Africa Mr.Pitso Mosimane .
South Africa waxaa Bareejo 0-0 ah ku qabatay Sierra Leone waxaana sidoo kale ka goolal tirsi badatay Xulka Niger oo aan Xisaabta ku jirin weligiisna u soo bixiin Koobka Qaramada Africa. koobka Qaramada Africa ayaa furmi doona dhamaadka bisha Janaayo ee sanadka 2012-ka oo fooda inagu soo haayo waxaana Xili Ciyaareedkaan marti galiyey Tartankaan Qiimaha badan wadamada kala ah Gaabon iyo Aquatorialguinea/Ekwadoor Geneeya.
Soomaali badan ayuu xili Ciyaareedkaan soo socda u noqon doonaa murugo maadaama Wadamadii eey sida weeyn u Taageeri jireen Daaqada laga saaray. Xulalka aan waligood ka harin koobka Qaramada Africa ee xili Ciyaareedkaan uu Daadka ama Seefta kooxaha yar yar eey qaaday ayaa wexeey kala yihiin Bafana Bafana/South Africa,Xulka isku magacaabi jiray Libaaxyada Africa waa (Cameroon), Neeyjeeriya oo ka faaideeysan weeysay Laacibiinta u dhooban iyo Qaranka Difaacan lahaa Koobkaan ee Masar.
Koobka Qaramada Africa ayaa waxaa xili ciyaareedkaan u soo baxay kooxo yar yar weliba nuuca eey Soomalida u taqaan Jinni Jinniga sida Niger iwm .(Alloow Amuuraha sahal).