Manchester United iyo Weeraryahan Wayne Rooney oo Dhulka la jaray Dariskooda Manchester City kana aarsaday Xasuuqii 23-kii Bishii Oktoobar 2011,* Weekiyo Paul Scholes oo mar kale Boorka iska jafay iyo Kooxaha Fc Liverpool vs Man Utd oo isku dhacay (Faaqidadaa Kulamadii FA-Cup).
Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Horyaalka dalka Ingiriiska ayaa Koobka FA-Cup wexeey Daaqada ka saareen Naadiga Man City oo hogaanka u haya Horyaalka Premier League. Man Utd oo Man City ku suul daartay 3-2 waxaa Goolasha u kala saxiixay Weeraryahan Wayne Mark Rooney Daqiiqadihii 10-aad iyo 39-aad. Goolka sadexaad waxaa raacsaday Xiddiga asal ahaan ka soo jeeda dalka Ghana waa Ciyaaryahan Danny Welbeck Daqiiqadii 30-aad.
Goolasha Kooxda Man City waxaa dhankeeda u kala dhaliyey Laacibiinta kala ah Aleksandar Kolarov Daqiiqadii 48-aad iyo Sergio Agüero Daqiiqadii 64-aad. kooxda Manchester City waxaa Rooso ka qaatay Daqiiqadii 12-aad Difaaca Qaranka Beljemka Vincent Kompany taas oo sababtay in Man City oo ku Ciyaareeysay Garoonkeeda la isku kuuso.
Kooxda Manchester City oo laga doonayey ineey Difaacato FA Cup-ka waxaa si weeyn looga aarsaday Xasuuqii Taariikhiga ahaa ee kooxda Manchester Utd ay ugu soo geeysteen 23-kii Bishii Oktoobar Sanadkii 2011 Garoonka Old-Trafford.
Dhanka kale waxaa Garoomada dib ugu soo laabtay Weekiyo Paul Scholes oo horay u shaaciyey inuu Ciyaaraha Caalamiga ah ka fadhiistay. Kooxda Fc Chelsea ayaa dhankeeda 4-0 ku Ciqaabtay Naadiga Portsmouth waxaana Goolasha u kala saxiixay Frank Lampard,Mata iyo Ramires oo labo Gool dhaliyey.
Kooxaha Fc Liverpool Vs Man Utd ayaa isku dhacay waxaana sidoo kale isku aaday kooxaha kala ah FC Everton vs FC Fulham iyo West Bromwich Albion Vs Norwich City . Kulamadaan ayaa la kala Ciyaari doonaa Taariikhdu markeey tahay 28 iyo 29-ka Bishaaan aanu ku jirno ee Janaayo.
KOOBKA (FA) KULAMADII LA CIYAARAY KOOXAHA WEXEEY KU KALA BEXEEN NATIIJADAAN :
Liverpool*
Oldham
5:1
Birmingham
Wolverhampton*
0:0
Barnsley
Swansea*
2:4
Everton*
Tamworth
2:0
Fulham*
Charlton
4:0
Gillingham
Stoke*
1:3
Macclesfield
Bolton*
2:2
Milton Keynes
Queens Park Rangers*
1:1
Newcastle*
Blackburn*
2:1
Norwich*
Burnley
4:1
Swindon
Wigan*
2:1
Tottenham*
Cheltenham
3:0
West Bromwich*
Cardiff
4:2
Bristol Rovers
Aston Villa*
1:3
Manchester City*
Manchester United*
2:3
Chelsea*
Portsmouth
4:0
Peterborough
Sunderland*
0:2
Arsenal*
Leeds
Isniin
FIIRO GAAR AH : Sharciyada u degsan Koobka FA, kooxihii Bareejo galo waxaa la isku celinayaa Kulan labaad. Kooxaha kore ee aanu Xiddigta ama Calaamada u yeelnay wexeey ka Ciyaaraan dhamaantood Horyaalka Premier League. (Filo Goordhaw Warar ku saabsan Horyaalada oo kulamo adag la Ciyaaray+Daawasho.